Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay inaanu ciidammada qaranka ee rasmiga ah ka tirsanayn nin la yidhaahdo Axmed Maxamed Darbac, oo sheegtay inuu ka goostay ciidamada qaranka, oo uu u galay dhinaca kooxda nabad diidka ah

 

ee  doonaya inay qalalaase ka ridaan deegaamada Sool iyo Buuhoodle.

Taliyaha Ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani, wuxuu sheegay in ninkaasi uu horjooge u ahaa maleeshiyo beeleed gaadhaya illaa  sodameeye  qof oo aan ciidanka qaranka lagu qaramayn, tan iyo markii ay dhawr bilood ka hor kasoo goosteeb dhinaca Puntland.

“Ninkaasi wuxuu horjooge u ahaa maleeshiyo beeleed gaadhaya illaa Sodameeye qof oo watay sadex gaadhi oo Tikniko ah oo ag deganaa meel u dhow ciidanka qaranka ee deegaanka Sool, kuwaasi oo hore uga soo goostay dhinaca Puntland oo gaadiidkoodana watay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka oo  caawa u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Dhinaca  kale Ninka sheegtay inuu ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland, balse watay koox malayshiyo ah oo uu horeba dhinaca Puntland ee xarunta budhcad badeeda ee Garoowe ugala soo talaabay ayaa ka mid ahaa kooxaha inay marba dhinac u talaabaan ku caan baxay, wuxuuna Mr. Darbac maanta sheegay inuu ku biiray malayshiyada nabad diidka ah ee isku urursatay Buuhoodle, kuwaas maamulka Budhacad badeeda garoowe uga keeneen hub iyo rasaas dawlada Eretria ee sida weyn ugu dhex jirta qaska ka socda magaalada Muqdisho ee Somalia.
By, Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *