Addis-Ababa(ANN)  Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo weli ku sugan kulamadii ay la yeelanayeen masuuliyiinta Ethiopia iyo Dublamaasiyiinta ku sugan Magaalada Addis-Ababa waxa la filayaa isla maalinta beriya gelinka horena in uu madaxweynuhu la kulmo Dublamaasiyiinta u jooga Magaalada

 

Addis ababa Dawladaha Waa-weyn qaarkood.” Sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeedkii u danbeeyay ee xafiiska Af-hayeenka madaxtooyadu kasoo saaro socdaalka wefdiga madaxweynaha habeen hore  8 August 2011.
Hase yeeshee warar is khilaafsan ayaa kasoo baxay socdaalka wefdiga Madaxweyne Siilaanyo oo maalintii afraad kju sugan dalka Ethiopia, halkaas oo la filayay inay uga sii gudbaan maalin ka dib dhinaca dalka China sida uu ahaa qorshaha wefdiga Madaxweynaha. Warar xalay aanu ka helay meelo kala duwan ayaa qaarkood sheegeen in Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisu ka boqooleen Adis ababa maalintii shalay iyagoo usii jeeda dhinaca dalka china. Laakiin ila wareedyo ku sugan dhinaca dalka Ethiopia iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda madaxweyne siilaanyo ayaa wax yar ka dib u xaqiijiyay shebekada Araweelonews inay wefdiga madaxweyne siilaanyo weli ku sugan yihiin Adis-ababa, mana ay xaqiijin xiliga ay baxayaan wefdigu iyo inay wax iska bedeleen safarkoodii.

Qoraalkii u danbeeyay ee Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir kasoo  saaray wefdiga madaxweynaha ee weli ku sugan Adis abab iyo kulamdii uu madaxweynuhu la yeeshay masuuliyiinta Ethiopia  ayaa u qornaa  sidan:-
“Weftigii uu hoggaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku sugan magaalada addis ababa waxa ay maanta kulan saacado qaatay la yesheen Ra’ isal wasaare ku xigeenka Ethiopia ahna Wasiirka Arrimaha Debeda ee dalkaasi Ethiopia Mr. Haile  Mariam Desalegn, ka dib markii uu Ra’iisal wasaare kuxigeenku booqasho sharafeed ugu yimid madaxweynaha Hoteel ka uu degan yahay ee Magaalada Addis ababa.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare kuxigeenku waxa ay kulankaa  kusoo qaadeen Arrimo dhawra oo dhamaantood la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labada wadan ee Ethiopia iyo Somaliland.

Qodobada kulanka lagaga wada hadlay waxa ay inta badan diirada lagu saaray arrimaha Nabad-gelyada, Ganacsiga, iyo isu socodka labada Shacbi ee labada wadan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Ra’iisal wasaare kuxigeenka uga mahad-naqay bookhashada uu ugu yimid halka uu degan yahay ee Hotel Sharaton Addis-ababa.
Sidaasi si la mid ahna Ra’iisal wasaare kuxigeenkuna waxa uu sheegay muhiimada ay u leedahay Dawlada Ethiopia Xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay dawlada Somaliland.
Madaxdu waxa ay kulankooda isla meel dhigeen in arrimo badan oo ay isku raaceen in la xoojiyo sida nabadgelyada iyo ganacsiga labadaba.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo weli ku sugan kulamadii ay la yeelanayeen masuuliyiinta Ethiopia iyo Dublamaasiyiinta ku sugan Magaalada Addis-ababa waxa la filayaa isla maalinta beriya gelinka horena in uu madaxweynuhu la kulmo Dublamaasiyiinta u jooga Magaalada Addis ababa Dawladaha Waa-weyn qaarkood.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale waxa jira warar aan si rasmi ah loo ogayn xaqiiqdooda oo tibaaxaya in dublamaasiyiinta reer galbeedka ee ku sugan Adis-ababa ka walaacsan yihiin booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee China, iyadoo madaxweyne Siilaanyo casuumad rasmi ah ka helay dalka china markii uu xilka doorashada ku guulaysatay kal hore doorashadii 26 jun 2010. Balse safar uu ku tegey xiligaa dalka Britain oo la filayay inuu uga sii gudbo China dib ugu soo laabtay dalka. socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisu weli ku sugan yihiin Adis Ababa ayaa sidoo kale kusoo beegamay iyadoo wasiirka Arrimaha Debeda ee China booqasho ku marayo dalka dhowaan kusoo biiray caalamka ee koonfurta Soodaan (Juba), iyadoo South Sudan iyo Somaliland yihiiin meelaha uu sida gaarka ah u danaynayo dalka Shiinuhu.
Dalalka galbeedka iyo China waxa ka dhexeeya loolan adag oo dhinaca tartanka dhaqaallaha, maalgashiga  iyo ganacsiga ah, iyadoo China waqtigan door weyn ka ciyaaray loolankaa, gaar ahaan maalgashiga ku wajaahan Afrika
Si kastaba ha ahaatee ma jiraan warar si cad u xaqiijiyana sababta wefdiga Madaxweynuhu ugu sugan yihiin Addis-Ababa iyo inay wax iska bedeleen safarkii dhinaca dalka China ee dhawrka bilood u xidhxidhnaa Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo ay jiraan tibaaxo sheegaya in dublamaasiyiinta reer galbeedku ku qancisay Madaxweyne Siilaanyo inuu hakiyo safarka uu ku tegayo dalka China, balse uu ku gacansaydhay, taas oo sabab u noqotay inay wefdiga madaxweyne siilaanyo weli ku sugnaadaan Ethiopia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *