araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa soo afjaray murankii ka aloosnaa khilaafka ka dhashay xeer hoosaadka dhowaan wax laga bedelay, waxaana saaka kulan i aan caadi ahayn oo

ka dhacay xarunta golaha kaga dhawaaqay inuu aqbalay Gudoomiye Cirro.

 

Dedaal dhexdhexaadin ah oo ay ka wadeen dhinacyada khilaafku hadheeyay ee wakiiladda Odayaasha Guurtida aya saaka lagaga dhawaaqay in laysku raacay in labada qodob ee xeer hoosaadka muranka ka abuuray oo kala ah tirade lagu ridayo gudoomiyaha iyo gudoomiye xigeenada iyo qaabka maamuuska shirgudoonka laga dhigao sidii hore .

Oday Xaaji Cabdi Xuseen “C.waraabe” oo Fadhigaasi Hadal dheer ka soo Jeediyay ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada hoga Tusaaleeyay Xilka dal iyo dadba taabanaya ee ay u hayaan Somaliland, Waxa uu Xaaji Cabdi Xuseen Sheegay in Go’aanka ay Gudi ahaan Soo Saareen Cida ku Guulaysataa ay Noqonayso Cidii Tanaasul samaysa ee Qaraarkooda ajiibta.

 

Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada ka hor akhriyay Nuxurka Go’aanka ay ku soo afjareen Khilaafkii ka dhex taagnaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada kaas oo uu ku sheegay in Tirada lagu ridi karo Xubnaha Shirgudoonka oo ka Kooban Gudoomiyaha iyo labadiisa ku Xigeen ay ka dhigeen 42 Cod Midkiiba, Sidoo kale Waxa uu ku Cadeeyay Qaraarka dhex dhexaadineed inaan la keeni Karin Golaha Mooshin ku saabsan Xil ka qaadis lagu sameeyo Xubnaha Shirgudoonka Mudada ka hadhay Xilkooda,hadii aanay ka Hor Iman Xeer hoosaadkooda.

 

Soo jeedintaa waxay labada garabba ay aqbaleen go’aanka guurtida golaha wakiilada Somaliland, wuxuuna Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro Gaba Gabadii ku dhawaaqay in Golaha wakiiladu fasax Laba Bilood ah,kaas oo uu sheegay in uu Maanta u bilaabmay.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *