Muqdisho(ANN)Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Sheekh Shariif, ayaa cafis u fidiyay in ka badan 200 oo maxaabiista Al-shabaab ah oo isugu jira Soomaali iyo dad ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay dagaaladii u dhexeeyay ciidamada huwanta ah ee

dawlada ku meelgaadhka ahayd iyo ciidamada shisheeye ee ka barbar dagaalama.
sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somalia, waxa Maxaabiista cafiska loo fidiyay oo tiradoodu ahayd 219, waxa ku jira 7 qof oo u dhashay Jasiirada Zinsibaar iyo 8 dumar ah, kuwaas oo Madaxweynaha Somalia ee xiligiisu dhamaaday uga faa’idaystay munaasibada Ciida Fidriga, waxayna  ku jiray xabsiyada Magaalada Muqdisho. maxaabiistaa ayaa loo sheegay inaanay dib uga laaban ka mid ahaanshihii kooxda Al-shabaab

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *