Muqdisho(ANN)Wakiilo ka socda beesha Caalamka, gaar ahaan wadamada daneeya siyaasada dib u dhiska Somalia, ayaa galabta ka degey Magaalada Muqdisho, si ay goobjoog ugu noqdaan doorashada shirgudoonka Baarlamaanka Somalia iyo Madaxweyanaha ee

loo balamay beri 20 August 2012, taas oo ay ku egtahay mudadii dawlada uu hogaaminayo Madaxweyenaha waqtigiisu dhamaaday ee Sh. Shariif.
sida ay sheegeen qaar ka mid ah ergooyinka ku sugan magaalada Muqdisho, waxa xalay ilaa habeen hore muran iyo khilaaf ka taagnaa xubnaha liiska baarlamaanka oo loolan xooggan loogu jiray tan iyo markii la bilaabay kala xulustooda, taas oo sababtay inay hawshu istaagto oo la hakiyo markii ay dhinacyada masuuliyiinta Soomaalida iyo gudida hawsha gacanta ku haysaa is khilaafeen, balse wakiilada ka socday wadamada ay ka mid yihiin Talyaaniga Midawga Yurub, Britain, Norwey Denmark, Turkiga Ethiopia, Djibouti, Nairobi  iyo kuwo kale oo galabta gaadhay halkaa ayaa xal u helay murankii taagnaa, kuwaas oo ku amray hogaamiyayaasha Soomaalida inay hawsha u daayaan gudida loo saaray si maalinta Beri ah uu baarlamaanka somalia u fadhiisto, isla markaana u doorto Shirgudoon,  madaxweyene iyo raysal wasaare.
waxayna dadka la socda hawlaha ku waramayaan in tirada xildhinbaanada Baarlamaanka cusub intooda badan ay gudidu gudbiyeen hada, kuwaas oo tiradoodu gaadhay 240 xildhibaan in ka badan, isla markaana caawa loo qaybinayo kaadhadhka aqoonsiga si ay subaxnimada u yeeshaan fadhiga u horeeya oo ay u bilaabaan hawshooda, iyadoo dhinaca kalena amaanka goobta fadhigu ka dhacayo ee dhismaha baarlamaanka si weyn loo adkeeyay oo ciidamo dheeraad ah la geeyay. xildhibaaanada cusub ilaa hada tirada la hayo kama muuqdaan doorkii loo qorsheeyay haweenka. sidoo kale tirada wadaadada iyo hogaamiye kooxeedyadii muqdisho ayaa  ayaa ku yar xubnaha la gudbiyay, kuwaas oo ahaa kuwa muranka ugu weyni ka taagnaa.
Dhinaca sida ay wararku sheegayaan waxa si weyn loo dareemayaa magaaalada Muqdisho oo maanta ahayd maalinta Ciida Fidriga dhaqdhaaqa siyaasadeed iyo loolanka loogu jiro madaxweynaha iyo  raysal wasaaraha, iyadoo aan ilaa hada la cadayn musharixiinta u tartamaya xilalkaasi cida ay u gudbinayaan waraaqohooda, taas oo xaalada u muujisay mid aan la fahmi karin, isla markaana walaac ku beertay qaar badan oo damac ka hayay inay u tartamaan hogaanka sare.
sidoo kale waxa aan ka madhanayn loolanka dawladaha kow iyo labaatankii sanadood ee Somalia burbursanyd gamcaha kula jiray siyaasada Somalia, kuwaas oo mid waliba qorshayaasheeda iyo ajandeheedu u qarsoonyiihin, balse doonaya inay helaan hogaankii u fulin lahaa. waxayna arrimaha ka socda Somalia noqdeen kuwo indhaha caalamka iyo bulshada Soomaalida soo jiitay, balse way adagtahay in la saadaaliyo sida ay wax u dhacayaan iyo rajada ay bulshada Soomaalida ee dagaalada iyo macaluushu aafaysay ay wax uga bedelayaan Baarlamaanka cusub ee la doortay iyo madaxa ay beri dooranayaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *