dhegoolayaasha1Dooxa(Araweelo News Network)Gudoomiye ku xigeenka iyo xogahayaha guud ee ururka Dhagoolayasha  Soomaliya ayaa manta dib ugu laabtay dalka kaddib markii ay ka qayb galeen shir Bulshada Dhagoolayaasha Islaamka

 

oo ka dhacay magaalada Dooxa  ee dalka Qadar.

Mas’uuliyiinta Dhagoolada Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay shirka ay ka qayb galeen“ waxaa shirka kaso qayb galay Dhagoolada islaamka in kabadan 53 dal. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay shirka dhagoolayaasha islaamka ee ku nool qaarada Yurub iyo Ameerika. Waxa lagaga dooday mowduucyo ay ka midyihiin waxbarashada, shaqada, xuquuqul insaanka iyo arrimo kale.” Ayuu yidhi Muuse Xasan oo ah xoghayaha guud ee ururka dhagoolayaasha Qaranka Soomaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu xusay in Xagga waxbarashadda la isku raacay in muhiim ay  tahay la dhiso adeegyo waxbarasho  oo u gaar ah Dhagoolada iyadoo wadan kasto oo Muslim ah laga doonayo in uu tix galin waxbarasho siiyo caruurta Dhagoolada sida ay u siiyaan caruurta wax maqla iyo in lala isticmaamlo luqada iyaga u gaarka ah.

Waxa kale oo uu xusay in shirkaa waxyaabihii lagu soo qaaday ay ka mid ahaayeen dhinaca shaqada  oo ah in la helo mu’asasaad u gaar ah Dhagoolada, taas oo ka caawinay sidii ay shaqo iyo tabar-bar  u heli lahaayeen, iyadoo loogu baaqay wadamada Islaamka in ay tix galiyaan sharuucda caalimiga iyo xuquul Insaanka.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *