Baraawe(Araweelo News Network) Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn dhinaca cirka ah oo xalay lala beegsaday laba gaadhi oo marayay

 

deegaanka Haawaay oo dhacda halka uu ku dhamaado Webiga Shabeele, isla markana u dhow Baraawe ay ku dhinteen Amiirka Al-shabaab iyo saraakiil ka mid ah madaxda Al-shabaab. Kadib markii lala beegsaday Gantaalo Dhul-gariir ah.

Dawlada Maraykanka oo diyaaradeheeda Drones-ku duqayntaa gantaalaha la beegsadeen gaadiidkaa, ayaa sheegay in loo badinayo in uu ku dhintay hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, balse ma jiraan warar xaqiijinaya geerida hogaamiyaha Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ee  laga helay deegaanka oo aan isgaadhsiintu shaqaynayn, ayaa sheegaya in tirada labadaa gaadhi saarnayd ahayd 6 qof oo Al-shaabaab ah, balse waxay meesha ka saareen in uu ka mid ahaa Amiirka Axmed Cabdi Goadane, kaas oo aan la ogayn deegaanka uu ku suaganyahay iyo goobta uu joogo midna.

Ma jiro wax war ah oo Al-shabaab kasoo saartay sheegashada Maraykanka ee ah in ay dileen Hogaamiyihoodii, balse sarkaal magaciisa ku sheegay Abu Mohammed, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee (Associated Press) in Lix qof ku dhinteen duqayntaa oo lala beegsaday labada gaadhi ee marayay halkaa, balse waxa uu sheegay in aanu ku jirin Axmed Godane.

Maraykanka ayaa hore u sheegay in ay dileen marar badan hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane oo madaxiisa la dhigay 7ml dolar, laakiin sheegashadaa ayaa noqotay mid waxba kama jiraan ah.
Inkasta oo duqaymo dhinaca Cirka iyo badda ah lagu dilay hogaamiyaal badan oo Al-shabaab iyo Al-qadia ah, hadana sheegashada Maraykanka ee waqtigan in ay dileen hogaamiyaha Al-shabaab ayaa ah mid aan weli la xaqiijin Karin.

Axmed Cabdi Godane oo ku magacdheer Abu Zubeyr, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay nin si weyn u taxadira oo aan la ogan Karin goobta uu joogo iyo halka uu ku noolyahay, iyadoo aanay xataa saraakiisha Al-shabaab ogaan Karin, balse shaqsiyaad kooban ay dhaqdhaqaaqiisa in yar kala la socdaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *