Faroole1Garoowe(Araweelo News Network) Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole , ayaa sheegay in aanay aqbalayn dastuurka Federaalka ee

 

Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in aanu anfacayn maamul ahaan.

Sidoo kale wuxuu dawlada Federaalka ku eedeeyay in ay ka leexatay nidaamka Federaalka ee hore loogu heshiiyay.

Cabdiraxmaan Faroole, waxa kale oo uu ka hadlay shirkaddo shidaal ka qodaya gobolada Bariga Somaliland, wuxuuna sheegay inay uga digayaan Somaliland in aanay shidaal ka baadhin gobolka Sool.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Faroole, waxa uu sidaa ka sheegay qudbad dheer oo uu Caawa ka jeediyay munaasibad lagu xusayay sanadguuradii 15aad ee kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay Maamulka Puntland, taas oo lagu qabtay dhisamaha Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe.

Faroole oo ka hadlaya arrimahaa dastuurka Federaalka, wuxuu yidhi, ” Soomaaliya Dastuur bay samaysatay,  haddii aanay  sixin is bedelka ay ku samaysay Dastuurka waxa uu noqonayaa Dasturka dawlad goboleedka Muqdisho”ayuu yidhi, wuxuuna uga digay dawlada Federaalka Soomaaliya in aanay ka leexan wadadii nidaamka federaalka, isagoo ku booriyay dawlada Federaalka ee Xasan Sh. Maxamuud inay saxaan oo aqoonsadaan nidaamka Federaalka oo Soomaalidu hore uga hishiisay.

 

Dhinaca kale Faroole, wuxuu uga digay Xukuumadda Somaliland inay  wax baadhitaan iyo sahamin shidaal ka sameeyaan degaamo uu sheegay inay  ka tirsan yihiin Puntland, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay gobolka Sool.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *