Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo saaka kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, kadib markii ay cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska ee SPU soo galeen madaarka, kuwaas oo ugu galay

 

gudaha madaarka.

Boqolaal dad ah oo sugayay inay soo dhoweeyaan Boqor Buurmadaw ayaa ku sugayay afaafka ee hore ee barxada Madaarka, waxaana loo diiday inay galaan gudaha madaarka ee qolka VIP salaadiin, siyaasiyiin, eheladiisa, mujaahidiin,   fanaaniin iyaguna u socday inay soo dhoweeyaan Boqor Cismaan, kuwaas oo ciidamada Booliska oo si xoogga u hubaysani u jiheeyeen meel kale, iyagoo ka cabsi qabay inay rabshado ka dhacaan qabashada Boqorka.
sidoo kale waxa ay ciidamadu xabsiga u taxaabeen Cheif Caaqil Cabdale Aw Aadan oo ka mid odayaasha ka hortegey boqor buur madaw, iyadoo lala xidhay Axmed Cabdi Guuleed iyo dareewalkiisa oo ahaa Cabdi Cadood.
dadweynaha salaadiinta, siyaasiyiinta fanaaniinta iyo qaybaha kale ee bulshada ka socday ee halkaa u tegey inay soo dhoweeyaan Boqor Buurmadaw ayaa si weyn uga xumaaday talaabada ay qaaday xukuumadda Siilaanyo, iyagoo qaarkood ku dhawaaqaeen y ereyo ay ka mid yihiin, {waa
sharafdhac, dawladii ka waaweynaa ayaa haysan waayay ee way ku ceeboobayaan”.
Boqor Cismaan Buur-madaw ayaa la geyeey xarunra CID, iyadoo markii halkaa la geeyay ay askartii waday qaarkood nabaro juggo  ah oo qoridabadii u geysteen .waxaana loo diiday in la booqdo.
Lama garanayo sababta xadhiga Boqor Buurmadaw kula kacday xukuumaddu, balse waxa ay saraakiisha arrimaha gudaha qaarkood sheegeen inuu horeba ugu yaalay Waaran xadhig ah. kadib markii uu hore dhaleecayn ugu jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo qaarkood ku sheegay inay kooxaha xagjirka ah, taas oo si weyn uga cadhaysiisay xukuumadda Siilaanyo.
Somalia: Somaliland govt arrests clan elder after political comments – Garowe Online
Hase yeeshee  sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha imaatinkiisa, ayaa ka danbeeyay. kadib wadahadalo dhexmaray isaga iyo xukuumadda, taas oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qoraal ugu qaybisay saraakiisha laamaha socdaalka dalka iyo madaaradda in Boqor Cismaan Aw Maxamuud  oo ay xukuumaddu ka noqotay waarankii ay hore ula doonaysay, isla markaana  socdaalkiisa waqtigan ayaa ka dhashay dalab dhinaca xukuumadda Somaliland ka yimi, kaas oo loogu yeedhay Boqor Buur-madaw inay xukuumaddu u xilsaarto gogosha dhinaca nabada ee goboladda Bariga.
Dhinaca kale Boqor Buur-madaw ayaa dhowaan kasoo baxay xabsi ku yaal dalka Imaraadka carabta, halkaas oo lagu xidhay isagoo soo gutay waajibkii xajka ee sanadkii  hore, balse waxa lasii daayay mudo kadib, iyadoo ay siideyntiisa ka hawlgaleeen dawlado waaweyn, haya’ddaha xuquuqda aadamaha iyo shaqsiyaad caan ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *