Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Shuruudo Ku Xidhay Xoolaha Dalkeeda Looga Soo Dhoofinayo Somaliland

Dubai, UAE, August 23, 2010 (Saxafi) – Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay go’aan ay ku fasaxayso in xoolaha nool ee dalkeeda looga soo dhoofiya dekedda Berbera ee Somaliland, hase yeeshee waxay ku xidhay go’aankaas ay ku fasaxayso xoolaha dalkeedda uga imanaya Somaliland ku xidhay shuruudo cusub.

 

 

 

 

Sida ay shalay baahisay Wakaaladda Wararka ee Dalka Imaaraadka Carabta, wasiirka Deggaanka iyo Biyaha ee dalka Imaaraadka Carabta, Dr. Rashiid Axmed Bin Fahad, ayaa soo saaray wareegto lagu ogolaanayo in dalkaas xoolaha nool ee adhiga oo ido iyo ri’yo ah iyo lo’da iyo uur ku-jirkoodaba looga soo dhoofiyo dekedaha Berbera oo Somaliland ah iyo Boosaaso oo ah maamul-goboleedka Puntland ee Somalia, haddii ay la yimaadaan shuruudo dhawr ah oo uu wasiirku wareegtadiisu ku sheegay.

Sida wareegtadan lagu sheegay waxaa shuruudaha ka mid ah in ay ganacsatada xoolaha nool soo dhoofinaysaa ay hubiyaan in xoolahaasi ugu yaraan 21 maalmood lagu hayo Max-jarada xoolaha ee ku yaal magaalooyinka ay ku yaalaan dekedaha Berbera iyo Boosaaso, isla markaana waa inay adhiga noociisa lab noqdaan kuwo dhufaanan.

Sidoo kale waxaa ka mid ah shuruudaha wareegtadan lagu sheegay in dhakhtarada xooluhu baadhis ku sameeyaan inay xoolahaasi ka caafimaad qaban cuduro, gaar ahaan kuwo degdeg u fida ama faafa, sidoo kalena waa inuu ganacsadaha xoolaha u dhoofinaya dalkaas imaaraadka Carabtu la yimaadaa shahaadada caafimaadka oo asal ah (Original) iyo gebi ahaanba macluumaadka shixnadiisa xoolaha ah oo ay ka mid yihiin midabka xoolahaas, taariikhda la tallaalay xoolahaas, iwm.

 

Loolanka Mashruuca Cable-Ka Badda Hoos Mara Oo Dib Uga Cusboonaaday Somaliland Iyo Xogaha Ku Daahan

Haddii Siilaanyo Go’aan Geesinimo Leeyahay Wuxuu Siin Doonaa Ruqsadda Shirkadda La Timaadda Muftaaxa 292 Oo Ah Furaha Loogu Talo Galay Mandaqadda Wadanka Ku Cusub Ee Xagga Isgaadhsiinta

Hargeysa, Somaliland, August 24, 2010 (Saxafi) – Tobanaan qof oo isugu jira odayaal iyo waxgarad kale ayaa habeen hore ku laba goor noqonayay qasriga madaxtooyadda iyo gurigii uu hore u deganaan jiray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka hor intii aanu madaxweynaha noqon ee xaafadda shacabka shacabka ee magaalada Hargeysa, iyaga oo ku hawlanaa inay madaxweynaha kala hadlaan arrinta Cable-ka badda hoostiisa mara ee Somaliland oo tan iyo horaantii sannadkanba muran ka taagnaa cidda la siinayo, kuwaas oo sida la sheegay markii dambe ay qaar ka mid ah kulamo kala gooni-gooni ah arrintaas kala yeesheen Madaxweyne Axmed Siillaanyo, balse ilaa lama ogga waxa ay isla meel-dhigeen Madaxweynaha iyo kooxahaasi kadib garnaqsigoodii la xidhiidhay arrinta kaybalka badda hoos mara ee isgaadhsiinta.

Sida la ogyahay Cable-kani badda hoostiisa mara, waxa tartan ugu jira laba shirkadood oo kala ah, shirkadda Dalkom ee Somalia oo liisan ganacsi ka haysata wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland, isla markaana loo bixiyay Dalkom Somaliland, taasi oo hore ugu diiwaan gashanayd shirkadda dalkii la isku odhan jiray Somalia ku metelaysa mashruuca horumarinta Isgaadhsiinta ee la yidhaahdo EASSY.com ee isku xidhka isgaadhsiinta casriga ah ee wadamada bariga iyo Koonfurta Afrika.

Hase yeeshee waxa iyaduna dhinaceeda ka waday olole ay ku doonayso inay ku qaadato soo dejinta mashruucan ee magaalada Berbera shirkad magaceeda la yidhaahdo SOmcable oo ah shirkad uu leeyahay ganacsade asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana haysta dhalashada dalka Djibouti.

Sida uu dhigayo sharciga jinsiyadda Somaliland, muwaadinka Somaliland u dhashay wuxuu haysan karaa laba dhalasho ama ka badan, sidaasi darteedna Ganacsadaha leh shirkadda Somcable mar walba wuxuu noqonayaa muwaadin.

Sidoo kale shirkadda Dalkom Somalia, markii laga diiwaan geliyay Somaliland waxa loo bixiyay Dalkom Somaliland, sidaasi darteedna waxa saamiyo laga siiyay ganacsato reer Somaliland.

Iyada lafteeda marka la eego saamiyadda la sheegay in la siiyay muwaadiniinta reer Somaliland, isla markaana loo eego dhinaca sharciga oo dhigaya in shirkad kasta oo shisheeye oo maalgelin ku samaynaysa Somaliland oo ay saamiyo ku leeyihiin muwaadiniinta reer Somaliland, waxa waajib ah si shirkadaasi loogu aqoonsado inay muwaadinad tahay in ugu yaraan 51% mulkiyadda shirkadaasi ay leeyihiin muwaadiniini, sidaasi darteedna haddii shirkadda Dalkom Somalia ay saamiyadda intaasi le’eeg siiso muwaadiniinta reer Somaliland, iyada lafteedu waxay ka mid noqonaysaa shirkadaha muwaadiniinta.

Hase yeeshee marka si kale loo dhigo, soo dejinta cable-kan ee Somaliland waxay soo bilaabantay ilaa 2005-tii, xilligaasi oo ay saaxadda ku jirtay shirkad magaceeda la odhan jiray Seacom oo laga leeyahay dalka Maraykanka, waxaana xilligaasi wada hadalo yeeshay shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland iyo wasaaradda Boosaha Somaliland, sidii Cable-kaasi looga soo dejin lahaa magaalada Berbera, isla markaana Itoobiya looga iibin lahaa isgaadhsiinta dheeraadka ku ah Somaliland, waxaana wefti iskugu jira shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland iyo wasaaradu isku raaceen magaalada Addis Ababa, si ay  shirkada Itoobiya ee isgaadhsiinta iyo wasaaradda dalkaasi u qaabilsan ugala soo xaajoodaan arrintaasi, isla markaana kulamo ugula soo yeeshaan shirkadda Seacom. Inkasta oo ay labada dhinac kulmeen, haddana wax natiijo ah lagama gaadhin, balse taasi bedelkeeda waa la isku afgaran waayay, ka dib markii ay shirkadda Seacom sheegtay in aanay Somaliland heshiis la geli Karin laba arrimood awgeed, iyada oo aanay jirin shirkad keli ah oo gaar loo leeyahay oo wadanka ka shaqaynaysa iyo weliba dawladda oo aan la aqoonsan, sidaasi darteedna waxay soo jeedisay in la keeno Berbera, isla markaana Signal-ka lagu geeyo Wajaale dhinaca shishe oo ay Somaliland iyo Ethiopia-ba ka qaataan, balse waxa arrintaasi ku gacan saydhay dawladda Somaliland.

Muddo yar ka dibna waxa soo baxay mashruucan EASSY-com-ka, kaasi oo ay shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland, maadaama oo ay xagga addeega iyo furahaba kaga xidhan yihiin shirkadaha Somalia aanay wax saamayn ah ku yeelan oo ay iyaga bedelkooda ku metelayeen shirkadaha iyaga ka wakiilka ah ee Somalia, iyada oo aanay wasaaradduna wax saamayn ah iyo xidhiidho ah toona arrintaasi ka samaynin.

Arrintaasi waxa ay keentay in shirkadda la yidhaahdo Dalkom Somalia iyo dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia ay wada jir mashrucaasi u galaan, isla markaana la isla qaatay in laga dejiyo magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, Somaliland-na lagu siiyo Micro-wave ahaan, sida ay imikaba ugu xidhan yihiin shirkadaha Somalia.

Hase yeeshee markii Cable-kaasi la soo jeeday ee xeebaha Soomaalida la soo gaadhay ayaa la ogaaday in aanu suurto gal ahayn, iyada oo maraakiibtii dhigaysay ay ka baqeen in budhcad badeedu afduubto.

Xilligaasi ka dibna waxa soo baxay in halkii Muqdisho laga dejin lahaa laga soo dejiyo magaalada Berbera, dhulka dalkii la isku odhan jiray Somalia-na lagu siiyo Micro-wave ahaan.

Hase yeeshee arrintanina waxay ku adkaatay shirkaddii mashruuca soo qaadatay ee Dalkom Somalia, maadaama oo loo baahan yahay ogolaanshaha Somaliland.

Iyada oo xaaladu halkaasi marayso ayaa horaantii sannadkan waxa soo baxay hab cusub oo la doonayo in cable-ka laga dejiyo Djibouti, isla markaana Somaliland halkaasi looga soo talaalo habka la yidhaahdo USB, sidaasina Somaliland lagu siiyo. Waxaana halkaasi ka soo booday ganacsadaha leh shirkadda Somcable, Maxamed Aw Siciid.

Xilligii ay ku beegnayd in Cable-ku si uun ku yimaado magaalada Berbera waxa soo baxay tartan u dhaxeeya mulkiilaha shirkadda Dalkom Somalia, Jaamac Dalkom iyo mulkiilaha shirkadda Somcable Maxamed Aw Siciid, waxaanu tartankaasi keenay in labada ninba isku dayaan inay ogolaansho uga helaan madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxaana halkaasi ka bilaabmay waraaqo kala duwan oo ay dhinacyada ku lugta lihi is-dhaafsadaan eeg saxafi 23/05/2010.

Arrintani waxa ay keentay in khilaaf xoog lihi soo kala dhexgalo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo mulkiilaha shirkadda SOmcable, kaasi oo keenay in Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo hore u taageeri jiray xisbiga UDUB Daahir Rayaale uu u luga dudo xisbiga KULMIYE oo xilligaasi mucaarad ahaa.

Marka intaasi oo dhan laga yimaado, weli arrintu halkeedii ayay taagan tahay, waxaana mashruuca soo galay ganacsato cusub oo ay ka mid yihiin, Shirkadda Somaliland laga leeyahay ee AL-Xarbi, Cali Waraabe, Cabdalle Xaaji Cali (Cabdalla Shidh) shirkadda Telesom, kuwaasi oo la sheegay in ganacsade Jaamac Dalkom Saami ka siiyay shirkadda, lamase oga inta uu le’eeg yahay saamigaasi, kuwaasi oo ku doodaya in Cable-kii laga soo dejin lahaa Muqdisho laga soo dejiyo magaalada Berbera, Somaliland-na ay dib uga iibiso Somalia, inkasta oo aanay cadayn habka ay arrintaasi ku suurto gelayso, maadaama oo ay Somaliland tahay dal madax banaan, isla markaana waxa lagu haystaa ay tahay miftaaxii Somalia ee 00252, sidaasi darteedna mar haddii weli shirkado shisheeye wakiil ka yihiin Somaliland aanay macquul ahayn inay faa’iido caynkaasi ah ka hesho.

Sidoo kale shirkadda Somcable ayaa iyaduna ku doodaysa inay magaalada Berbera ka soo dejinayso, Cable-kaasi oo wata magaca Somaliland, balse may faah-faahin qaabka ay arrintaasi u fulinayso, hase yeeshee waxa la sheegay in waxa ay doonayso inay Berbera keentaa ay tahay oo keli ah talaal habka la yidhaahdo USB-ga lagaga soo qaado cable-ka laga dejiyo Djibouti oo Berbera la keeno, miftaaxa la isticmaalayaana uu weli Djibouti yahay, inkasta oo warsaxaafadeed ay shirkadda Somcable soo saartay ku sheegtay inay tahay  mid ka madax banaan Somalia iyo Djibouti labadaba, laakiin may sababayn qaabka ay uga madax banaan tahay.

Go’aan kasta oo ay xukuumaddu labada dhinac ee ku hirdamaya soo dejinta cable-kaasi ka qaadato oo la xidhiidha inay magaca iyo miftaaxa Somalia Berbera wax kaga soo dejiso, wuxuu laf-jab ku noqonayaa sheegashada qaranimada Somaliland, halka haddii Djibouti laga soo talaalana ay la mid tahay uun kud ka guur oo qanjo u guur.

Hase yeeshee, sida ay qabaan khubarada iyo aqoonyahanka Somaliland meel kastaba ha la soo mariyee in la keeno adeegu wuxuu dan u yahay bulshada Somaliland oo helaysa isgaadhsiin xagga internet-ka ah oo xawaarihiisu sareeyo uu gaadhayo intaasi oo GB, halka haatan ay shirkadaha Somaliland iibiyaan waxoogay yar oo ka yar 100MB oo internet ah oo ay Djibouti kaga soo iibisay habka la yidhaahdo Micro-wave-ka, eeg marka aad Google furto waxa kugu soo boodaya Djibouti, balse dhinac kasta oo laga eegaba waxay dhaawacaysaa qaranimadii Somaliland, ilaalinta qaranimaduna waa sababta ay dawladda u doorteen dadweynaha reer Somaliland, iyadaana laga rabaa inay ilaaliso wax kasta oo qaranimada wax u dhimaya inay ka hortagto, isla markaana addeegyada ay u baahan yihiin bulshada u keento (Ilaahay ayaa wax keenee).

Haddaba, dadka aqoonta dhaqan dhaqaale ee xagga siyaasadda iyo dhaqaalahaba ah ayaa rumaysan in sida keli ah ee loo baahan yahay inay xukuumadda cusubi ku waajahdaa ay tahay inay dhigto qandaraas, isla markaana shirkaduhu u tartamaan shirkadda soo iibin karta ama magac wadan ha ku soo iibiso ama magac shirkadeed’e furaha 00292 oo ah furaha ka banaan mandaqada Geeska Afrika, isla markaana loogu talo galay wadan cusub oo ku soo kordha Geeska Afrika, maamulkiisana ay gacanta ku hayso shirkadda Isgaadhsiinta caalamiga ah ee ITU (International Telecommunication Union),taasi oo xukuumadda Somaliland u sahli karta hab ay ku maamusho, isla markaana cashuurta ku waajibtay kaga qaadi karto shirkadaha Isgaadhsiinta oo sannad walba ka been sheega dakhliga ay macaashaan, waxoogay yar oo fara guudkood ahna dawladda cashuur ahaan u siiya.

Sida la ogyahay sannadkii 2005-2006-dii shirkad magaceeda la odhan jiray TDI ay wasaaradda Isgaadhsiintu heshiis kula gashay inay Somaliland u keento, balse ay arrintaasi u socon weyday laba arrimood awgeed, aaminaada lagu qabi karo shirkadaasi maadaama oo macluumaadka laga helay ay sheegayeen in aanay ahayn shirkad awooddaasi leh, balse taasi bedelkeeda kacday, iyo shirkadaha Isgaadhsiinta iyo xisbiyadda mucaaradka ah oo si weyn uga soo horjeestay.

Marka la isku soo duubo, maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Hargeysa yaalay in mashruuca soo dejinta Cable-ka la siiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid, halka ay warar kale oo ay Saxafi xalay heshayna sheegayaan inay arrintaasi weli laalan tahay oo madaxweynuhu ku dhici waayay. Ku dhac iyo ku dhac la’aanba madaxweyne Siilaanyo wax walba talo waa lagu siin karaa, balse go’aanka ugu dambeeyaa waa ujeedadii shacbiga reer Somaliland uga doorteen musharaxiintii la tartamaysay Axmed Siillaanyo oo ahayd inuu dalka u horseedo aqoonsi siyaasadeed, horumar dhaqan dhaqaale iyo inuu cadaalad ugu garsooro, dalkoodana u ilaaliyo siday ugu dhiibteen oo aanu wax gorgortan gelin kara qaranimadooda la shir iman.

 

Hal Qof Oo Ku Dhintay Tacshiirado Ka Dhacay Deegaanka Seemaal Ee Ceelberdaale

Ceel-Berdaale Somaliland, August 23, 2010 (Saxafi) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay wax dhaawac ahina ma jiro ka dib markii shalay duhurnimadii tacshiirad rasaas ah la huwiyay meesha la yidhaahdo Seemaal oo ka tirsan deegaanka Ceelberdaale ee galbeedka dhexe ee buuralayda Golis ee Somaliland.

Lama oga sababta keentay tacshiiraddani, hase yeeshee dad ka ag-dhaw deegaanadaasi ayaa Saxafi u sheegay in Allaha u naxariistee, C/Raxmaan Aadan Cashuur oo ka mid ahaa dadka halkaasi degan ee ka soo jeedda deegaanka Gabiley ay toogasho ku dileen koox ka soo jeedda deegaanka Dila, isaga oo xilligaasi qorigiisa sita, isla markaana ilaalinaya adhi uu leeyahay.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo labada dhinac ee colaadu ugu dhaxayso sannadhanba deegaanka Ceelberdaale ka soo baxay, isla markaana dawladdu wax war ah kama ay soo saarin.

Sida ay wararku sheegeen markii arrintani dhacday waxa ku xigay iska horimaad labada dhinac ku dhexmaray halkaasi, tacshiiradana ay isku weydaarsadeen, laakiin lama sheegin khasaare intaasi ka badan.

 

Dad Ku Dhintay Roobab Dabaylo Wata Oo Gelefay Degaanno Ku Yaalla Awdal

Boorama, Somaliland, August 23, 2010 (Saxafi) – Roobab xoogle oo dorraad iyo habeen hore ka da’ay degaano ka kala tirsan gobolada Awdal iyo Selel ayaa geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Sida uu weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka, Maxamed Cumar Sheekh, u sheegay Guddoomiyaha degmada Saylac Maxamed Cumar, waxa tuulada C/qaadir ku dhintay wiil dhallinyaro ah oo la odhan jiray Awliyo Sh. Cabdi, iyadoo dhinaca kalena ku dhawaad labaatan guri iyo dhismayaal kaleba ay baabi’iyeen roobab xoogle leh oo halkaasi ka da’ay, iyadoo tuuladaa sida maayarku sheegay ay haatan ku guryo la’yihiin ku dhawaad 100 qof, loona baahan yahay hoy, cunto iyo daawooyin.

Magaalada Gargaara, oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa iyadana la sheegeyaa inay halkaasi ka jiraan dhibaatooyin ay geysteen roobabkaasi, kuwaas oo isugu jira hoy la’aan iyo go’doon tuuladaasi kaga jirto gobolka intiisa kale kadib markii habeen hore halkaasi ay ka da’een roobab mahiigaan ah.

Qaar ka mid madaxdhaqameedyada magaaladaas iyo maamulka dawladda ee magaalada Lughaya, ayaa labaduba Weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka u xaqiijiyey in dhibaato badan oo dhinaca nolosha ahi ka taagan tahay.

Maamulada magaalooyinka Gargaara iyo C/qaadir ayaa dawladda cusub ee Somaliland iyo hay’adahaba ka dalbanaya inay la soo gaadhaan gargaar deg deg ah.


Laba Carruur Ah Oo Ku Dhimatay Shuban-Biyood Ka Dilaacay Degaano Ka Tirsan Hargeysa

Hargeysa, Somaliland, August 23, 2010 (Saxafi) – Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr, Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa sheegay in deegaanka Qool-caday oo ka tirsan gobolka Hargeysa uu xanuunka shuban biyoodku ka dilaalacay, isla markaana uu xanuunkaasi soo ritay 12 caruur ah, kuwaas oo laba ka mida ahi  ay u dhinteen.

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay wareysi uu xalay siiyey Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV, kaas oo uu  kaga  waramay in xilli roobaadku uu ku soo beegmay bisha ramadaan ee baraykasan, isagoo xusay  inay talaabooyin hor leh oo ku waajahan sidii looga hortegi lahaa shuban-biyoodka ka qaadayaan xilligan wasaarad ahaan.

“Xanuunka waxa markii hore lagu arkay oo uu ka bilaabmay tuulada la yidhaahdo Qool-caday oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ee degmada Hargeysa ilaa 12 caruur ah ayuu ku soo booday shuban deg deg ah, Laba ka mid ahi way dhinteen. Markaa koox ka tirsan gobolka ayaa u gurmaday oo aanu u dirnay, maantana (shalay) koox kale oo Hay’adihii samo-falka ah ayaa tegay UNICEF, WHO, World Vision iyo dhamaan iyo Wasaarada Caafimaadka ayaanu dirnay si ay u soo qiimeeyaan xaalada,” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

Sidoo kale wasiirka Caafimaadku waxa uu sheegay in xanuunka shubanka lagu arakay deegaamada xeebta galbeedka, isagoo yidhi: “Waxa kale oo jirta magaalooyinka Lawyo-cado iyo Saylac, gaar ahaan magaalada Lawyacado waad ogtihiin oo waxa mara xadka markaa dadka ka imanaya  Jabuuti ee soo xagaa baxaya iyo kuwa halkan ka tagaya ee Jabuuti ku socda oo u badan dadka Xamar ka soo qaxa ayaa muddada ay joogaan banaanka oo ku saxarooda, taasina waxay keentaa in wakhtiga roobku da’o uu shuban ka dilaaco mana aha markii koobaad ee horena wuu uga dilaacay halkaana 13-qof ayaa shubmay ilmo ka yar Hal sano oo la soo dhigay Saaka gelinkii dambe ee maanta ayuu dhintay intii kale iyagu waa ladan yihiin.”

Dr. Xuseen isagoo ka sharaxaya sababta xanuunka shubanka xiligan loo arkay, waxa uu yidhi: “Sababta shubanku ka dhashay waxa weeyaan Balliga laga cabo ee deegaanka oo magaaladu ku soo dhawaatay iyo isaga oo agtiisa lagu saxaroodo, biyaha ku dhacaana aanay nadiif ahayn,  markii  ay biyuhu galeen ee laga cabay ayuu dhashay shubanku, kiina waa la joojiyay in laga cabo oo dadkii deegaanka waa laga wacyi-geliyay.dhinaca Lawyo-cado iyo Saylac waxaanu u dirnay kooxo kuwaasoo galabta ka baxay gobolka Awdal,  waxayna ka koobnaayeen Hay’adaha samafalka ee gobolkaasi ka hawl-galka iyo wasaarada iyaga oo sita kitkoodii iyo qalabkii lagu xakamayn lahaa shubanka. Saylac iyadana 12 qof ayaa lagu soo sheegay inay shubmeen oo dad waawayn u badan, laakiin wax u dhintay lama sheegin.”

Wasiirka wasaarada caafimadka Dr. Xuseen wuxuu todbaadkii hore ku dhaawaqay maalin uu ugu magac daray maalinta ololaha caafimaadka, waxaanu sheegay inay jireen goobo  hore oo ay nadaafadoodu aad u liidatay, isla markaana waxa uu sheegay inay mamnuucayaan goobahaa si aanu xanuunkaa iyo kuwo kale uga dilaacin.

 

Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Warbixiyey Sababaha Kelifay Inuu Mamnuuco Iibinta Iyo Soo-Dejinta Dawada Qaaxada

 

 Dawooyinka lagu bixiyo xarumaha caafimaadka ee la dagaalanka qaaxada waa dawo la kaantaroolay oo hay’adaha caalamiga ahi ka keeneen meel la hubo oo la tijaabiyey, laakiin kuwa suuqa yaalla lama oga meel laga keenay iyo miligiraamka ku qorani yahay kii runta ahaa iyo in kale, sidaa darteed ayaanu kii suuqa u joojinay..”,

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr: Xuseen Xoog – Wareysi khaasa

Hargeysa, Somaliland, August 23, 2010 (Saxafi)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr: Xuseen Maxamuud (Xuseen Xoog), ayaa ka warbixiyey sababta uu dawada Qaaxada uga joojiyey xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, isagoo sheegay in dawooyin xarumaha dawladu maamusho lagu hayo dawo tayo leh oo la soo tijaabiyey, balse aan la aamini karin dawooyinka qaaxada ee ay hayaan xarumaha gaarka loo leeyahay, isla markaana loo baayahan in marka uu qofku dawada liqayo  uu goob joog ka ahaado  shaqaalaha caafimaadka ah oo uu hortiisa ku liqo, iyadoo dadka qaarkood marka ay ladnaadaan iska joojiya dawada, marka uu cudurku ku soo noqdana hadhow aan waxba laga qaban oo jeermiskii la qabsado dawada, taasna ay halis galiso nafta qofka bukay.

Dr: Xuseen Xoog waxa kale oo uu sheegay in uu kicinayo mishiinka kalyaha sifeeya ee yaalla cusbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo shaqaale ka hawlgalana loo tobabari doono, waxaanu sheegay in mishiinkaasi dadweynaha Somaliland baahi weyn u qabaan.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu wax ka qaban doono shaqaalaha caafimaadka ee aan aqoonta u lahayn hawlaha caafimaad isla markaana aan haysan shahaado la aqoonsan yahay oo caafimaad, taas oo uu sheegay in qofkii caafimaadka u baahna ay mararka qaarkood xanuun ka soo korodhsadaan, taas oo qorshaha ugu jirta lixda bilood ee waxqabadkiisa.

Wasiirka Caafimaadka oo weriyeyaal ka tirsan wargeyska Saxafi ku booqdeen Xafiiskiisa, isla markaana ay wax ka waydiiyeen waxyaalaha ugu muhiimsan ee uu damacsan yahay inuu wax ka qabto iyo sababta uu uga  joojiyey dawooyinka Qaaxada xarumaha gaarka loo leeyahay.

Su’aalahaas iyo jawaabahaasi oo dhamaystirani waxay u dhacayn sidan.

S: Waa maxay sababta aad u joojisay Dawada qaaxadda taas oo aynu ognahay in dad badan oo bukaan ahi cusbitaalada ku jiraan Somaliland , isla markaana ay tahay mid aad loogu baahan yahay?

J: Dawada aanu joojinay maaha tii cusbitaalada taas waa ta aanu u dagaalamayno ta cusbitaaladu inay noqoto ta kaliya ee ah isha kaliya ee laga qaato dawada Tb-da, ta aanu joojinay waa tii dadku iskood u dalbanayeen ee suuqa lagu iibiyo, oo dadkana la rabo in xarumaha TB-da in lagu daweeyo, sababtuna waxa weeyi horta dadka qaaxo qaba, iyagoo bilaash ah oo aan lacagi kaga baxayn ayaa la siinaya qofka xarumaha qaaxada lagu daweeyo ayaa laga siinayaa, oo ku yaalla gobol kasta oo wadanka ka mid ah, marka looma baahna sabab suuqa looga iibsado dawada qaaxada oo lacag lagu kharash gareeyo, taas oo keenaysa dhibaatooyin farobadan oo ay ka mid tahay qofkii oo xanuunkii qabin hadana dawadii qaata.

Ta labaad waxa weeyi qofkii xanuunka qabay laftigiisa intuu iska qaato isagoon dhakhtar la socon, taas oo laga yaabo iyadoo dawadii u dhamayn uu iska joojiyo, waayo imika waxa la isticmaalaa hab la yidhaa dhot strategy, oo macnaheedu waxa weeyi kiniinka bukaanka afka ha loogu rido, oo bukaanku ha liqo isagoo qof caafimaad ahi arkaayo, taas ayaa la isku waafaqay aduunka oo dhan way ka jirta.

Waxa la ogaaday in qofka buka masuuliyad-ba qaadi karin, sidaa darteed waa in masuul laga noqdaa, cida ugu horaysa ee masuul ka noqonaysa waa bahda caafimaadka, iyagay tahay inay yidhaahdaan liq intay sacabka ugu ridaan. Marka waxa la isticmaalaa Strategy-yadaas oo ah bukaanka afka ugu rid oo ku hubso, marka taas ayaa meeshii ka leexanaysa haddii aanu qofkii cudurka qabo uu suuqa ka iibsado waxa dhici karta inuu maalina ilaawo, marka uu laba ama saddex bilood qaato oo uu ladnaado uu iskaba daayo dawada, taasina ay abuurto in cudurka uu adkaysi u yeesho oo uu ku soo noqdo isagoo intii hore Jeermiskii ka adkaysi badan ilayn waa jeermis dhaawac kacay oo aanay dawadii  diline, markaa marka goor dhow la is yidhaa qofkii  dawada dib ugu bilaaba dawada, waxa adkaanaysa in dawadii wax u tarto, dabadeed waxa abuurmaya adkaysi (Resistance), waana ta imika inoogu badan ee boqolkii qof ee TB-bii qaba toddobo iyo toban ka mid ahi  u adkaysi yeeshaan, taasina ay dhib tahay xagii wax ka qabashada, imika ayaa la rajaynayaa in wax laga qabto, marka ay dawadii wax tari waydo ee mar labaad dawadii loogu daro inta uu dhimanayo waa la sugi jiray, wax loo qaban karaa may jiri jirin, marka dhibta adkaysiga jeermiska way inagu abuuraysaa, dad faro badan oo aan TB-ga qabin oo dawada qaata way keenaysaa oo dhib bay u keenaysa oo dhibay  u geysanaysaa, waxa kale oo ay keenaysa dawada suuqa taalla ee TB-da in aanay ahayn tii tayada lahayd, sababtoo ah dawooyinka lagu bixiyo xarumaha caafimaadka ee la dagaalanka qaaxada waa dawo la kaantaroolay oo hay’adaha caalamiga ahi keeneen meel la hubo laga soo iibiyey oo la soo tijaabiyey, laakiin kuwa suuqa yaalla lama oga meel laga keenay iyo miligiraamka ku qorani yahay kii runta ahaa iyo in kale, sidaa darteed ayaanu kii suuqa u joojinay, si aanu u kaantaroolno si aanay dadku u qaadan sidii ku habooneed, ama iyagoo badhtanka maraya ay joojiyaan, ama dawo aan tayo lahayn oo magaca oo kaliya ku qoran yahay ay qaataan., taas ayaa kaliftay in aanu joojino dawooyinkaasi, kuwa aanu ka joojinaynayaa waa xarumaha gaarka loo leeyahay, ee xarumaha qaaxada way ka socota hawshu.

S:  Waxa jirta in dawooyinkani   suuqa lagu iibiyo  kaliya  maaha uun dawada qaaxada  ee daawooyin kale oo farobadan baa jira oo qaarkood tayadooda laga dayrinayo, waa maxay  qorshihiina ku aadan  kuwaas kalena?

J:  Adeer waa si wanaagsan, horayna su ‘aashaa mar horana waan ka jawaabay, strategy-yada aanu ka leenahay waxaa weeyi si dhakhso ah ayaanu u samaynaynaa kantorool dawooyinka ah (Quality Control)  ayaanu wadanka si dhakhso ah ugu samaynaynaa.

Waa noo yaalla shaybaadhkii mid kalana waa noo soo socdaa, shaqaalihii waa la tobabaray, waana la dhaariyey shaqaalaha inay ka run sheegaan baadhitaanka, waxa laga dhaariyey in aanay laaluush qaadanin oo nin dawo xun aanu laaluushin, hawsha waa la dhamaystiray oo fulinteeda ayuun baa hadhay, ramadaanta wixii ka dambeeyana waanu bilaabaynaa oo dawooyinka oo dhan waa la kaantaroolayaa oo dawo aan la kaantaroolin wadanka ma soo galayso.

S : Wasiir, ma is leedahay dadka ku nool Somaliland oo dhan way ku filan yihiin goobaha caafimaad ee dawladu maamusho, oo ay ka maar mi karaan goobaha gaarka loo leeyahay inay dawooyinka ka qaataan ?

J: Haa way jirta cusbitaalo inagu filan waynu haysanaa, oo cusbitaalo inagu filan oo TB waynu haysanaa, gobolada oo dhan way ka furan yihiin degmooyinka qaarna way ka furan yihiin, dawadii way inoo tallaa, qalabkii baadhistuna wuu inoo yaallaa, shaqaalihii tobabarkuna way inoo joogaan, meel kasta oo laga soo sheego baahi TB oo dadka ku dhaqani ka fog yihiin goobta kale ee Qaaxada diyaar waxa loogu yahay in dhismihii iyo adeegii caafimaadka iyo la dagaalanka qaaxadaba loo sameeyo, hadday dawo tahay, hadday shaybaadh tahay iyo haday shaqaale caafimaad tahay.

Haddii aanay jirin in la daboolo baahidaa iyada ah xil wasaarada u taala ayey noqon lahayd, hadda laakiin arrintaasi way jirta oo way ku filan tahay adeeg caafimaad oo la dagaalanka qaaxada oo ku filan wadanka runtii waanu u haynaa.

Qaaxadu waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu badan ee hay’adaha caalamku inaga caawiyaan si quwad leh runtii inooga caawiyaan, intaas oo hay’adood baa Qaaxada ku shaqo leh, marka wax baahi ah oo ay dadku u qabaan inay suuqa u doontaan dawada qaaxada, shaybaadhkeeda iyo la dagaalanka qaaxadu ma jirto.

S: Wasiir, ma noo sheegi karta lixda bilood ee u horaysa waxyaalaha aad doonaysid inaad xooga saarto oo aad wax ka qabato ?

J: Waa Su’aal wanaagsan, Runtii qaranka dhan  ayaa waxa uu leeyahay qorshe lix bilood ama saddex bilood ah,  saddexda bilood ee u horeeya waxay tahay in la qabto iyo lixda bilood ee u horeeya waxa la qabanayo, marka waxa anaga noogu horeysa ee aanu doonayno in aanu qabano, caafimaadku waxa uu ka kooban yahay laba, Caafimaadka dadweynaha ee dawladu masuulka ka tahay, iyo caafimaadka gaar ka loo leeyahay ama farmasiiyo ha noqdaan ama meelo kale oo dhakhaatiir fadhiistaan, labaduba waxa weeyaan waajibaadka wasaarada caafimaadka inay tayo galiso oo ay wanaajiso,, marka waxa ugu muhiimsan ee aanu doonayno inaanu aad wax ka qabano waa qaybta gaarka loo leeyay, waxa aan qaybta gaarka loo leeyahay waxa aanu rabnaa in aanu u hagaajino, waxaynu ognahay in 70% dadku jeebkooda ayey nagaga fududeeyaan, xarumaha gaar ka loo leeyahay iyo farmasiiyada ayey ka dawo qaataan, in dawo tayo leh oo hagaagsan ka qaataan waa waajibaad na saaran mar haddii aanan wax kale u qabanayn, marka ta koowaad waa in kaantoroolka dawada, in dawo run ah oo dhab ah ay noqoto ta laga iibinayaa ee lacagtooda ku baxaysa ay noqoto, waa waajib na saaran.

Waxa kale oo jira in aanu wax ka qabano dadka xirfada caafimaadka lahayn ee dadka u adeegaya oo aan shahaado la aqoonsan yahay haysan, iyagana waa in aanu wax ka qabano, si aanay dadkii dhibi ugu iman halkii ay dawo iyo caafimaad ka rabeen.

Waxa kale oo aanu isku dayeynaa in Mishiinka kalyaha sifeeye oo ay dadku aad ugu baahan yihiin in aanu kicino lixda bilood ee ugu horeeya, waa mishiin cusub oo bisha cas ee imaaraadku inagu soo caawiyeen, tobabarkii ayuun baa dhiman shaqaalaha lagu tobabari lahaa, wayna yimaadeen ( kuwii tobabari lahaa) oo waxay diyaar u yihiin inay keenaan cidii dhaqaajin lahaa, waxna uga baran lahaayeen shaqaalaheena caafimaadku waana arrinta aanu doonayno in aanu qabano lixda bilood ee ugu horeeya.

 

Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyada Somaliland Ku Qaabiley Wefti Uu Hoggaaminayo Safiirka Britain U Fadhiya Addis Ababa

Hargeysa, Somaliland, August 23, 2010 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socda Safaaradda Britain ku leedahay dalka Ethiopia, weftigaas oo uu hoggaaminayey Safiirka Britain u jooga magaalada Addis Ababa Ambassador Norman Ling.

Weftigan oo shalay booqasho ku yimi dalka ayaa waxa Safiirka ku weheliyay Xoghaye ku-xigeenka Safaaradda Britain ee Addis Ababa Matt Woods iyo Jonathan Hargeaves oo madax ka hay’adda Britain u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee DFID ee magaalada Nairobi.

Sidaana waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadu ka soo saaray Madaxtooyada shalay, kaas oo isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

‘Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti saddex Xubnood ka kooban oo uu hogaaminaayo Safiirka ingiriiska u fadhiya Addis-Ababa.

Weftigin oo u jeedada socdaalkoodu ahaa sii adkaynta xidhiidhka u dhexeeya labada Waddan ee somalialnd iyo Ingiriiska  iyo u kuur-gelida waxyaalaha ugu haboon ee ay iska kaashan karaan labada dhinac.

Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigan si mug leh ugu faahfaahiyey  Siyaasada Xukuumada Cusub ee Horumarinta Dhinacyada Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo wixii la mida.

Madaxweynuhu wax auu ku nuux-nuuxsaday sida ay Xukuumadiisa uga go’antahay in ay Wadamada Deriska iyo Beesha Caalamkaba kala Shaqayso Adkaynta Nabadgelyada Gobolka iyo ka hortaga Argagixsada iyo Budhcad badeeda.

Waxa uu Madaxaweynuhu weftiga u xaqiijiyey in ay Somaliland u bisishahay in ay ku talaabsato Horu-marin isla markaana ay u baahantahay in ay beesha Caalamku gacan ka siiso.

Madaxa Weftiga Ambassador Mr. Norman ling oo ay wehelinayeen Matt Woods Ku xigeenka Xog-hayaha Safaarada Ingiriiska ee Ethiopia iyo Jonathan Hargeaves oo ah madaxa DFID ee Nairobi ayaa Somaliland iyo Madaxwaynahaba ku hambalyeeyey Doorashadii dalka ka qabsoontay  26 June ee Sannadkan.

Safiirku waxa uu sheegay in ay Doorashadaasi Somaliland Mustaweheeda kor u qaaday isla markaana ay indhaha Caalamka ku soo Jeedisay, Dawladiisa iyo Midawga Yurub-na ay diyaar u yihiin in ay ka teegeeraan Somaliland Dhinacyada Horu-marka Nabad-gelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Geedi socodka Dimiquraadiyada.

ALLAA MAHAD LEH

C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse)

AF-hayeenka Madaxtooyada           JSL”

 

Maxaa Loo Sheegi Waayey Horumarka Shirkadda Somtel Ee Adeegyada Isgaadhsiinta Somaliland?

Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Boorama

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa lagu yidhi “si xun wax u sheeg sixir wuu ka daran yahay” taas oo macnaheeda loo qaadan karayo wanaaga oo laga dhigo xumaan iyo beenta oo run laga dhigo, hase yeeshee ay aakhirataanka soo baxdo xaqiiqda dhabta ah.

Sidaas oo kale ayaa dhawaan warbixin ku saabsan shirkadda SOMTEL oo ay warbaahinta siiyeen dad aan jeclayn inay arkaan waxa wanaagsan oo xiiseeya xumaanta dadka kale lagu sheegay in SOMTEL hawsheedii gabtay, isla markaana aanay gaadhin meeshii laga filayey.

Runtii cid kastoo aan ogeyn adeegyada SOMTEL dhab ayuu u qaadan karaa faallooyinka xaasidnimadu ka muuqatay ee lagu baahiyey shabakadaha wararka qaar ka mid ah iyo wargeysyada dalka
markaan dib u eegnay isla markaana aanu ogaanay in warbixinta laga faafiyey SOMTEL ay ka soo baxday dad ka soo horjeeda jiritaanka shirkadda iyo adeegyada ay u hayso dadweynaha, isla markaana aanu dib u qiimaynay hawlahaeeda ay nala noqotay inaanu cid kastoo warbixintaasi ka xumaatay ka raalli-gelinno.

Maalin kaddib markii aan dib u baadhnay waxa ka jiray warbixinta iyo waxaan ka jirinba ee ay bixiyeen ama warbaahinta uga sheegeen shakhsiyaad aanu u qaadannay inay ka tirsanaayeen shaqaalaha shirkaddaasi ee Boorama, balse aanu ogaannay inaanay ahayn dadkii adeegyada shirkaddaasi wax laga weydiin lahaa, ay warbixintaasi noqotay mid ka leexatay xog-ogaalnimadeedii.

Masuulyiinta shirkadda SOMTEL oo aan iyagu ka hadal warbixintaasi, ayaa dhinaca kale dad kale oo xog-ogaal ahi sheegeen inay isgaadhsiinta Internetka ee SOMTEL iyo telefoonadeeduba yihiin kuwo casri ah, oo siyaalo fara badan kaga duwan adeegyada shirkadaha kale ee dalka ka jira, balse adeegyadaa ay bixiso shirkadda SOMTEL ay ogyihiin oo keli ah dadka macaamiisha u ah.

Waxan ogaannay in tan iyo markii la aasaasay shirkaddaasi oo aan ka badnayn afar ama shan bilood ku dhawaad ka hor, ay ku dhawaad kala badh hay’adaha dawladda, shirkadaha ganacsiga, xarumaha waxbarashada kala duwan iyo goobaha caafimaadka ee gobolka Awdal ay adeegsadaan isgaadhsiinta shirkadda SOMTEL, isla markaana aanay goobahaasi shirkadda kala kulmin culays dhaqaale.

Waxa kale oo la ogaaday in isticmaalka telefanka gacanta ee shirkadda SOMTEL halkii Doolar lagu hadli karo wax ka badan 100 daqiiqo, halka kuwa kale aanay ka badnayn 10 daqiiqo.

Sidoo kale waxa la arkay telefoonada Landline-ka oo bilaa xadhko ah oo laga adeegsado goobo badan, taasina ay ka mid tahay waxyaalaha dheeraadka ah ee shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL kaga duwan tahay shirkadaha kale ee dalka.

Dhinaca baahinta adeegyada, ayaa sidoo kale ka hooseeya qiimaha lagu sheegay warbixintaasi, iyadoo khadkeeda internetkuna yahay mid ka mid ah kuwan ugu dheereeya aadna looga isticmaalo gobolka.

Haddaba marka la isku miisaamo ama la isbarbardhigo wararkii ku saabsanaa shirkadda ee hore loo baahiyey, iyo hawsheeda dhabta ah ayaad mooddaa inay aad u kala fogyihiin, sidaa darteedna loo qaadan karayo in ciddii warbixintaasi lugta ku lahayd qarisay wanaagii iyo adeeggi shirkaddaasi waddaniga ah.

Inkastoo masuulyiinta sar-sare ee shirkaddu cadho ka muujiyeen warbixintaasi, hase yeeshee sida ay wax u dhaceen ayaad mooddaa inay ahayd uun ujeedooyin kala duwan oo lagu karaar jebinayey xawliga ay adeegyada shirkaddaasi ugu fidayaan gobolada dalka.

Ugu dambayntiina cid kastoo isku dayday inay qariso tayada adeegyada isgaadhsiinta SOMTEL, kana dhigtay shirkad been ka sheegtay ballanqaadyadii ay shacbiga u qaadday waagii la furayey ayaa laga yaabaa inay aakhirataanka ka garaabaan wax kastoo ka dhan ah shaqada shirkadda SOMTEL u hayso dadweynaha reer Somaliland, isla markaana aanay ahayn shirkad u samaysan macaash samayn, balse u samaysan horumarinta isgaadhsiinta dadweynaha.

 

War-saafadeedyada Madaxtooyadu Waa Fadeexad Durba U Muuqata Wanjal Siyaasadeed

By Carraale  M. Jaamac, Suxufi madax-banaan  

 



Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda safaarada Britain ee Adis Ababa. Sida lagu sheegay war saxaafadeed kulankaa kadib kasoo baxay dhinaca qasriga madaxtooyada, kaas oo  uu ku saxeexnaa Af-hayeenka uu Madaxweynuhu dhowaan u magcaabay xilkaa C/llaahi Daahir Cukuse.

Qoraalka war saxaafadeedka waxa ku lifaaqnaa sawiro muujinaya kulanka iyo muuqaalka dadkii ka qayb galay, balse waxa yaab noqotay sababta war saxaafadeedka loogu xusi waayay madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan  Seylici  iyo  masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada sida wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda oo ka muuqda sawirka ay  xafiiska madaxweynaha ku wada galeen weftiga safaarada Britain.

Dad badan ayaa is weydiin kara waa maxay sababta qoraalka kulankaa ka dib Af-hayeenku kasoo saaray meela ugaga xusi waayay masuuliyiinta kale ee madaxweynaha kulankaa ku weheliyay sida ku xigeenkiisa iyo wasiir xigeenka arrimaha debeda, taas oo abuuri karta dood iyo falanqayn gaara, isla markaana habdhaqanka war saxaafadeedka noocan ah ayaa nqonaya  kii ugu horeeyay ee noociisa ah inta la xusuusan yahay ee kasoo baxa madaxtooyada ee kulan ay masuuliyiin madaxweyne ku xigeen iyo wasiiro ka tirsan xukuumadu kala qayb galaan Madaxweyne oo aan lagu xusin inay xataa goob ka ahaayeen masuuliyiin noocaa ahi.

Afhayeenka dhowaan uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo u magcaabay hawsha culus ee madaxtooyada wuxuu ahaa mid ay magcaabistiisa saxaafadu inta badan ka gaws qabsatay, sababo badan awgood, isla markaana waxay suxufiyiinta qaarkood durbadiiba tilmaameen magcaabista Af-hayeenku in aanay ahayn mid lagu qanci karo sababo farta lagu fiiqay, balse Madaxweyne Siillaanyo ayaan dheg u dhigin tilmaamaha la doonayay in lagu toosiyo ee magcaabista Af-hayeenka, iyadoo dad badani xusuusan yihiin in aanay warsaxaafadeedyada tan iyo markii masuulkaa xilka loo magcaabay kasoo baxay Madaxtooyada ay u muuqdeen kuwo majaro habawsan oo aan ka turjumayn milgaha iyo karaamada madaxtooyada oo ah muraayada qaranka.

Tusaale ahaan weftigii u horeeyay ee tan iyo markii Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siillaanyo xilka loo dhaariyay dabayaaqadii July 2010 yimi dalka 1 August   oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Baanka aduunka, ayuu ka soo saaray war saxaafadeed Af-hayeenku, isagoo nuxurku ahaa sidan;- ” Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Cusub  ayaa Maanta Gelinkii Hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha  Bini-aadminimada ee Somaliland /Somalia iyo Jaraj  Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea.”

Dad badan ayaa durbadiiba saluugay qaabka aan waafaqsanayn baratakoolka qoraalada madaxtooyada ee uu Af-hayeenku uga dhigay ciwaanka wasiirka arrimaha debeda oo madaxtooyada ku qaabilay wefti, taasina waxay keentay inay dad badani is weydiiyaan madaxtooyada yaa wax ku qaabila,  ma wasiirka arrimaha debeda,  mise Madaxweynaha oo ay xafiiskiisii tahay, su’aalahaa iyo qaar kale oo badan ayaa ka dhashay war saxaafadeedkaa iyo kuwo kale, balse qoraalka ugu danbeeyay ee shalay ka soo baxay madaxtooyadu wuxuu u muuqdaa mid aan ujeedadiisa la fahmin.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Axmed Siillaanyo waxa laga filayay in aanay xiligan uu xafiiska Madaxtooyada fadhiyo kasoo bixin qoraalo noocan ah oo u muuqda kuwo majara habawsan, kuwaas oo nuxur ahaan loo fasiran karo  wanjal siyaasadeed oo meel ka dhac ku ah Madaxtooyada iyo madaxda qaranka ee ku sugnaa kulankaa oo leh mudnaantooda. Sidaa awgeed waxa la gudboon madaxtooyada in baadhitaan lagu sameeyo fadeexada qoraalkaa war-saxaafadeedka ay ku sunatanayd. 

By Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  

E-mail; Info@araweelonews.com,  jaamac132@gmail.com, shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *