Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha siyaasadda ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB  Mr. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ku eedeeyay ku simaha Guddoomiyaha Xisbigaa inuu ka leexday dhexdhexaadnimadii,  isla markaana uu ka shaqaynayo burburinta xisbiga. Sidaa awgeed uu kala

 

noqday kalsoonidii Axmed Yuusuf Yaasiin Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland oo ah gudoomiye xigeenka UDUB.
Cali Maxamed Waran-cadde oo ahaa wasiirkii hore ee Duulista Hawada xukuumaddii Daahir Rayaale, wuxuu ka mid yahay xubnaha ugu fadalcad ee kaanbaynka ugu jira musharaxnimada shanta sanadood ee soo socda xisbiga UDUB ee doorashadii 26 Jun 2010 lagaga adkaaday.
Warabcade  oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Safaari ee magaalada Hargeysa.waxa uu sheegay in musharixiinta rasmiga ah ee buuxiyay shuruudaha xeerka xisbiga UDUB ay yihiin isaga iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda C/llaahi Maxamed Ducaale, balse uu gudoomiye xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin wado khiyaamo iyo inuu kala qaybiyo xisbiga, taas oo uu si adag ugu dhawaajiyay inaanay aqbalayn oo ay u qayshadeen gudoomiyohoodii Daahir Rayaale Kaahin si loo badbaadiyo xisbiga.

Mr waran Cadde waxa uu sheegay in uu kala noqdday kalsoonidii, isla markaana aanu raali ka ahayn in uu garsoorre ka noqddo  habka loo kala xulayo musharaxiinta, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Guddoomiyihii Xisbigu (UDUB) mar haddii uu ka baxay dhexnimadii aniguna galabta waxaan kala noqday kalsoonidii uu garsoor iigu noqon lahaa, maadaama uu ahaa ninkii noo garsoori lahaa aniga iyo ciddi kale ee tartameysa, shir uu ii qaban karaana ma jirto.Waxaanu damacsan yahay inuu Xisbiga (UDUB) u qeybiyo laba garab, hasayeeshee si taa looga gudbo oo Xisbiga qiimaha weyni  aanu dalka iyo umadda uga burburin, waxaanu la xidhiidhnay guddoomiyahahagii (Daahir Rayaale Kaahin) oo waxaanu u sheegnay inuu kasoo gaadho odaygii uu kaga tagay meesha , maadaama uu noqday ama uu ku fashilmay inuu si cadaalad ah oo dhex ah u hogaamiyo Xisbigii”” Ayuu yidhi Cali Waran Cadde.

“waxaan leeyahay odaygu waxa uu ka gaabiyey masuuliyadiisii ahayd maadama uu wakiil ka yahay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin madaxweynihii hore ee Somaliland inta uu ka maqan yahay waxaanu jeclayn inuu muujiyo sinaan, cadaalad, hogaamin fiican oo dhex ah waanu ka gaabsaday odaygu taa.  Waxa uu warbaahginta geliyey inuu markii horena aniga Waran-cade i watey imikana uu helay cid iga lacag badan, oo aan anigu u qaatey marka uu leeyahay ka talaabo dheerayey ka lacag badan,”ayuu yidhi Warancadde.

Cali Waran cadde wuxuu sheegay inaanu xisbiga UDUB ahayn xisbi la iibin karo, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Xisbiga UDUB ma aha Xisbi la iibin karo oo ay lacagi goyso, waa laga yaaba magaca waa la iibin karaa, laakiin ummadda lama iibsan karo.”
Wuxuuna  ku dooday inay ilaa hada  sharciyan u sharaxan yihiin murashaxnimada UDUB isaga iyo wasiirkii hore khaarajiga ee xukuumaddii Rayaale,  isagoo yidhi,  “Aniga oo ah musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB oo uu igu weheliyo murashaxnimada Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada ilaa inta aan imika sharciyan ogahay waa aniga Iyo ninkaas, ciddii kale ee UDUB ah ee buuxisa shuruudaha looga baahan yahay inuu isku soo sharxo Madaxweynanimada Xisbiga UDUB ee shanta sanadood ee soo socota diyaar ayaanu u nahay.”
“Haddii odaygu sheegay inuu Xisbigii UDUB lacag yahay oo lacag fara badan oo aan meesha qaban oo $300,000 kun Dollar uu ku xidhay inuu bixiyo ninka noqonaya murashaxa oo ay dadku u fasireen in la iibinayo oo uu xaraash yahay Xisbigu taa waxaan leeyahay dadka xaal ayaanu ka siinay lamana iibin karo,”ayuu tilmaamay Warancadde waxaanu intaasi ku daray “Waxa uu damacsan yahay inuu Xisbiga UDUB u qeybiyo laba garab, hasayeeshe si taa looga gudbo oo Xisbigu dadweynaha ka burburin, waxaanu la xidhiidhnay Guddoomiyahahagii Daahir Rayaale Kaahin oo waxaanu u sheegnay inuu ka soo gaadho odaygii uu kaga tagay meesha , maadaama uu noqday ama uu ku fashilmay inuu si cadaalada oo dhex ah u hogaamiyo Xisbigii.”
khilaafkan ka soo cusbaanaaday xisbiga UDUB ayaa ka danbeeyay kadib markii loolan dhinaca awooda ah oo dhaqaalle lagu hagayo uu kusoo kordhiyay Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan doonaya inuu siyaasada iyo hogaaminta dalka ka qaybqaato, kaas oo u arkay xisbiga UDUB oo marka horeba magac ahaan keliya u jiray wixii ka danbeeyay laba sanadood  iyo dhawr bilood ka hor markii hogaanka talada dalka lagaga adkaaday  inuu boodhka ka tumi karo, isla markaana uu yahay daleel banaan oo uu ku gaadhi karo qorshaha  istiraatiijiyadiisa siyaasadeed, isagoo ku baanay inuu dhaqaalle baddan ku bixinayo suurta gelnimada musharaxnimadiisa ee UDUB, balse waxay taasi hunguri  iyo yididiilo gelisay rag baddan oo aan wax mooraal ah u hayn inay saaxada kusoo laabtaan, waxayna dhaqdhaqaaqyada  maalmihii u danbeeyay ee dhinaca loolanka UDUB noqdeen kuwo qiimahooda iyo baayacaadu kor u kacday, isla markaana sababtay khilaaf garabyo, xaafado iyo kooxo usii kala durka oo fooda iskula jira, kuwaas oo haddii ay sidaa ku sii socdaan ay suurta galtahay inuu ku danbeeyo magaca UDUB, halkii uu maray xisbigii UCID, isla markaana khilaafka iyo loolanka UDUB ayaa saamayn ka duwan tii UCID ee khilaafka maxkamadda laysla galay  yeelan kara, taas  oo  u horseedi karta xisbigaa  inuu saaxada ka baxo ka hor intaan la gaadhin tartanka doorashooyinka deegaanka April 2012.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *