Hargeysa (ANN) Kooxdii gashay Buuraleyda galbeedka ka xidha gobolka Awdal ee Somaliland oo maanta dagaal xoogani ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka Ethopia Buuraleyda xadka dalka Ethopia ayaa intii badnayd gacanta lagu dhigay , isla markaana

ay noqdeen wax dhintay, dhaawac iyo qayb lagu hareeraysan yahay, isagoo xusay in laga furtay ilaa 90 qori oo ay hada gacanta ku hayaan. Sidoo kale  sida uu Caawa  Idaacada BBC laanteeda Afka Somaliga u sheegay   madaxweynaha Kililka shanaad ee deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethopia Cabdi Maxamud Cumar.

Wuxuuna cadeeyay inay ciidanka Ethopia kooxdaa isku haleeleen Buuraleyda woqooyi ee gobolka JIJIga, halkaas oo sida uu sheegay kooxdaa oo ka yimi dhinaca dalka Eretria oo tababaro iyo hub lagu soo siiyay ay doonayeen inay nabadgelyo daro ka abuuraan deegaankaa, isagoo tirada guud ee kooxdaa ku sheegay  inay tirada  kooxdu ahayd  guud ahaan ahayd 240, kuwaas oo  5 kamida xeebta soomaaliland  kaga baxsadeen sida ay noo sheegeen maxaabiista gacanta lagu hayo,  halka   baaqigii oo   235  ahi gudaha deegaankayaga soo galeen ayuu yidhi.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya inay kooxdu u qaybsantay sadex qaybood oo qayb ka mid ah intii badnayd la qabtay, qaarna  ay ku dhinteen halkaa, iyadoo dhimashada lagu sheegay ilaa ku dhowaad lixdan, halka ilaa sodoneeyo ka tirsan kooxdaa ay dadka  deegaanka shiniile iyo Jinacsaley qabteen iyagoo firxad ah. Wararku waxay sheegayaan in ciidmada Ethopia gacanta ku dhigeen  ilaa labaatan ka mid ah kooxdaa, iyadoo qayb kale oo ka mid ah kooxdaasi gabalku ugu dhacay buuraleyda halkaa oo ay ciidmada Ethopia ku hareeraysan yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laba ka mid ah dadkii u dhashay deegaanka Awdal ee gadhwadeenka u ahaa kooxdaa  iyagoo dhaaw ah la keenay deegaanka Qoljeed saaka markii uu dagaalku subaxnimadii ka bilaabmay halkaa, isla markaana ciidamada Somaliland oo baacsanayay qayb ka mid ah kooxdaa ayaa iyagu dib ugu soo laabtay maanta xuduuda. Kadib markii ay gudaha u galeen xadka Ethopia ilaa laba km. inkasta oo koodan lagu sheegay inay yihiin kuwo ka tirsan jabhada la dagaalanta Ethopia ee ONLF, hadana gudoomiyaha garabka jabhadaa ee iyagu ku gacansaydhay heshiiskii dhowaan ay xukuumada Ethopia la gashay  ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in aanay jirin ciidan ay leeyihiin oo ka gudbay xuduuda Somaliland, isagoo yidhi, waxaanu ka dagaalanaa dalkayaga gudihiisa, mana jirto sabab aanu ugu talawno deegaan kale, ama aanu tababar ugu soo qaadano wadamo kale.

Hase yeehee xukuumada Somaliland oo qaar ka mid ah raggaa gacanta ku dhigtay ayaa sheegtay inay hayso cadaymo  Ducumentiyo si weyn u iftiiminaya  inay ka yimaadeen dhinaca dalka Ereteria, islamarkaana ay ka tirsan yihiin jabhada ONLF.  Sidoo kale ismaamulka kililka shanaad ee Ethopia ayaa dhinacooda sheegay inay hayaan cadaymo ducumentiyo laga helay qaar ka mid ah kooxdaa oo ay gacanta ku dhigeen iyo kuwii dhintay oo muujinaya qorshohoodii iyo meesha ay u socdeen. Sidaa awgeed ay kooxda la hayaa yihiin jabhada ONLF. 

Sidoo kale  Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha galbeedka Somaliland  Maxamed Xudhuun ayaa sheegay inay malayshiyada halkaa maray ka tirsanaayeen jabhada ONLF, isla markaana tiradoodu ahayd 240 Nin, kuwaas oo sida uu Idaacada VOA,  laanteeda Afka soomaaliga u sheegay ay xalay is heleen Ciidanka Ethiopia, balse aanay iyagu gelin gudaha Ethopia, isla markaana wuxuu xusay  inay ciidamada somaliland horjoogsadeen ciidamo  doonayay inay soo galaan xuduuda Somaliland, wuxuuna Mr. Xudhuun oo la weydiiyay sida ay ciidan intaa leegi usoo galeen xuduuda Somaliland yidhi, “Taa Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa hore uga jawaabay oo  faahfaahiyay.  Aniguna taa wasiirku sheegay ayaan kaabayaa mooyaane wax kale ma jiraan”. Waxa kale oo uu xusay inay ciidanka Ethiopia dhinacooda xadka ka hawlgaleen, ciidamadda Somaliland-na dhinacadoo  ka hawl galeen oo ay labada ciidan is kaashanayeen. Laakiin aanay iyagu gelin gudaha dalkaa, isla markaana aanay ciidamo ethopian ahi soo gelin xadka dhinaca Somaliland. 
 
Si kastaba ha haatee kooxdaa waxay qayb ka mid ahi weli ku jiraan buuraleyda deegaanka woqooyiga Ethopia, halkaas oo sida ay wararku sheegayaan ciidamada Ethopia ku hareeraysan yihiin ilaa boqol ka mid ah kooxdaa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *