muuqaalka qaraxyada iyo weerarka Brlmanka1Mugadishu(Araweelo News Network)Xarunta Baarlamaanka Somalia ee magaalada Mogadishu ayaa la weeray saaka barqadii. Kadib markii qaraxyo isdaba joog ah ayaa ka hor la maqlayay, kuwaas oo

 

la rumaysanyahay in lala beegsaday dhismahaa.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in markii qaraxyadu dhaceen ka dib laga maqlayay gudaha dhismaha Baaralamaanka rasaas, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in kooxo hubaysan oo loo malaynayo in ay yihiin Al-shabaab gudaha u galeen dhismahaa.

Ugu yaraan sadex qarax ayaa ka dhacay dhismaha Baarlamaanka saaka barqadii, waxaana markaa ka dib gudaha u galay dhismahaa kooxda weerarka soo qaaday, kuwaas oo bilaabay tacshiirado rasaas ah, saraakiisha Booliska ayaa soo bandhigay 7 mayd oo ay sheegeen in ka mid ahaayeen kooxdii soo weerartay dhismaha oo ay xiligaa ku jireen ilaa 100 xildhibaan, waxa kale oo ay masuuliyiinta xukuumadda Somalia sheegtay in 4 ka mid ah saraakiisha ciidanka ee ilaalinayay dhismaha Baarlamaanka iyo dhawr askari ay ku dhinteen weerarkaa oo socday 5 saacadood waxay sheegeen in lasoo gebagebeeyay galabta oo ay faah faahin dheeraad ah ka bixin doonaan, balse masuuliyiinta u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in laga badbaadiyay xildhibaanada dhismaha xarunta Baarlamaanka ku jiray.
Hase yeeshee wararka kale ee ka imanaya xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in khasaaruhu intaa ka badanyahay, isla markaana ay ku dhowaad 40 qof oo ay ku jiraan 4 xildhibaano, saraakiil shaqaale iyo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarkaa oo ay sheegatay kooxda Al-shabaab.
Weerarka ayaa ahaa kii ugu khatarsanaa ee dhawrkii bilood ee u danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna muujiyay in xaalada amaanka muqdisho aanu ahayn mid laysku halaynkaro oo ay weerarada kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira in la badan 22,000 oo ciidamada AMISOM ah iyo kuwa xukuumadda ay awood u leeyihiin in ay weeraro sidan oo kale ah iyo kuwo ka khatarsanba qaadi karaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *