Muqdisho(ANN)Hogaamiyayaasha Xarakada Shabaab ee dagaalka kula jirta dawladda taagta daran ee Somalia iyo ciidamada taageera ee Midawga Afrika ayaa is bedel ku sameeyay gebi ahaanba hogaankooda iyo qaabka istiraatiijiyadooda dagaal. Kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafay kulamo qarsoodi ah

 

oo ku wajahan xaaladooda ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Kulamadaa ayaa wararka laga soo xigtay kooxda xarakada Al-shabaab ay sheegayaan  inay ku go’aansadeen  inay badalaan hogaamiyahoodii hore Axmed Cabdi Godane oo loo  yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr,  kaas oo xilka ku wareejiyay  Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibrahim Afqaani) oo loogu yeedho  Abubakar Al-Zeylici.

Isbedelka hogaanka sare ee xarakada Al-shabaab ayaa ku soo beegmay. Kadib   markii  dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho khasaare loogu geystay, isla markaana bilihii u danbeeyay xubno mihiim ah lagu dilay magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu ka mid ahaa hogaamiyihii Al-qaacidada Bariga Afrika Fasul Cabdalla oo Muqdisho lagu diley bishii June ee sanadkan 2011. Sidoo kale ay jiraan in asbaabaha loo aanaynayo guuldarada soo waajahday ee  dhinaca military-ga ay ugu wacan tahay khilaaf ba’an oo soo kala dhex galey hogaanka kooxda gaar ahaan laba masuul ee u sareeya Abu Zubayr iyo Abubakar Al-Zeylici, kuwaas oo saraakiisha kalena la kala safteen.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho horaantii todobaadkii hore ka hor intii aanay ku dhawaaqin Shabaabku inay ka baxeen Muqdisho waxaa lagu go’aamiyey in la badalo hogaanka ururka isla markaana meesha laga saaro khilaafka u dhexeeya xarakada Al-shaabaab, isla markaana Axmed Cabdi Godane ayaa noqonaya  wakiilka Al-qaacida ee Bariga Afrika maadama ay Al-Qaacida ka dalbatey Shabaabka inay u soo gudbiyaan ninkii buuxin lahaa booska uu ka baxay wakiilkii Al-Qaacida ee Bariga Afrika Fasul Cabdalla oo Muqdisho lagu diley badhtimihii sanadkan 2011.
.Axmed Cabdi Godane (Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr) wuxuu xilka hogaanka kooxda Al-shabaab  qabtay markii la dilay hogaamiyihii ururkaa  Aadan Xaashi Cayrow oo lagu diley duqeyn ka dhacdey degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud  dhawr sannadood ka hor. Kadib markii  Mareykanku duqeeyeen guri uu deganaa.

Xiligaa Al-shaabab uma ay muuqan awooda iska caabinta iyo dagaalada ay sannadii u danbeeyay ka wadeen Somalia, isla markaana waxay hawlgaladoodu u badnaayeen qaraxyo iyo dilal qorshaysan. Laakiin wixii ka danbeeyay xiligaa oo  Axmed Godane (Abu Zubayr) la wareegay hogaanka Al-shabaab, kaas oo  ahaa gacanta koowaad ee Aadan Cayrow, isla maraakana  uu kuxigeen u noqdey Ibraahim Afgaani Abubakar Al-Zeylici  waxa si weyn u baahday awooda xarakada Al-shabaab oo si badheedha u waajahay dagaalada ay kula jiraan dawladda ku meelgaadhka ah iyo ciidmada taageera ee AMISOM.
Abu Zubayr waxa lagu tilmaamaa xubinta ugu muhiimsan ee Al-shabaab, isla markaana ay aamisan yihiin Urur weynaha Al-qaacida. Wuxuuna mudadii uu hogaaminayay Al-shabaab si weyn kor ugu qaaday magacooda, isagoo hindisay qorshayaal dagaalo hor leh oo aanay Al-shabaab qaadi jirin. Sidoo kale Abu Zubayr wuxuu isku deyay mudadaa inuu gobolada ka sameeyo xukun walaayo oo hoos timaada, taas oo ku salaysan dhaqanka bulshada ee Odayaasha iyo cuqaasha. 
Isbedelka cusub ee lagu sameeyay hogaanka al-shabaab iyo buuxinta wakiilka Al-qaacida ee Baraiga Afrika ayaa la rumaysan yahay inay wax weyn ka bedelayso hawlgalada Al-shabaab eek u wajahan geeska Afrika. Waxaana jiray ka hor intii aan xilkaa loo magcaabin Abu Zubayr inay jirtay hadal hayn ah inuu booskii hogaamiyihii bariga Afrika ee  Fasul Cabdalla buuxun doono Abu Mansuur Al-ameeriki .balse waxay taa meesha ka saaray magcaabista xilkaa loo magcaabay Abu Zubayr oo ahaa hogaamiyihii Al-shabaab.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *