Hargeysa(ANN)Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Augustina Mahiga, ayaa sheegay in ay Somaliland u qalanto in la citiraafo, taas oo uu sabab uga dhigay dumuqraadiyadda  curdin ah ee ka hanqaaday Somaliland oo uu sheegay inay tusaale

 

fiican u noqonayso dawladaha Afrika.
Dr. Mahiga  oo ah wakiilka Qaramada  u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyay shir lagaga hadlayay sidii ay qaramada midoobay iyo dalalka deeqaha bixiyaa Somaliland uga taageeri  lahaayeen adkaynta nabadgelyada , la dagaalanka budhcadbadeeda iyo argagixisada  oo muddo laba maalmood ah ka socday Hoteelka Ambassador ee magaalada Hargaysa, kaas oo lasoo gebagebeeyay galabta.
Ambassador Mahiga waxa uu qiray inuu Somaliland ka jiro nidaamka xisbiyada badan oo astaan u ah dimuqraadiyadda, Somaliland-na ay tahay dalka keliya ee afrikaan ah ee uu xisbi si nabad geliyo ah xilka ugu wareejiyay xisbi kale, sidaa darteedna ay Somaliland u qalanto in la citiraafo,  isla markaana laga taageero dhinacyada amaanka iyo dimuqraadiyda, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Somaliland waxaa ka jira nidaamka xisbiyada badan, Somaliland kama jiro kelidii taliye ama digtaytor, Somaliland waxaa ka jirta dawlad uu xisbi xisbi kale si nabad geliyo ah ugu wareejiyay xilka iyada oo aanu wax dagaal ahi dhicin, Somaliland waxay tusaale fiican u tahay dalalka Afrika, sidaas darteed Somaliland waxay u qalantaa in la citiraafo, waxaan rejaynayaa arrintaa citiraafkuna in ay iman doonto wakhtigeeda, Somaliland waxay u qalantaa in la taageero, oo laga taageero dhinacyada dimuqraadiyada iyo amaanka.”
Dr. Augustine Mahiga waxa uu sheegay in dalal badan oo afrika ah ay ka jiraan dawlo rayid ah iyo kuwo leh nidaamka xisbiyada badan, hadana marka ay doorasho dhacdo ka dib ay dhacaan dagaalo, isaga oo xusay in arrintaasi ay tahay dhibaato weli ka jirta dalalka afrika wuxuuna  yidhi,  “Imika waxaynu haysanaa oo afrika ka jira dawlado badan oo leh xisbiyo badan, laakiin marka ay doorasho dhacdo ka dib waxaa dhaca murano iyo dagaalo dhimasho sababa, taasina waa dhibaato weli ka jirta dalal badan oo afrika ah.”
“Amaanka Somaliland wuxuu qayb ka yahay amaanka aduunka, Somaliland waxa ku yaala goobo istaraatiji ah oo ka istaraatijisan meelo kale oo badan oo aduunka kale ku yaala, markaa waxaynu odhan karnaa Somaliland waxay haysaa amaanka dadka aduunka oo dhan, nabad gelyada iyo deganaanshaha geeska afrika waxaa wada leh aduunka oo dhan, sidaa  darteed waxaa waajib ah in la taageero Somaliland si ay u noqoto mid damaanad qaada nabad geliyada gacanka iyo ta geeska Afrikaba, taasina waa sababata aanu halkan shirka ugu qabanay si aanu Somaliland ugu raadino taageero caalami ah, si nabadgeliyada iyo deganaanshaha Somaliland uu u noqdo mid taam ah oo haga amaanka geeska afrika.” Ayuu yidhi wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia.
Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya waxa kale oo uu sheegay in dawlada Somaliland ay tahay mid ku timid rabitaanka shacabkeeda, isagoo  yidhi,  “Somaliland waxay haysataa dawlad maamul wanaagsan, waayo waxaa doortay dadwaynaha, waa dawlad ay dadwaynuhu la xisaabtami karaan, waa dawlad dadwaynaha metelaysa, waa dawlad taasi oo si nabad geliyo ah ku bedeshay dawlad kale, waxaynu aragnaa wejiyada kala duwan ee ay dawladu leedahay ee maanta (shalay) halkan fadhiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidamadii, bulshadii rayidka ahayd iyo qaybihii kale ee ay dawladu ka koobnayd oo wada fadhiya kana wada hadlaya amaankii, marka laga hadlayo amaanka taasi waxay ka mid tahay calaamadaha lagu garto dawlada wanaagsan.”
Dr. Mahinga oo sharaxaaad ka bixinaya  arrimaha amaanka iyo nidaamka dawliga ah ee wanaagsan wuxuu yidhi,  “Waxaan idiin sheegayaa mid ka mid ah amaanka oo had iyo jeer indhaha laga laliyo taas oo ah dawlad wanaaga, oo waa in dawlad maamul wanaagsan la samaysto waxaanay ka mid tahay nabad geliyada, dawlada wanaagsani waa dawlada ay dadkeedu doorteen, dawlada wanaagsani waa mid ka timid dadwaynaha, dawlada wanaagsani waa ta aan dadkeeda kala saarin, dawlada wanaagsani ma aha oo keliya ta ilaalisa nabad geliyada dadkeeda, dawlada wanaagsani waxay qayb ka tahay amaanka.” Ayuu yidhi Ambassador Mahinga  oo booqasho gaaban ku yimi Somaliland, wuxuuna kulan saacado qaatay maanta qasriga madaxtooyada Somaliland kula yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, kulankaa kadibna  wuxuu Dr. Mahinga  soo xidhay kulan mihiim ah oo lagaga hadlayay sidii loo tayayn lahaa Amaanka Somaliland iyo Hay’addaha amniga, kaas oo  ka socday  mudo laba maalmood ah  Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *