Hargeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo ayaa isku shaandhayn, xil ka qaadis iyo magcaabis ku sameeyay golihiisa wasiiradda iyo Hay’addaha kale ee Dawlada qaarkood, waxaana xilkoodii waayay sadex ka mid ahaa kuwa lagu tiriyo Wasiiradiisa kuwa ugu culus, kuwaas oo kala ahaa

 

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii  oo ahaa W/ Maaliyadda, Prof. Ismaacil Muumin Aare  oo ahaa   Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac  oo ahayd Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.
Subaxnimadii hore ee saaka ayaa mar keliya lagu waaberiistay isku shaandhaynta, xil ka qaadista iyo magcaabista masuuliyiinta ee uu xukuumaddiisa ku sameeyay  Madaxweyne Siilaanyo. Inaksta oo ay dad badani filayeen, isla markaana naawilayeen dhawrkii bilood ee u danbeeyay  talaabada Madaxweyne Siilaanyo ku gelalafay xukuumaddiisa, balse waxa aan si dhab ah loo ogayn sida ay wax u dhici doonaan.
Waxaana ka dhashay doodo ay bulshadu si weyn ugu qaadaadhigtay isku shaandhaynta iyo masuuliyiinta xilkooda waayay, iyadoo ay  qaybo baddan oo bulshada ka mid ahi soo dhoweeyeen isku shaandhayntaa, balse ay jireen qaar kale oo doonayay in la sameeyo isku shaandhayn iyo in xubnaha golaha wasiiradda qaarkood xilka laga qaado, balse waxay kuwa doodahan qabaa aanay  filayn in sadexda wasiir ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi , Prof. Muumin Aare oo ahaa hawlaha Guud iyo Marwo Ilhaan oo ahayd Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada ay raacayaan liiska debeda la dhigay.
Sidoo kale qaar ka mid ah Bulshada ayaa durba ku dooday in isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo sameeyey ay xilkooda ku waayeen laba ka mid ah sadexda  wasiir ee gobolka sanaag kaga jiray xukuumaddiisa, kuwaas oo kala ah Marwo  Ilhaan Maxamed Jaamac  oo ahayd Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi, kuwaas madaxweyne Siilaanyo daaqada ka saaray, isagoo   aan bedelkoodii la samayn. Sidaana ay ku waayaan bulshada gobolka Sanaag laba ka mid ah sadexdii  wasiir ee ay ku lahaayeen xukuumadda oo marka horeba bulshada gobolka Sanaag saluug badani ka muuqday.  Laakiin isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista ayaa la filayaa inaanay intaas ku ekaan, balse waxa jira tibaaxo sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo soo wado isku shaandhayn kale  oo galaafata masuuliyiin kale sida wasiiro, wasiiro xigeeno, agaasimayaal  iyo saraakiil kale. 

Dhinaca kale dad baddan ayaa su’aalo iska weydiiyay Masuuliyiinta la magcaabay qaarkood oo ay ku adkaatay inay aqoonsadaan kuwa ay yihiin, ama meelaha ay ka shaqayn jireen marka laga reebo dhawr masuul oo ay dadka intooda badani garanay, kuwaas oo aan ku cusbayn saaxada siyaasada iyo fagaarayaasha.   Waxayna masuuliyiinta xilalka Madaxweyne  Siilanyo u magcaabay  ee cusubi  iyo meelaha ay ka yimaadeen yihiin sida;;- Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye xigeenkii Koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
Axmed Cabdi Xaabsade oo Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Muj. Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe),  oo ahaa saraakiisha Akademiga Nabada.  Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta.
Cali Siciid Raygal oo  ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland.    Waxa loo magacaabayWasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka, iyadoo Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Xubin sharafeed Golaha Guurtida, horena u ahaa golihii Wakiiladda ee Hore loo magcaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada.
Cabdilaahi Abokor Cismaan  oo ahaa Xoghayaha gudida Qandaraasyada qaranka, ayaa  (Xil Cusub) loo magacaabay, isagoo noqday  Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha  Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) Qurbajoogii KULMIYE, Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
Mawliid Maxamuud   Ibraahim (Ina Maxamuud karaani) oo Hay’addaha Caalamiga ah la shaqaynjiray, isla markaana waqtigan ka mid ahaa saraakiisha Gudida  Qaranka Ee HIV AIDS, Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda ,   halka Nuux Sheekh Muuse Ducaale, wasiirkii Ganacsiga waqtigii Xukuumadda Daahir Rayaale  loo magacaabay, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha .
Sidoo  kale Maxamed Cumar Cabdilaahi oo ka tirsanaa maamulka  Edna Hospital  ayaa   loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaallaha.   Mudane Axmed Xuseen Oomane, Wasiirkii Kaluumaysiga Waqtigii Xukuumaddii Marxuum Cigaal iyo xiligii Daahir Rayaale. Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *