Hargeysa(ANN) Ciidamada Somaliland iyo kuwa Ethopia oo  ku hareeraysnaa koox hub iyo saanad milateri sidatay oo gashay Buuraleyda deegaanka galbeed ee Awdal ayaa isku haleelay saaka Buurta lagu magcaabo Dur-dur ee deegaanka duleedka Xariirad oo ah deegaan beeralay ah, halkaas  oo dagaal xoogani ku dhexmarayo.

Dad ku sugan magaalada xariirad ayaa shebekada wararka ee Araweelonews khadka isgaadhsiinta ugu sheegay in saaka halkaa dagaal ku dhexmarayo Ciidanka Somaliland iyo Ciidanka Ethopia oo is kaashanaya iyo kooxdaa oo doonaysay inay baxsadaan.

Wararku waxay sheegayaan inay kooxda hubaysan eek u jiray Buurta Maar Maar ay isku dayeen inay xalay ka baxaan iyagoo isu qaybiyay laba qaybood, balse ay saaka ciidamada isku haleeleen duleedka xariirad buuraleyda dur dur oo u muuqata xariirad, iydoo ciidanka Somaliland  gudaha u galeen laba KM  xadka Ethopia. Kadib markii kooxda hubaysani ka baxaday Buurtii hore ee ay ku jireen, iyadoo  ciidanka Ethopiana kooxdii kale dagaal ku dhexemarayo meel aan sidaa uga fogayn halkaa.  Dadka deegaanka ayaa shebekada wararka ee Araweelonews inay maqlayaan rasaasta halkaa ka socota, iyadoo qaarkood sheegeen in dhaawacyo  qaar ka mid ah dadka deegaanka u dhashay oo gadhwadeen u ahaa kooxdaa la keeno deegaanka xariirad.

“Rasaasta waanu maqlaynaa Nimankana awalba meesha way mari jireen  oo  waa jabhada OLNF,  waxaana  lacago ka qaata dadka masuulka ah ee maamulka, dawladii horena way ogayd  ee hada waxan qabaa in maamulka cusub fashiliyay, waayo dadka maamulka oo dhamina waa dawladii hore, markaa waxba iskama bedelin halkan.” Sidaa waxa yidhi odayaasha deegaanka xariirad oo cod saday in aan magaciisa la xusin.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco shebekada wararka ee araweelonews.com
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *