Photos: Attacks on U.S. diplomatic sitesWashington(Araweelo News Network) Dawlada Maraykanka ayaa uga digtay Muwaadiniinteeda inay u safraan dunida, isla markaana waxay xidhay 21 safaaradood iyo

 

qunsilayado ay ku leedahay dunida Islaamka ee dalalka carabta, woqooyoga afrika iyo  bariga dhexe oo ay ku jirto Israil.

Digniinta kasoo baxay xalay State Department, ayaa lagu sheegay in todobaadkan dawlada Maraykanku ka cabsi qabto in weeraro isqarxin ah lagu fuliyo safaaradaha ay ku leedahay dalalka dunida Islaamka ee Bariga dhexe oo ay ku jirto Israil iyo Woqooyiga Afrika.

Talaabada dawlada Maraykanka ku kaliftay inay qaadato go,aanka ayaa lagu sheegay inay ka danbaysay kadib markii sadex ila wareedyo kala duwan ay ishaareen suurta galnimada weeraro lagu qaado danaha Maraykanka ee dunida Islaamka iyo meelo kale, kuwaas oo aan la cayimin meelaha ay ku jihaysan yihiin iyo xiliyada la qorsheeyay, balse sida lagu xusauy digniinta oo lagu baahiyay Bogga CNN ee Internetka, waxa lagu sheegay in Al-Qaida qorshaynay weeraro hor leh, kuwaas suurta gal ah in laga soo abaabulo, am ka dhacaan  Safaaradaha Woqooyiga Afrika, Bariga dhexe iyo Yaman.

Sida lagu sheegay digniinta Washington waxay mid ka mid ah Ila wareedyada sirdoonka Maraykanku heleen sheegay in weeraradaa la fili karo todobaadkan oo ah dhamaadka bisha Barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan habeenada la rumaysan yahay inuu ku jiro Liyla qadiga sida habeenka Axadda  ee 27 Ramadaan oo ay sheegeen in uu yahay  habeenka awooda badan (Night of Power), balse waxa ila wareedyada mid ka mid ah ay sheegtay in ay suurta gal tahay in weerarada cabsi geliyay Maraykanku dhacaan maalmaha kale ee ugu danbaysa bisha Ramadaan.

Dhinaca kale digniinta Maraykanka ayaa lasoo saaray ka dib markii Madaxweynaha Maraykanka Obama iyo Madaxweynaha Yaman Abdo  Rabu Mansour  Al- Hadi ku kulmeen Khamiistii aqalka cad, iyadoo hore loo xidhay safaarada Maraykanka ee Yaman. Sidoo kale safaaradaha Bangladesh to Libya ee Maraykanka ayaa hore loo xidhay.

Sida lagu faafiyay digniinta kasoo baxday State Department, waxa lagu sheegay Liiska  21  Safaaradood iyo qunsilayaddo, kuwaas oo maalinta Axadda la xidhayo mudo cayiman, balse 17  safaaradood oo ay ka mid yihiin kuwa Maraykanku ku leeyahay  dalalka  Afghanistan, Algeria, Bahrain, Bangladesh, Djibouti, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Libya, Mauritania, Oman, Qatar, Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Sudan and Yemen.  Sidoo kale safaarada Maraykanku ku leeyahay Israel ayaa la xidhayaa maalinta Axadda.

Waxa kale oo digniintaa lagu sheegay in xafiisyada qunsiliyaddaha Maraykanku ku leeyahay dalalka Ciraq, Saudi Arabia iyo Emiratka la xidhayo sidoo kale Axadda, waxaana joogi doona shaqaale Jimcaha ilaa Sabtida.

Dhinaca kale Maraykanku wuxuu uga digay muwaadiniintiisa inay u safraan ilaa bisha August ee sanadkan dunida Islaamka, waxaana digniinta Maraykanku soo saaray mid la mid ah soo saartay dawlada Britain, iyadoo si ku meelgaadh ah u xidhay safaaradaha ay ku leedahay wadamo badan oo dunada Islaamka ah.  Dawlada Maraykanka ayaa horaantii sanadkan shaacisay in ay xidhayso safaaradaha 20 dal oo ay ku jiraan kuwa ay ku leedahay Bariga dhexe. Sida laga soo xigtay Mr. James Mattis oo ah Genaraal hawlgab ah.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *