Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka salaadii ciidul fidriga kala qaybgalay kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa Masjidul jaamaca weyn ee magaaladda Hargeysa, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay

 

ilaashadaan nabadgelyada.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sidoo kale
fariin  uu xalay munaasibada ciida ugu gudbiyay Bulshada kaga hadlay dhawr arrimood oo la xidhiidha arrimaha garsoorka, dawladaha hoose oo uu ku amray  Wasiirka Arrimaha gudaha  inuu kasoo saaro digreeto uu ku xadidayo isticmaalka awoodaha maaliyadeed ee dawlada Hoose ee dalka mudada ay ku jiraan xiligan kala guurka ah si aanay ugu tagri falin hantida qaranka.

sidoo kale Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu hadlay toosinta cadaaladda, nabadeynta gobolada bari, wada hadalada Soomaaliya iyo dastuurka cusub ee dalkaasi ee dhawaan lagu ansixiyay magaalada Muqdisho, waxaanu sidaasi ku sheegay fariin uu bulshada u mariyay  xalay Telefishanka qaranka.

wuxuuna isagoo ka hadlaya Goleyaasha deegaanka ah ee muddo dhaafay iyo qorshaha xukuumadiisu ka qaadatay mudada ay ku jiraan dawladaha hoose xiligan kala guurka ah, waxa uu yidhi “Waxa hubaal ah oo dhegahayga ku soo batay cabashada dadweynaha ee goleyaasha deegaanka dalka aanay wax badan ka qaban horumarkii loo baahnaa ee dhinacyada jidadka magaalooyinka, bilicda iyo khashinka. Waxa hubaal in adeegyadii bulshadu ka sugaysay dawladaha hoose dayac badani ka muuqdo, inkasta oo ay dawladaha Hoose qaar ka mid ahi ay la yimaadeen dedaal, wax bandanna qabteen bulshaduna u markhaati tahay oo ay taariikhdu qori doonto midba meesha uu ka galo. Waxaan leeyahay cimrigiina ceeb ha ku sagootiyina oo dedaalla mudada idiin hadhay.”

“Waxaan leeyahay Goleyaasha deegaanka Doorashaduna ha idiin timaado idinka oo shaqeynaya. Anigoo tixgelinaya duruufaha iyo wakhtiga kala guurka ah, waxaan farayaa Wasiirka Daakhiliga inuu soo saaro qoraal uu ku xadidayo awoodaha isticmaalka maaliyadda. Si aanay u dhicin in qofna uu ku galo olale u khaas ah si aan loo jabin qorshaha horumarinta Maaliyadda ee sanadkan 2012-ka kaasi oo la doonayo in dawladaha hoose loo adeegsado horumar 50%,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay Goleyaasha deegaanka in la dhiso waddooyinka halbowlaha u ah ee mara magaalooyinka dhexdooda iyagoo la kaashanaya dawladda dhexe. Waxa kale oo uu u soo jeediyay inay wax ka qabtaan nadaafada magaalooyinka dalka, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada ah bulshada ugu fadhido ilaalinta fayo-dhawrku.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay toosinta nidaamka cadaaladda iyo garsoorka, wuxuu balan qaaday inuu u guntanayo sidii loo toosin lahaa loona hagaajin lahaa Garsoorka dalka oo cabashooyinkiisa aan waxba iska bedelin tan iyo markii uu xilka la wareegay laba sanadood ka hor,  waxaanu isagoo ka hadlaya sida ay uga go’antahay in la helo garsoor iyo cadaalad loo simanyahay yidhi,  “Cadaaladdu waa udub dhexaadka nolasha, waa aasaaska jiritaanka dawladnimo. Waxaanay abuurtaa kalsoonida iyo isku xidhnaanta maamulka dawladda iyo bulshadda.Hadaba si loo helo cadaalad darteed, ayaa dastuurka dalku qeexay madax-banaanida garsoorka. Waxaanu u maamuusay bahda garsoorka iyo cadaaladda. Anigoo arrintaasi ka shiidaal qaadanaya isla markaana fulinayana balan qaadkayagii xiligii doorashadda waxaan isku dayay inaan isbedel ku sameeyo garsoorka iyo cadaaladda. Waxaanu is bedelay ku samaynay dhammaan intii awoodu ii saamaxaysay sida maxkamadda sare, Xeer-ilaalinta guud iyo Gudida cadaalladda. Waxa isbedelay lagu sameeyay Maxkamadaha racfaanka ee goboladda dalka.”

Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray “Waxa abuuray Ha’yada xuquuqul insaanka anigoo og inaan cabashadu dhammaanaynin oo cida garta kiiska laga helaa uu cabanayo. Waxaan dareensan nahay in galdaloolooyin xoog lihi ka jiraan Garsoorka dalka oo aanay cabashadii bulshaduna wali is dhimin. Sidaasi darteed, anigoo doonaya madax-banaanida garsoorka waxaan leeyahay dedaalkiina iyo dedaalkayaguba waa hal bacaad lagu lisay. Haddii aanu garsoorku horumar samaynin oo aanay danyartuna cadaalad helin.”

“Waxa igu waajib ah inaan qaato tallaabooyin aan ku saxaayo, kuna horumarinayo cadaaladda iyo Garsoorka, kana daali maayo tilmaanta iyo toosinta intaan ka xaqiijinayo himiladii bulshadu igu dooratay. Ummaddana waxaan leeyahay hantidiina ha ku bixinina cadaalad darro iyo laaluush aad ku burburisaan nidaanka garsoorka, waxaan leeyahay cadaaladda ayaa ah dantiina,”ayuu yidhi Madaxweynuhu,

Waxaanu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cidii lagu qabto iyadoo jidka toosan ka leexinaysa garsoorka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan idiinku balan qaadayaa cidii lagu qabto leexinta cadaaladda iyo burburinta garsoorka inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo oo aanay naxariis naga heli doonin. Waxaan idiin balan qaadayaa inaan is barbar taago cadaaladda. Waxaan bahda garsoorka kula dardaarmayaa inay dhisaan Garsoorka oo ay dadka ku dhaqaan cadaaladda, dareenkoodana u soo jeediyaan cabashada bulshadda.”


Madaxweyne Siilaanyo, waxa kaloo uu ka hadlay arrimaha Buuhoodle iyo qaybo ka mid ah deegaanka Sool ee tabashooyinku ka jiraan, balse hadalkiisa kuma soo qaadin Afar dhalinyaro caruur Arday ah oo maalmihii lasoo dhaafay lagu afduubay deegaankaa, kuwaas oo lagu haysto Buuhoodle, wuxuuna  arrimaha nabadgelyada ee ku waajahan deegaanadaa yidhi, “Nabad-gelyaddu waa wada tashiga, waana tiirarka ugu waaweyn ee ay ku dhisan tahay qaranimadda Somaliland. Culays kasta oo la soo gudboonaadda Somaliland waxay kaga gudubtaa wada tashiga xukuumadda, Goleyaasha, axsaabta siyaasadda, madax-dhaqameedyada iyo aqoon yahanka bulshadda.waxaan ILAAHAY uga mahad celinayaa nabad-gelyada aynu haysano. Waxaanan ku faraxsan nahay inaynu helay dad ajiibay baaqii iyo gogoshii nabadda ee aan mudada dheer ku cel-celinayay oo ay garwaaqsadeen in wada hadalku ka wanaagsan yahay xabadda iyo dagaalka. Waxaan aaminsan nahay inaanay xabadi xal keeni Karin.”

“Walaalayaal, dalku guuri maayo, dadka gayiga ku noolina waa dad walaalo ah oo aan marnaba kala maarmi Karin. Dalka Somaliland waa dal haddii laga shaqaysto wuu inagu filan yahay. Waa in wixii la isku maan-dhaafana wada hadal iyo isku tanaasul ayaa inoo ah dan qaran oo aynu ku soo caano-maalay. Waxaan bulshada Somaliland ku bogaadinayaa kaalintii ay ka soo qaateen nabad-gelyadda. Waxaanan u soo jeedinayaa is dhawra oo is kaashadda.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland, wuxuu sharaxaad kooban ka bixiyay wadahadaladii dawlada Somalia iyo waxa uga qorshaysan dawlada cusub ee la filayo in lagaga dhawaaqo saacadaha soo socda Somalia iyo mawqifka xukuumaddiisa ee Dastuurka loo sameeyay Somalia ee muranku ka taagnaa,  wuxuuna yidhi, Siilaanyo waxa uu sheegay inay wada hadalkii ay la lahaayeen Soomaaliya ay ka dhursugayaan dawladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya oo ay la sii ambo-qaadi doonaan wada hadaladii hore ugu bilowday dawladda TFG-da ee wakhtigeedu dhammaaday, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Soomaaliya waxa noo socday wada hadalo. Maadaama oo dawladii hore wakhtigii ka dhammaaday waxaanu sugaynaa inta ay wax cusub ka dhisanayaan. ILAAHAY-na waxaanu uga rajaynaynaa inay inuu xasilooni iyo is afgarad siiyo.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaanay Somaliland aqbalayn dastuurka Soomaaliya oo sheeganaya Somaliland,waxaanu yidhi “Waxaanu Somaliland ahaan mowqifkayaga ku cadaynaynaa inaanaan ogolayn dastuurka ay samaysteen Soomaaliya oo aanaan marnaba aqbalayn inay sheegtaan dalkayaga iyo dadkayaga. Waxaanu shalay ahayn laba dal oo isu yimid, maantana waxay shacbiga Somaliland samaysteen dawlad madax-banaan oo ku timid rabitaanka Bulshadda, waxay ummaddani ugu codaysay 97% dastuurka dalkayaga. Waxaanay samaysteen dawlad iyo goleyaal ku yimid codka dadweynaha.”

Madaxweynuhu wuxuu ku dooday inay Somaliland buuxisay shuruudihii qaranimo ee looga baahnaa, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay inay u tixgeliyaan rabitaanka ummadda, wuxuuna sheegay in cidkasta oo Somaliland u dhalata oo la timaada wax ka duwan mawqifka qarananimadeeda ay u aqoonsan yihiin denbiilayaal oo sharciga la horgeyn doono.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *