Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa jawaab

 

hordhac ah ka bixiyay cabshada Madax-dhaqameedka gobolka Awdal ee la xidhiidha tabshooyinka dhinaca saamiyada ay gobol ahaan ka heleen Hay’addaha xukuumadda.

Madax-dhaqameedka Awdal, ayaa dhowaan la leeshay Madaxweyne Siilaanyo kulan garnaqsi ah, kaas oo ay ugu bandhigeen tabashadooda, isla markaana u sheegay in ay jawaab ka sugayaan oo aanay ku laabanayn deegaankooda Awdal ilaa inta ay jawaab waafi ah ka helayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo, ayaa arrintaa ka bixiyay jawaab hordhac ah, wuxuuna maanta kasoo saaray xafiiskiisa digreeto uu ku magcaabay todoba xubnood oo ka mid ah golihiisa Wasiirada, kuwaas oo sheegay in ay u kuur-galaan cabashada dadka deegaanka Awdal.
Qoraalka Madaxtooyada ee lagu magcaabay gudidaa oo gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa u qornaa sidan:-

“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku

magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

Ujeedo:  Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                            

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                    

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Beeraha                                                                   

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                            

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka                   

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda                                                            

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta                                  

Mudanayaal,

Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan. 

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.”ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *