Hargeysa(ANN) Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta  xilkii ka qaaday Taliyihii ciidanka Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur, isagoo xilkaa u magcaabay  Jaamac Maxamed Bootaan (Cirro)oo ka mid ahaa Saraakiishii dhawaan lagu soo tababaray

 

Dalka Ethiopia.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo ilaa hada xafiiska madaxweynaha oo sheegaya xilka qaadista taliyaha iyo magcaabista bedelkiisa, balse warar hordhac ah oo shebebekada Araweelonews ka heshay dhinaca Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay xilka qaadista Sarkaalkaa iyo magcaabista taliyaha cusub.Taliyaha xilka laga qaaday ayaa ahaa Col. Hore u ahaanjiray Ciidamada Milateriga, balse mudo dheer ku maqnaa dhinaca qurbaha. Ka hor intii aanu Madaxweyne Siilaanyo xilkaa u magacaabin markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada  26 Jun 2010. Ee uu is casilay Xuseen Kenyaati oo uu xilkaa u magcaabay markii uu soo dhisay Madaxweyne Siilaanyo dawladiisa.
Mr. Kenyaati ayaa sanado baddan isagu ahaa taliyaha sirdoonka waxayna waqtigii xukuumadda Siilaanyo xilka la wareegtay  soo celisay markii labaad, balse wuxuu iska  casilay mudo yar ka dib, wuxuuna ahaa taliyihii ugu wanaagsanaa dhinaca Sirdoonka ee soo mara Somaliland marka laga reebo Marxuum  Rooble  Timir oo xiligii Marxuum Cigaal ahaa taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland.
Lama garanayo sababta xilka looga qaaday Taliyiha sirdoonka Qaranka Col, Maxamed Nuur , balse waxa muuqatay in mudadii uu xilka hayay ay soo baxeen dhaliilo dhinaca sirdoonka qaranka ah, iyadoo la filayay inay dhinaca Hay’adda sirdoonka qaranka wax badani iska bedelaan, maadaama ay jirtay kala daadsanaan iyo maamul xumo ku habsatay  mudooyinkii u danbeeyay ee xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale oo ducuf weyni ku dhacay dhismaha hay’addaa, taas oo sababtay inay cadawga Somaliland ka fuliyaan dalka qaraxyo 29  Octoobar 2008 oo Somaliland u ahayd maalintii madoobayd ee murugada. Kadib markii sadex qarax oo waaweyn lala beegsaday Madaxtooyada, xafiiska safaarada Ethiopia ee hargeysa iyo xarunta UNDP, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac in ka baddan labaatan qof.
Sarkaalka loo magcaabay sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa noqonaya masuulkii sadexaad ee xilkaa  Madaxweyne Siilaanyo u magcaabo mudadii sanad iyo badhka ahayd ee xukuumaddiisu jirtay, waxaana si weyn u muuqatay mudooyinkii u danbeeyay fadeexado dhinaca sirdoonka qaranka iyo kala daadsanaan, taas oo aan wax baddan laga ogayn wuxuu ka bedeli karo  taliyaha xilka Sirdoonka Qaranka  loo magcaabay Jaamac Maxamed Bootaan oo mid ahaa Mujaahidiintii SNM ee dalka xoraysay, isagoo xiligana ahaa sarkaal dhinaca Milateriga ah oo ka tirsan ciidanka qaranka, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay ciidanka qaranka. wuxuuna ka mid ahaa todoba sarkaal oo dhowaan kusoo dhamaystay dalka ethiopia jamacad  culuunta Military Scenes and arts oo mudo sadex sanadood ah uu baranayay. sdia ay u sheegeen araweelonews dad aqoon u leh taliyaha cusub, kuwaas oo sheegay inuu yahay sarkaal aqoontiisa iyo kartidiisa kaga dabaalnkara hawlaha horyaal ee dhinaca sirdoonka qaranka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *