maxkamadda ciidamada Baydhabo1Baydhabo(Araweelo News Network)Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa xukun dil ah ku riday sadex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolada Bay iyo bakool,  kuwaas

 

oo hadda ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya qeybtooda gobollada Bay iyo Bakool, Sheekh Xuseen Maxamed Mursal ayaa sheegay in raggan lagu helay iney siyaabo kala duwan dilal badheedh ah ugu geysteen askar kale iyo dad shacab ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sheekh Xuseen ayaa sheegay in qof walba oo dhibaato u geysta shacabka ay maxkamaddu marsiin doonto waajibkiisa, raggan dhamaantoodna lagu fulin doono toogasho.

Askarta la xukumay ayaa kala ah Dil-suge Jamaal Cali Maxamuud oo 21-jir ah, kaas oo gudoomiyaha maxakamaddu sheegay in lagu helay inuu dilay askari ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsanaan jiray.

Askarta la xukumay ayaa waxaa kaloo ka mid ah dil suge Yuusuf Isaaq Nuur oo 23-jir ah, kaas oo garsooraha kiiska qaadayay sheegay in lagu helay inuu dilay ka dibna ceel ku riday meydkiisa Marxuum Mustafe Xaaji Xasan oo ahaa askari ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsanaa.

Cali Aadan Isaaq oo 47-jir ah ayaa isna gudoomiyaha maxkamaddu sheegay in lagu helay inuu dilay marxuum Ibraahim Madoobe Aadan oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii xaafada Horseed ee magaalada Baydhabo.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *