madaxweyne Silanyo iyo Xaaji cabdi1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qaabilay Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo labadiisa

 

gudoomiye Ku xigeen, ka dib markii lagu wada qancay go’aamadii Golaha Guurtidu ugu tallo galeen in lagu soo afjaro khilaafkii aqalka wakiiladda labada garab u kala qeybiyay.

kulanka qasriga1Kulankaasi ka dibna waxa ay dhinacyadii isku diidanaa Mooshinada ee u kala baxay labada garab iyo Xubno ka mid ah guurtida oo ay hogaaminayaan Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) iyo Gudoomiyaha Golaha WakiiladaMudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo Labada Gudoomiye ku xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf ay go’aankaasi ka dib Qasriga Madaxtooyada ku booqdeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland si ay ula socodsiiyaan go’aamadii iyo heshiiskii lagu soo afgaray khilaafkii u dhexeeyey ee ay isku hayeen labada garab ee Wakiiladu, taas oo ahayd sheekada ugu weyn ee todobaadyadii u danbeeyay lagu hayay saaxada siyaasada.

kulanka qasriga2Maxamed Silaanyo ayaa soo dhaweeyey go’aanka xalka loogu helay murankaa ee ay  la isla qaateen labada dhinac ee Xildhibaanadu, wuxuuna sheegay inuu ka madaxweyne ahaan soo dhawaynayo wax walba oo ay meel isla dhigeen Labada golle, ka madaxweyne ahaana uu marwalba diyaar u yahay wixii danta ummadda iyo ta Qarankuba ay ku jirto, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo uga mahadnaqay go’aanka qiimaha badan ee ay ku soo Afjareen golaha guurtidu hawshaasi.

kulanka3Qodobada ay Guurtida iyo wakiiladu isla qaateen ayaa waxay ahaayeen sadexdan qodob.
1.In Saddexda Gudoomiye la isugu keeno 42 Cod.
2.In iyaga oo shaqadooda gaba-maahee in aanay meesha iman wax mooshin ah oo lagu ridaayo sadexdooda midna.
3. In Goluhu fasax ahaado inta ka dhiman fasixii ay ku jireen ee la isla qaatay.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *