Hargeysa(ANN)Tiro ka mid ah ururadda siyaasadda Somaliland ee is diiwaan geliyay ayaa yeeshay kulankii u horeeyay ee la doonayo in cududooda laysu geeyo, si ay u guulaystaan doorashada golayaasha deegaanka, isla markaana ugu gudbaan xisbinimo.Shan iyo toban Urur ayay sheegeen
todobaadkii hore gudida diiwaangelintu inay buuxiyeen shuruudihii is diiwaangelinta oo ay kasoo gudbeen marxaladaa ugu horaysa. Ka hor inta aanay dhamaan mudadii loo cayimay oo ku ekayd 28 Dec 2011. Shan ka mid ah ururadaa ayaa maanta kulan albaabada loo xidhay oo ay ku yeesheen Hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa kaga dooday qaabkii ay u midoobi lahaayeen.
Kulankan oo albaabaddu u xidhnaayeen waxa hindisihiisa lahaa Madaxweyne Ku xigeenkii koowaad ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, waxaana ururadda kulankaasi yeeshay kala ahaayeen RAYS, UMMADDA, HORYAAL, XAQSOOR iyo UDHIS.
Kulankan waxa lagu doortay Guddi isku soo dubo rida balaadhinta wada tashiyo ay yeelanayaan ururadii cusubaa ee dhawaan is diiwaan geliyay.
Xasan Ciise Jaamac oo saxaafadda la hadlay kulankaasi ka dib wuxuu yidhi “Shir kooban buu ahaa oo ururadii siyaasadda ee cusbaa ee is diiwaan geliyay ay isku baranayaan, danahooda ay u samaysanayaan Guddi ay soo abaabulaan oo ay wada tashi yeeshaan mar haddii ay dooni wada saaran yihiin oo ay isku dano yihiin. Anigana hawshaydu waxay ku ekayd isu keenidooda iyo isbarashadooda.”
“Guddi bay samaysteen gudidaasi ayaa hawshii la wareegtay, maalinta khamiista ee fooda inagu soo haysa ayay gudidaasi wada jirka ahi u balansan yihiin inay ku kulmaan halkan hudheelkan Hadhwanaag, ururadii ka maqnaana waxay doonayaan inay arkaan oo ay soo korodhsadaan ayay ku tashadeen,”ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.
Dhinaca kale, Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne) oo ka tirsan siyaasiyiinta urur siyaasadeedka UDHIS, oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in kulankan lagu falan qeeyay sidii ururada siyaasaddu ay iskaashan lahaayeen wixi dano ah ee ay wadaagaan, waxaanu tilmaamay inay doorteen Guddi kooban oo ay u xilsaareen isku dubo ridka hawshan.
Talaabadan ayaa noqonay mid mustaqbalka iyo yididiilada rajada bulshada soo dhowaynay, maadaama ay dad badani ka cabsi qabaan khatarta ka imankarta tartanka ururada faraha baddan ee doorashada, waxayna talaabadani durba iftiimisay inay siyaasada iyo tartanka doorashooyinka mujtamaca somaliland u bislaadeen oo ay waaya aragnimo weyn ka dhaxleen doorashooyinkii, balse weli waxa muuqata cabsi laga qabo halka ay salka ku hayaan qaar baddan oo ka mid ah ururada siyasada Somaliland ee dhowaan is diiiwaangeliyay, kuwaas oo qaarkood ay majaraha u hayaan shaqsiyaad aan ahdaaftooda si weyn waxba loogala socon oo ku cusub saaxada siyaasada iyo sida ay suurta gal u tahay inay gamco shisheeye ku lug yeeshaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *