Hargeysa(ANN)Saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID, iyo UDUB, ayaa shir wada jira oo ay maanta isugu yimaadeen Xarunta Xisbiga kulmiye ee magaalada Hargeysa waxay ka soo saareen baaq sagaal qodob ka kooban oo ku saabsan xaaladda collaadeed ee ka taagaan deegaanka

 

buuhoodle ee Kalshaale.

Kullan dheer ka dib waxay dhinacyadu soo saareen war-saxaafadeed ku socda bulshada caalamka iyo shacabka Somaliland oo ka kooban sagaal qodob, kaas oo si weyn loogu xardhay  inay shacabka Somaliland waajib ku tahay naf iyo maalba ay u huraan difaaca qaranimada.

War-saxaafadeedkaas oo ay ku kala saxeexanyihiin Guddoomiye xigeenka UDUB Axmed Yusuf Yaasiin, Gudoomiye-ku-xigeenka UCID Aadan Mire Waqaf iyo Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa lagu xardhay qodobada laysla qaatay, kuwaas oo u qornaa sidan;-

1.      in jiritaanka Somaliland uu yahay muqadas lama taabtaana sidii ay isla qaateen dhammaan beelaha Somaliland wada dega shirkii Burco ka dhacay bishii May 1991, xuduudeeheeduna yahay kuwii laga dhaxlay Iticmaarka

2.       Somaliland waxay ku caan baxday nabbada, xassiloonida iyo wada tashiga iyo isu tanaasul muddadii 20 sanno aheyd ee ay gooni isu taageeda lasoo noqotay.

3.     waxaanu ummadda Somaliland iyo beesha caalamkaba u sheegayna in shaqaaqada halkaasi ka taagan ee la doonayo in lagu wiiqo midnimada, wadajirka iyo gooni isu taaga Somaliland ay ka dambeeyaan soona maleegeen ururo nabadiid ah, Somaliland diid ah, salkana ku haya oo xidhiidh toosa la leh argagixisada caalamiga.

4.    waxaanu caddeynaynaa in shacabiweynaha Somaliland ee deegaankasi aanay wax lug ah ku laheyn shaqaaqadaasi, una baahan yihiin in laga dhex saaro dadka fadqalada kula dhexjira, una baahan yihiin  in si wadajir ah looga dhexsaaro kooxahaasi dabada ku haya aragagixisada.

5.     seddexda Xisbi Qaran waxay taageero buuxda ku siinayaan mawqifka xukuumada ee difaaca Qaranka iyo sugiddda xuduudeheeda.

6.      seddexda Xisbi Qaran waxay cambaareynayaan weerarka qaawan ee lagu soo qaaday ciidamada Qaranka Somaliland

7.     waxaa kaloo seddexda Xisbi Qaran cambaareynayaan faragelinta qaawan ee maamulka Garowe ku hayo nabbada iyo xasiloonida Somaliland iyagoo taageero  siinaya kooxaha argagixisada iyo nabad diidka ee ka hawlgala deegaandaas.

8.     Somaliand waxay kasoo horjeedaa cid kasta oo fadqalalo ka abuuraysa gayiga Somaliland iyo Geeskaba, waxayna soo dhoweynaysaa cid kasta oo taageero ka geysanaysa nabad ku-wada noolaanshaha iyo hormarka mandaqada.

9.  seddexda Xisbi Qaran waxay ugu baaqayaan shacabweynaha Somaliland inay ilaashadaan wadajirkooda, midnimadooda iyo difaaca qarankooda, waajibna ku tahay u hurida naf iyo maalba.” Ayaa lagu soo gunaanaday nuxurka war murtiyeedka ay saddexda xisbi qaran ee Somaliland soo wada saareen.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *