Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM ku majeertay horumarka ay gaadhay kuna tilmaamay horyaalka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland.

Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad balaadhan oo xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaladda Hargeysa, taas oo ujeedadeedu ahayd  inay  shirkadda TELESOM abaalmarino isugu jira  shahaado sharafyo iyo abaal-marino lacageedba ku gudoon siinayso shaqaalaheeda gobolada iyo degmooyinka dalka.
Xafladaasi waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka cusub
ee warfaafinta, culimo, salaadiin iyo masuuliyiinta shirkadda Telesom.
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sheegay in shaqaaluhu ay laf-dhabar u yihiin wax soo-saarka shaqadda isla markaana ay u qalmaan in la abaal-mariyo.

”TELESOM waa horyaalka shirkadaha is gaadhsiinta dalkana iyagaa maanta halka uu marayo soo gaadhsiiyey, sababtoo ah Soomaalidu waxay tidhaadaa ninka uu ILLAAHAY xoolo la damcay waxa uu siiyaa dadkeeda. waxaan ammaan balaadhan u soo jeedinayaa Shaqaalaha TELESOM oo runtii karti iyo dedaal muujiyey. Waxa kale oo aan ku faraxsan nahay shaqaalahan TELESOM ee halkan lagu abaal-marinayo shaqadii wacnayd ee ay ku mutaysteen,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.
Wasiirku wuxuu intaasi raaciyay, “Waxa kale waxaan iyana u hambalyenayaa aniga oo aad iyo aad ugu han w eyn Maamulka shirkadda ee gartay inay shaqaalahooda abaal-marin siiyaan.”
Madaxa shaqaalaha ee shirkadda TELESOM C/Qaadir Sahal oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka war-bixiyay shaqaalahan abaal marinta la siiyay waxaanu yidhi “Runtii shaqaalaha Shirkaddu waxay muujiyeen aqoon,karti iyo amaano, Albaabada shirkadda Telesom cid walba way u furan yihiin oo waxaanu nidhaahnaa yaanay cidina ku qadin Telesom, qofka aanu doonayno inuu Shirkadda Telesom ka mid noqdo waxaanu eegnaa kartidiisa, aqoontiisa, akhlaaqdiisa iyo hab dhaqankiisa, ugu yaraan Lix qof oo xafiiskayaga ah ayuu qofkaasi soo hor fadhiistaa, xitaa haddii uu qofkaasi Imtixaanka ku soo baxo, dabagal ayaanu ku sameeynaa si aanu u ogaano habka uu ula dhaqmo bulshada dhexdeeda.”
C/Qaadir Sahal oo ka hadlayay darajooyinka shaqaalahan la abaal-mariyay wuxuu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay shaqaalaha ugu badan ee aad arkaysaan inay yihiin kuwii ka yimid goballada kale ee aan Hargeysa ahayn. waxaan abaal-marino shahaadooyin ah iyo kuwo maaliyadeedba halkan ku gudoonsiin-doonaa shaqaalihii ugu sareeyey qiimayntii aanu samaynay. Shaqaalaha abaal-marinta la gudoon siiyay waxay kala leeyihiin darajooyin kala duwan.? shaqaalaha gobalka Hargeysa waa 16 qof, kuwa gobalada kale ka yimidna waa 19 qof. Shaqaalaha Hargeysa waxaan leeyahay waxaad abaal-marintiina ka eegan doontaan Accounnadii aad ku lahaydeen Salaama Bank Sabtid.”
Guddoomiye Ku xigeenka shirkadda TELESOM Maxamuud Xaaji Aadan (Xabeeb) oo madashaasi hadal kooban ka soo jeediyay wuxuu yidhi ?”Maamulka iyo Boodhka Shirkadda Telesom waxay ku dedaalaan inay shaqaaluhu helaan xaqooda. sababta aanu sidaa ugu yeelaynaa shaqaalaha waxay tahay inay dareemaan caddaalad, qofku waa inuu dareemaa inuu si cadaalad ah ku yimid ee aanu qabiil iyo eexasho kale toona ku iman.”
“Annagu ka shirkad ahaan waxaanu leenahay laba shaqaale oo midi waa dadweynaha midka kale oo mihiimada ugu weyn noo lihi waa shaqaalahayaga. waxaanu xafladan ugu tallo galay in Shirkadda Telesom tahay mid dhex-dhexaad ah oo caddaalad ah dadweynahana waxaanu leenahay shirkaddu waa shirkaddiinii,”ayuu yidhi Maxamuud Xaaji Aadan.
Guddoomiye Ku xigeenku wuxuu sheegay in xafladani ay tahay sanadkii sagaalaad ee ay abaal-marino gudoon siiyaan shaqaalahooda.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiirka Qorshaynta qaranka Md. Sacad Cali Shire, waxaanu ku bogaadiyay shirkadda TELESOM, waxaaanu abaal-marintan ku tilmaamay tallaabo abuuraysa dhiiri-gelin horleh oo shaqaalaha shirkadaasi.
Dr. Sacad Cali Shire, Waxa uu sheegay inay shirkadda Telesom tahay shirkadda bixisay cashuur buuran, waxaanu yidhi “Waxaan ka marag kacayaa in shirkadda Telesom ay bixisa cashuur Buuran.”
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Sh. Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siiro), Suldaan Axmed Nuur Samaalle iyo xubno kale kuwaasi kuwaasi oo ku ammaanay horumarka ayn shirkadda Telesom gaadhay. Waxa kale oo ay ku hambalyeeyeen hawl-wadeenadda shirkaddaasi ee la gudoon siiyay abaalmarinta ay ku mutaysteen qiimayn ka soo baxday shaqadoodii.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *