Riyad (Araweelo News Network) Dawlada Boqortooyada Sucuudiga, ayaa olole ku qaaday dadka lala xidhiidhiyo kooxaha xagjirka ah ee Al-Qaida iyo

 

Ururada kale ee ka dagaalama dacalada dunida.

Dadka la xidhay oo ka badan 80 qof, ayaa dhamaantood u dhashay Dalka Sucuudiga marka laga reebo tiro aan ka badnayn sadex qof,  oo u dhashay Dalka Yaman, kuwaas oo qaarkood hore loogu eedeeyay in ay ka mid yihiin kooxaha Al-Qaida, balse xukuno ku dhacay dhamaystay, iyadoo kuwo kalena lagu waayay wax denbi ah.

Afhayeen u hadlay Dawlada Sucuudiga oo magaciisu yahay Mansuur Al-Turki, ayaa xaqiijiyay xadhiga dadkaa, wuxuuna xusay Afhayeenka  Sucuudigu in ay la socotay dawladu qorshayaal ay adeegayeen Qaar ka mid ah dadkaa la xidhay, isagoo qiray in qaarkood xukuno maxkamadeed ugu dhaceen oo ay dhamaysteen, kuwa kalena lasii daayay, balse Hay’addaha amaanka oo ku daba jiray ogaadeen in ay wadeen qorshayaashii lagu eedeeyay markii hore.

Al-Turki, waxa uu sheegay in dawlada Boqortooyada Sucuudigu aanay aqbalayn dadka falalka aragagixisada ka wada dalkeeda, wuxuuna carabka ku dhiftay mudadii uu hawlgalka amaanku socday in qaar ka mid ah dadka lala xidhiidhinayo Al-Qaida u baxsadeen dhinaca dalka Yaman.

Talaabadaa lagu xabsiga ku dhigeen ciidanka amaanka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa kusoo beegnatay maalmo ka dib markii Boqor Cabdalla si adag uga hadlay muwaadiniinta ka barbar dagaalama kooxaha lala xidhiidhiyo argagixisada, kuwaas oo uu sheegay in dawladiisu talaabo sharci ah ka qaadayso.

Boqor Cabdalla waxa uu tilmaamay in kooxda ka dagaalanta Ciraaq ee daacish iyo kooxaha kale ee xagjirku khatar ku hayaan dunida, isagoo si gaar ah u tilmaamay in ay weeraro ka falun karaan dalalka reer galbeedka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *