Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qarammadda Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahiga oo socdaal qaatay muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland.Kulankaa oo ahaa mid aanay

saxaafadu goob joog ka ahayn waxyaabaha ay labada dhiinac ee Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay  kaga wadahadleen, balse Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland  oo kulankaa ka dib sharaxaad kooban ka bixiyay ayaa yidhi,  “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wakiilka Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augustina Mahinga waxay ka wada hadleen dhawr qodob. Qodobka hore wuxuu ku saabsanaa shirkan labada maalmood ah ee ka socday magaalada Hargeysa ee lagu dardar gelinayo laguna xoojinayo Hay’addaha dhinaca ammaanka ee Beesha caalamkuna khubarada u soo direen inay gacan ka geystaan qodobka hore ee kulanka madaxweynaha iyo wakiilka qaramada midoobay ka wada hadleen kaas ayuu ahaa.”
“Mr. Mahinga waxa uu ka waramay sida ay beesha caalamku u taageersan tahay nabadgelyada ka jirta Somaliland waxaanu sheegay inay qaramada midoobay gacan weyn ka geysan doonto sidii ay ula shaqayn lahayd Somaliland ee loo sii adkayn lahaa nabadgelyada iyo Hay’addaha nabadgelyada qaabilsan,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Dr. Maxamed Cabdillaahi wuxuu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland uga waramay Wakiilka  Qaramada Midoobay qorshihii shan sanadoodlaha ahaa ee xukuumaddu samaysay waxaanu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu uga waramay wakiilka qarrammadda midoobay qorshaha shan sanadoodlaha ah ee ay xukuumadda Somaliland ay dhigatay gaar ahaan wuxuu tafaasiil ka siiyay qorshaha xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso adeegyadda bulshada iyo Hay’addaha amnigaba.”
Kulankaa waxa  goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *