Daallo1Hargyesa(Araweelo News Network)Diyaaradii ugu waynayd ee soo fadhiisata Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport  ayaa noqotay Air Buss A321, taas oo qaada

 

rakaab dhan 230 , waxayna diyaaradaasi maanta soo caga dhigatay Madaarka Caasimada Hargeysa.

Diyaaradaa oo ay leedahay shirkada Duulimaadyada ee Daallo Airlines, ayaa maanta kasoo kicitintay Magaalada Muqdisho iyadoo  siday dad rakaab ah, waxayna u dhaafatay Madaarka Hargeysa dhinaca dalka Imaaraadka ee Dubai  oo ay u qaaday rakaabkii ay ka qaaday Hargeysa.

Daallo3
Munaasibad kooban oo loo qabtay Diyaaradaa waxa ka hadlay Duuliyihii waday oo ka waramay Tayada Run-way-ga cusub ee Madaarka ee dhowaan dib u dhiska lagu sameeyay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Madaarkani waa mid Caalamiya oo leh Run-way tayo saro leh, taas oo aan ku xaqiiqsaday markii aan soo dagay, Runwaygiisuna waa mid aad u baaxad weyn, soo dagatiisuna aanay wax dhib ah lahayn, runtii shaqadaya aad ayuu u fududeeyey Run-waygu, adeegyada halkani waa kuwo sareeya, waa markii ugu horaysay ee aan halkan imaado, waxan ku rajo weynahay inaan ku soo noqnoqon doono.” Ayuu yidhi Kabtankaasi.

Daallo2Sidoo kale Maareeyaha shirkada Daallo Airlines ee laga leeyahay Somaliland Maxmed Sheekh oo isaguna halkaasi ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay inay Diyaaradani ay ka mid tahay adeegyo cusub oo shirkadada Daallo Airlines ay soo kordhisay, isla markaana ay qorsha ugu jirto inay Diyaaraddani ay Duulimaayo toos ah ku tagto Magaalooyinka Paris iyo Lodon, taas oo dadka rakaabka ah u fudaydin doonta safaradooda.

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna hadal kooban ka jeediyay munaasibada ayaa yidhi “ waa markii ugu horaysay ee Taariikhada Somalilamd ay Diyaaradani Air Buss A321 oo ah mid baaxad weyn, ay soo cagadhigato Madaarka Cigaal, waxay qiimo weyn u tahay Umaddan, waxay qiimo weyn u tahay shirkada Daallo iyo shaqada ay Umadda u hayso, waxa kale oo ay ka markhaati kacaysaa shaqada weyn ee laga qabtay Runway-ga Madaarka Hargeysa, iyo in dib u casriyeyntii lagu sameeyey ay ahayd mid heerka caalamiga ah, waana sida ay maanta kabtana iyo Engineerada diyaaradani ka markhtaati kacayaan, hore looga markhaati kacay.”

Wasiir Xaashi ayaa intaasi ku daray “ maanta sidaa ay Daallo Airlines u balan qaadayso inay adeegyadooda hagaajiyaan, anagauna waxaanu dhincayaga ka balan qaadaynaa inaanu wax weyn wakhtiga Xagaaga ka badalo Madaarka Hargeysa, Runwa-ga waanu kor dhin doonaa, hakan Abronka wax ayaanu ku dari doonaa, Terminalada oo aanu balaadhin doono, Mishiino shada fudaydiya oo aanu keeni doono, taasina waa Himilada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *