Hargeysa(Araweelo News Network) Xisbiga Mucaaradka UCID, ayaa difaacay Eedaha mudada dheer ku socday Cali Samatar ee dacwada xasuuqii loo geystay

 

 

shacbiga Somaliland xiligii Taliskii Maxamed Siyaad Barre, taas oo ugu danbayntii Maxkamad ku taal Cariga Maraykanka ku xukuntay inuu galay denbigaa Cali Samatar.

Xisbiga oo jawaab ka bixinaya dhaleecayn ay warbaahinta mudooyinkan isku dhaafsanyeen Gudoomiyohooda Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali, hase yeeshee waxa arrintaa ka hadlay Gdoomiye Xigeenka sadexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), wuxuuna isagoo maanta qaar ka mid ah saxaafada la hadlaya si cad u sheegay in aanay raali ka ahayn dacwada Cali Samatar ee xasuuqa lagu eedaynayo haddii aan lala mataanayn Wasiir Xirsi oo sida uu sheegay  ku eedeeyay xasuuq.

Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee UCID, waxa uu isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi, “Waxaan isugu yeedhay guddida fulinta xisbiga UCID oo aannu doonaynay inay naaqishno hadalka wasiirka Madaxtooyada ee uu guddoomiyaha UCID,  ku tilmaamay khaa’iyamul wadan iyo inuu basaas yahay, haddaanu  la qabin Madaxweyne Siilaanyo waxa aannu doonaynaa in si degdeg ah xilka looga qaado wasiirka madaxtooyada, haddii laga qaadi waayo ama maxkamaddi guddoomiyahayaga ku cadayn waydo inuu khaa’inul-wadan iyo basaas yahay waxaannu qaadaynaa tallaabo kasta oo aannu wax iskaga celinayno. Kana baqi mayno.” Ayuu yidhi.

Cali Guray, waxa uu isagoo arrintaa Cali Samatar ka hadlaya yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa shakhsiga uu yahay qofka hadalkaas yidhi, ninka Cali Samatar la yidhaahdona waxa lagu haystaa hadal uu ka yidhi BBC-da oo sheegaya inuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ee bixinayey amarka ahaa in madaafiicda lagu garaaco Hargeysa.

Waxa cad oo aynu wada ognahay dagaalkii Buuhoodle ka dhacay in Cali Samatar-kii Buuhoodle ahaa Xirsi. Ciidanka aaga bariga waxa haystay Ilaahay ha u naxariistee ninkii la odhan jiray Dhancade, wax alaale wax uu dagaalkii Buuhoodle kala socday oo lagala socodsiiyeyna in aanay jirin waynu wada ognahay. Waxa taliyaha ciidanka ahaa Jidhif oo saddex bilood garan la’aa meel dagaalka laga wado, manuu ogayn in taliye Xirsi Gaab la yidhaahdaa fadhiyo madaxtooyada ninka dagaalka wada markii uu ku wareerayna saddex bilood gudahood xilkii baa laga qaaday Jidhif. Dagaalkaa dadka ku dhintay iyo dadkii Hargeysa ku dhintay labaduba waa dhagar laga galay bani’aadanimada, mana aha dambi ah dambi shakhsiyaad laga galay, markaa haddii aannu Xisri dambiile ku ahayn wixii ka dhacay Buuhoodle oo aan ahayn amarkii uu bixinayey Cali Samatar-na dambiile maaha. Cali Samatar iyo Xisri wada dambiilayaal ayey wada noqonayaan haddii kale Cali Samatar dambiile noqon maayo oo xirsi bay ku xidhan tahay” ayuu yidhi.

Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee UCID, waxa dhawaaqiisa noocan ahi kusoo beegmay, iyadoo qadiyada xasuuqa loo haysto saraakiishii Taliskii Maxamed Siyaad Barre lagu soo qaaday Wada hadalada labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ee ka socda turkiga, iyadoo qodobkaa uu maanta ka hadlay Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ah wefdiga Somaliland uga qaybgalay wadahadalka oo waraysi siiyay warbaahinta caalamiga ah ee VOA.

Cali Samatar ayaa dhowaan Maxkamad ku taal dalka Maraykanka ku heshay denbiga loo haysto ee xasuuqa ku dhowaad nus malyuun haween iyo caruur u badan oo Taliskii Maxamed Siyaad Barre ku xasuuqeen deegamo kala duwan oo Somaliland ah xiligii sideetanaadkii.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *