images/stories/images.jpg Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa  inuu qorshaynayo safarkiisii u horreeyey ee uu dibadda ugu baxo tan iyo intii uu ku fadhiistay kursiga Madaxtooyada ee dalka looga taliyo 27-kii bishii July 2010.  Inkasta oo

aannu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda oo ku saabsan safarka Madaxweynaha. Haseyeeshee, sida ay ilo xogogaal ah oo u dhow Madaxtooyadu u xaqiijiyeen Warbaahinta  xalay, waxa la filayaa in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dhawaan safar shaqo ugu baxo qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika sida; dalka Itoobiya, isla markaana uu lagu wado inuu  soo maro dalal kale oo mandaqada ka tirsan, kaas oo la sheegay inuu kulamo iyo wadahadalo kula soo yeesho madaxda dalalkaasi.
Warku waxa uu intaa ku daray in safarkan oo qorshuhu yahay in Madaxweynuhu dhawaan u baxo, isla markaana noqonaya kii u horreeyey ee uu dibadda ugu baxo ay wehelin doonaan saraakiil sare oo ka tirsan xukuumaddiisa cusub.
Safarkan Madaxweyne Siilaanyo u baxayo ayaa ku soo beegmay xilli ay jiraan caqabado dhawr ah oo maamulkiisu la kowsaday ilaa haddana aan xal loo helin, kuwaas oo ay ka mid yihiin loollanka adag ee ka taagan keenista Cable-ka isgaadhsiinta badda hoos mara oo ay ku muransan yihiin laba shirkadood oo la kala yidhaa SOMCABLE iyo DALKOM iyo weliba khilaaf ka taagan goobaha karantiimada dhoofka xoolaha nool ee Berbera oo ka dhashay maxjarkii hore ee Al-jabiri iyo mid cusub oo shirkadda Indho-deero hirgelisay, arrintaas oo Madaxweynuhu u saaray guddi wasiiro ah oo kormeer ku tagay maxjaradaasi, balse xal laga gaadhay aan la sheegin.
Sidoo kale, safarka Madaxweynuhu waxa uu ku soo beegmay waqti ay qabyo tahay xukuummadda xisbiga KULMIYE oo aannu weli dhammaystirin magacaabista hay’adaha kala duwan ee dawladda oo muddo ku dhow bil laga dhursugayey, isagoo ilaa hadda magacaabay golaha wasiirrada iyo Badhasaabadda Gobollada oo keliya.
 
 
xigasho: Wargayska Jamhuuriya
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *