Berbera(ANN) Taliye xigeenkii Turubartaariyada Berbera ee ciidanka Dekeda  Raagge  Jaamac Maxamed  iyo Afar askari oo kale ayaa dhaawacyo kala

 

duwani soo gaadheen maanta. Kadib markii koox doonaysay  inay gurtaan Iskitraab ay iska hortaageen.   Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska Saaxil C/raxmaan Ducaale (Cabdi Dheere ) ayaa u xaqiijiyay shebekada wararka ee Araweelonews in sarkaalkaa iyo Afar askari oo kale dhaawacyo kala duwani soo gaadheen. Kadib markii kooxdaa oo ka kooban saddex Nin oo doonayay inay  guri ku yaala  duleedka madaxtooyada Berbera ka rartaan Iskaraab, taas oo sababtay inay ciidanka is af dhaafaan kadibna Bambo gamceed ku teereen ciidanka.
Taliyaha Qaybta Booliska Berbera  ayaa sheegay inay sadexdaa Nin xabsiga u taxaabeen ciidanku oo ay hada xidhan yihiin, iyadoo dhinaca kalena  taliye xigeenka ciidanka Turubataariyada  Raagge Jaamac Maxamed oo dhaawac halis ahi soo gaadhay  la qorshaynayo in loo qaado dhinaca magaalada Hargeysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *