Hargeysa (ANN) Kooxdii gashay Buuraleyda galbeedka ka xidha gobolka Awdal ee Somaliland oo maanta dagaal xoogani ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka Ethopia Buuraleyda xadka dalka Ethopia ayaa intii badnayd gacanta lagu dhigay , isla markaana
ay noqdeen wax dhintay, dhaawac iyo qayb lagu hareeraysan yahay, isagoo xusay in laga furtay ilaa 90 qori oo ay hada gacanta ku hayaan. Sidoo kale sida uu Caawa Idaacada BBC laanteeda Afka Somaliga u sheegay madaxweynaha Kililka shanaad ee deegaanka Ismaamulka Soomaalida Ethopia Cabdi Maxamud Cumar.
Wuxuuna cadeeyay inay ciidanka Ethopia kooxdaa isku haleeleen Buuraleyda woqooyi ee gobolka JIJIga, halkaas oo sida uu sheegay kooxdaa oo ka yimi dhinaca dalka Eretria oo tababaro iyo hub lagu soo siiyay ay doonayeen inay nabadgelyo daro ka abuuraan deegaankaa, isagoo tirada guud ee kooxdaa ku sheegay inay tirada kooxdu ahayd guud ahaan ahayd 240, kuwaas oo 5 kamida xeebta soomaaliland kaga baxsadeen sida ay noo sheegeen maxaabiista gacanta lagu hayo, halka baaqigii oo 235 ahi gudaha deegaankayaga soo galeen ayuu yidhi.
Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya inay kooxdu u qaybsantay sadex qaybood oo qayb ka mid ah intii badnayd la qabtay, qaarna ay ku dhinteen halkaa, iyadoo dhimashada lagu sheegay ilaa ku dhowaad lixdan, halka ilaa sodoneeyo ka tirsan kooxdaa ay dadka deegaanka shiniile iyo Jinacsaley qabteen iyagoo firxad ah. Wararku waxay sheegayaan in ciidmada Ethopia gacanta ku dhigeen ilaa labaatan ka mid ah kooxdaa, iyadoo qayb kale oo ka mid ah kooxdaasi gabalku ugu dhacay buuraleyda halkaa oo ay ciidmada Ethopia ku hareeraysan yihiin.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laba ka mid ah dadkii u dhashay deegaanka Awdal ee gadhwadeenka u ahaa kooxdaa iyagoo dhaaw ah la keenay deegaanka Qoljeed saaka markii uu dagaalku subaxnimadii ka bilaabmay halkaa, isla markaana ciidamada Somaliland oo baacsanayay qayb ka mid ah kooxdaa ayaa iyagu dib ugu soo laabtay maanta xuduuda. Kadib markii ay gudaha u galeen xadka Ethopia ilaa laba km. inkasta oo koodan lagu sheegay inay yihiin kuwo ka tirsan jabhada la dagaalanta Ethopia ee ONLF, hadana gudoomiyaha garabka jabhadaa ee iyagu ku gacansaydhay heshiiskii dhowaan ay xukuumada Ethopia la gashay ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in aanay jirin ciidan ay leeyihiin oo ka gudbay xuduuda Somaliland, isagoo yidhi, waxaanu ka dagaalanaa dalkayaga gudihiisa, mana jirto sabab aanu ugu talawno deegaan kale, ama aanu tababar ugu soo qaadano wadamo kale.
Hase yeehee xukuumada Somaliland oo qaar ka mid ah raggaa gacanta ku dhigtay ayaa sheegtay inay hayso cadaymo Ducumentiyo si weyn u iftiiminaya inay ka yimaadeen dhinaca dalka Ereteria, islamarkaana ay ka tirsan yihiin jabhada ONLF. Sidoo kale ismaamulka kililka shanaad ee Ethopia ayaa dhinacooda sheegay inay hayaan cadaymo ducumentiyo laga helay qaar ka mid ah kooxdaa oo ay gacanta ku dhigeen iyo kuwii dhintay oo muujinaya qorshohoodii iyo meesha ay u socdeen. Sidaa awgeed ay kooxda la hayaa yihiin jabhada ONLF.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha galbeedka Somaliland Maxamed Xudhuun ayaa sheegay inay malayshiyada halkaa maray ka tirsanaayeen jabhada ONLF, isla markaana tiradoodu ahayd 240 Nin, kuwaas oo sida uu Idaacada VOA, laanteeda Afka soomaaliga u sheegay ay xalay is heleen Ciidanka Ethiopia, balse aanay iyagu gelin gudaha Ethopia, isla markaana wuxuu xusay inay ciidamada somaliland horjoogsadeen ciidamo doonayay inay soo galaan xuduuda Somaliland, wuxuuna Mr. Xudhuun oo la weydiiyay sida ay ciidan intaa leegi usoo galeen xuduuda Somaliland yidhi, “Taa Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa hore uga jawaabay oo faahfaahiyay. Aniguna taa wasiirku sheegay ayaan kaabayaa mooyaane wax kale ma jiraan”. Waxa kale oo uu xusay inay ciidanka Ethiopia dhinacooda xadka ka hawlgaleen, ciidamadda Somaliland-na dhinacadoo ka hawl galeen oo ay labada ciidan is kaashanayeen. Laakiin aanay iyagu gelin gudaha dalkaa, isla markaana aanay ciidamo ethopian ahi soo gelin xadka dhinaca Somaliland.
Si kastaba ha haatee kooxdaa waxay qayb ka mid ahi weli ku jiraan buuraleyda deegaanka woqooyiga Ethopia, halkaas oo sida ay wararku sheegayaan ciidamada Ethopia ku hareeraysan yihiin ilaa boqol ka mid ah kooxdaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380