AlshabaabMombasa(Araweelo News Network) Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar cusub oo ay xalay ka dhacay degaannada xeebta Lamu ee dalka Kenya, kaas oo ay ku dhinteen

 

ilaa 20 qof, isla markaana daba socday weerarkii khasaaraha badan dhalliyey ee habeenkii Isniinta lagu qaaday magaalada Mpeketoni ee dalka Kenya oo lagu khaarajiyey in ka badan 65 qof, gaadiid iyo xarumo dawladdu leedahay iyo Huteelona lagu gubay.

Hase yeeshee Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa daboolka ka qaaday in aanay Al-shabaab ka dambayn weerarkii khatarta ahaa ee lagu dilay in ka badan 65 qof degaanka xeebta ah ee Lamu, isagoo xusay in hawlgalkaas xasuuqa ay ka fuliyeen dad reer Kenya ah oo siyaasad isku xidhan dabada ka riixayso.

Dagaalyahannada Al-shabaab, ayaa sheegtay masuuliyada hawlgal laga fuliyey degaanka Mpeketoni oo ku yaal xeebta dalka Kenya maalintii Isniinta, laguna dilay ugu yaraan 65 qof, kadib markii ay weerar qorshaysan ku qaadeen saldhig boolis, meherado kala duwan iyo goobo lagu daawanayey tartanka kubadda cagta adduunka ee ka socda waddanka Brazil, iyadoo mar kalena weerar ugu yaraan 20 qof ku dhintay lagu qaaday isla degaankaas.

Balse madaxweyne Uhuru Kenyatta oo hadal u jeediyey dadweynaha Kenya maanta, waxa uu meesha ka saaray in ururka Al-shabaab fuliyey weerarka khasaaraha badan sababay, kaasoo uu xusay in dadka siyaasad ahaan isku xidhan oo ujeeddooyin kale leh ka dambeeyaan weerarkaas.

“Weerarka lagu qaaday degaanka xeebta ah ee Lamu waxa uu ahaa mid si fiican loo qorsheeyey, loona habeeyey, isla markaana yahay mid siyaasad dabada ku haya oo loogu tallogalay in lagu huriyo colaado dhexmara qoomiyadaha dalka Kenya. Hawlgalkaasina maaha mid ururka Al-shabaab fuliyey, caddaymaha aannu hayno waxay muujinayaan in cid gudaha ah oo siyaasad ahaan isku xidhan ku lugleeyihiin qorshaynta iyo xasuuqa loo gaystay dadka Kenya, waxa kaloo arrintaas ku lug leh dad isku xidhan oo dhuuni-raac ah iyo kooxo dambiilayaal ah,” ayuu yidhi madaxweynaha Kenya.

Waxa kaloo madaxweyne Uhuru Kenyatta caddeeyey in shaqada laga hakiyey saraakiil boolis ah oo ku fashilmay inay ka hortagaan weerarkaas, kuwaas oo uu xusay in si degdeg ah sharciga loo horgayn doono, maxkamadna loo saari doono.

Hase yeeshee Hadalka madaxweynaha Kenya ku sheegay in aanay Al-shabaab ku luglahayn weerarka ka dhacay degaannada xeebta ee dalkiisa, ayaa dood ka dhex abuurtay bulshada, iyadoo dadka qaar sheegeen in ujeeddada madaxweynuhu tahay sidii uu isaga moosi lahaa eedo iyo dhalliilo loogu jeediyo in dawladiisu ku fashilan tahay ka hortaga weerarada Al-shabaab iyo ilaalinta muwaadiniinta Kenya. Halka dad kalena aaminsan yihiin in madaxweynuhu arrintan uga danleeyahay inuu kaga hortago cambaaraynta xisbiyada mucaaridka Kenya u jeediyaan oo ku qotonta in dawladiisu noqotay mid daciif ah oo aan lagu halayn karin ammaanka dalka iyo dadweynaha Kenya.

Weerarada iyo qaraxyada Al-shabaab ka fuliyo gudaha dalka Kenya, ayaa sababay in amniga iyo xasiloonida dalkaas aad hoos ugu dhaco, dhaqaale  iyo siyaasad ahaana dhaawac weyn soo gaadho, iyadoo dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska iyo wadamo kale oo dunida ahba muwaadiniintooda ugu baaqeen in aanay u safrin Kenya, gaar ahaan deegaamada dhinaca Xeebta Mombasa iyo kuwa ku dhow ee weeraradu ka dhaceen labadii habeen ee u danbeeyay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *