Hargeysa(ANN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa xafiiskiisa  Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay,,  isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqal isaanka ee Qaramada Midoobay haweenayda lagu magcaabo, Mme Kyung-wha kang.

 
Madaxa Weftiga Mme Kyung-wha kang ayaa Marka Horeba Madaxweynaha u gudbisay Hambalyo ay ka sido Madaxa Komishanka Sare ee qarmada midoobay qaybteeda  Xuquuqda Aadamaha. Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay kulankaa ka dib Madaxtooyada Somaliland.
 Warsaxaafadeedkaa oo nuxur ahaan  u dhignaa sidan, “Madaxa weftigu waxay Madaxweynaha Si aada ugu Amaantay Go’aankii uu ku sii daayey Dadkii Siyaasada u xidh-xidhnaa isla  markii uu talada la wareegay waxanay ku tilmaantay Madaxweyne ku dayasho Mudan.
 
Madaxa Weftigu Mme Kyung-wha kang waxa kale oo ay  Madaxweynaha u balan qaaday in uu Komishankeedu Somaliland kala Shaqayndoono Horu-marinta Xuquuqal Isaanka.
 
Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( Siilaanyo),  ayaa isaguna Weftiga u balbalaadhiyey siyaasada Xukuumada ee Dhinaca Xuquuqal Isaanka Waxaanu Madaxweynuhu u sheegay Weftiga inay Somaliland Mabda u tahay ilaalinta Xuquuqal isaanku Xukuumaduna ay sidaa ku shaqaynayso.
 Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha ku Wehelinaayey kulankan Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof: Ismaaciil Muumin Aar.
 
Magacyada Xubnaha  wefdiga iyo Ha’ayadaha ay ka socdeen waxay  ahaayeen sidan;-
 
         Mme Kyung-whakang DHC (VIP), Scott Campbell, OHCHR- Geneva, Africa Division, 
        Fiona Adolu, UNPOS HRO, Joachim Schmitz,  UNPOS Security Chief, 
       Sandra Beidas,  Head of Human Rights, UNPOS/OHCHR.

 


By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *