Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta cafis u fidiyay Tifatiraha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo maxkamadda Hargeysa ku xukuntay saddex sanno oo xadhiga ah iyo Boqor Raabi oo in ka badan laba todobaad

 

ku xidhnaa xabsioga. kadib markii weriyahaa maxkamaddi ku riday xukun.
Cafiska Madaxweynuhu fidiyay, ayaa ka danbeeyay kullan uu maanta Madaxtooyadda kula yeeshay qaar ka mid ah sallaadiinta iyo cuqaasha Somaliland, kulankaas oo lagaga arrinsanaynayay xaallada cusub ee ka soo korodhay deegaanka Kalshaale, waxaanay sallaadiintu kullankaas Madaxweynaha kaga dalbadeen inuu cafis u fidiyo Weriye Xuuto iyo Boqor Raabo, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalay  dalabkaa.

Cafiska Madaxweyna Silaanyo u fidiyay Weriye Xuuto iyo Boqor Raabi waxa noo xaqjiiyay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdillaahi Maxamed Daahir oo aanu wax ka weydiinay.

Weriye Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ku xidhnaa Xabsiga magaalada Gabiley, ayaa saacado ka dib cafiskii madaxweynaha ka soo baxay xabsiga, waxaana labadaba loo soo celiyay xoriyadoodii.
Weriye Xuuto oo ah guddoomiyaha wargeyska Waaheen ee kasoo baxa magaalada ayaa xabsiga loo taxaabay. Kadib lagu soo oogay dacwado ka dhan oo mudo ka socday maxkamadda gobolku ku riday xukun saddex sannadood ah iyo ganaax lacageed oo dhawr milayan oo Somaliland Shiling ah.
Boqor Raabi oo isugana ka mid ah madaxdhameedka Somaliland ayaa lagu eedeeyay inuu ku baaqay shir ay isugu yimaadaan salaadiinta Somaliland, taas oo uu ku macneeyay inay meesha ka baxday xukuumaddii la doortay.

 

 

 

 

 

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *