Nairobi(ANN)Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya Dr Agustine Mahiga, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika  ee kasoo baxa Hargeysa yaa sheegay inay dhiirigelinayaan isla markaana uu rajeynayo

dhowaan inay dib-u-bilaabmaan wada-xaajoodkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Dr, Mahiga, ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay inaan Somaliland ka codsan ka taageerida doorashooyinka, balse, haddii codsi uga yimaado ay dersi doonaan wakhtigeeda.

Dr, Mahiga, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya shalay wareysi gaar ah uu la yeeshay weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan bahda Geeska Afrika,waxa kale oo uu sheegay inuu aaminsanyahay inaanay magacaabida marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan waxba u dhimi doonin wada hadalkii labada dal u socday. Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay dajire Mahiga, wuxuu u dhacay sidan:

Sidaad u aragtaa wax-qabadka xukuumada kooban ee dhowaan Raysal-wasaare Saacid magacaabay, marka loo eego, diidmo beelo badani ka muujiyeen?

Runtii, waa xukuumad kooban, aqoontooduna sareyso, isla markaana aanu dhaqaale badani ku bixi doonin. Waxaan filayaa inay markii koowaad tahay qaarada Afrika ee xukuumad sidan u kooban laga dhiso. Marka loo eego, waxqabadka dhabtii, xukuumad kooban ayaa ku haboon, welina magacaabida wasiir-xigeeno iyo aqaasimeyaal ayaa la filayaa.

Ma filaysaa in magacaabida Foosiya X. Adan, caqabad ku keento wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya?

Runtii, taasi waxay ku xidhan tahay labada dhinac, waxaanan rajeynayaa in wada xaajoodku sida ugu dhakhsaha badan u bilaabmo. Waa u dan labada dhinac in wada hadaladu dib u bilaabmaan. Qaramada Midoobay way dhiirigelinaysaa dib u bilowga wada xaajoodkaa, keliya ma dhiirigelinayso, balse, waxaan diyaar u nahay inaan caawino oo fududeyno, sidii wada xaajoodkaasi dib ugu bilaabmi lahaa.

Ka helitaanka Somaliland beesha Caalamka gargaar dhaqaale, waajibaadkaaga ayey ku jirtaa, taasoo aan si weyn looga dareemin halkan, maxaad ka odhan lahayd? Maxaadse ka qabatay qorshaha horumarineed ee Somaliland?

Taasi, waa sababta aan wefdi balaadhan oo Qaramada Midoobay iyo xafiiskayga ugu soo diray Somaliland, si ay u soo qiimeeyaan in hawlaha aanu wadno ula jaanqaadaan qorshaha horumarineed ee Somaliland iyo sida Qaramada Midoobay u kordhin lahayd doorkooda weyn ee kobcinta xasiloonnida iyo qaab nololeedka shacabka Somaliland, hawshaa waan sii wadi doonaa, iyadoo aan ku koobnayn sanduuqa gargaarka Qaramada Midoobay, balse dhiirigelino sidii loo gaadhi lahaa qorshaha hiigsiga horumarinta Somaliland.

Miyaanay, mashaariicda Qaramada Midoobay ku jirin kuwo taageerida doorashooyinka, maadama, caqabad ka taagan tahay helitaanka kharashkii wakiilada ururada/xisbiyada doorashooyinka Deegaanka gelaya?

Maya, ma jirto wax taageero dhinacaa ku saabsan oo nala weydiistay.

Haddii codsigaa la idiin soo jeediyo, maxaad odhan lahayd?

Dhabtii, waxay ku xidhnaan doontaa sida loo arko codsigaa, laakiin, annigu ma sii saadaalinayo in wakhtigan nala weydiisto.

Hore, waxaad u taageertay magacaabida Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ma filaysaa inay taasi kuu geliso fikir xun shacabka reer Somaliland, maadama, halkan, looga arko qof khiyaamo qaran galay?

Taa jawaab kama bixin karo, (Qosol), keliya waxaan ogahay inay tahay shaqsi karti leh, laakiin, dhinaca siyaasada marka laga eego ma jecli inaan ka hadlo.

Source: Geeska Afrika

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *