Hargeysa(ANN)Shan xubnood oo ka mid ah murrashaxiinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID uga qaybgelayey tartanka doorashada golaha degaanka magaalada Burco, ayaa ku dhawaaqay  inay iska casileen xisbiga UCID.

sida ay sheegeen Murrashaxiinta iska casilay UCID, oo shir-jaraa oo ay shalay ku qabteen hudheelka Ramad ee magaalada Burco, kuwaas si wadahjir ah ugu  dhawaaqay  inay ka hadheen tartanka doorashada golaha degaanka ee Burco.

Xubnaha Murrashaxiinta xisbiga UCID ee doorashada deegaanka  ka hadhay, waxay magacyadooda iyo lambarradooda codayntu kala yihiin; Khadar Cali Cabdillaahi oo lambarka astaantiisu yahay 211, Cabdillaahi Aadan Abokor oo lambarkiisu ahaa 213, Cabdi Axmed Shide oo sitay lambar 219, Fadxiya Cumar Yuusuf oo lambarka astaanteedu yahay 205 iyo Suldaan Axmed Maxamed oo isna summadda codayntiisu ahayd 214, waxayna  ku macneeyeen sababaha keenay inay  is-casilaadooda  la xidhiidho maamul-xumo iyo wadashaqayn la’aan ay ku eedeeyeen maamulka xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer, sidaa darteedna markii tabashooyinkooda wax laga qaban waayey ay go’aansadeen inay gebi ahaanba bannaanka uga baxaan oo ka tanaasulaan musharaxnimadoodii xisbiga UCID ee golaha deegaanka Burco.

murrashaxiinta is-casilay waxay sheegeen in aanay jirin cid kula talisay inay xisbiga UCID ka baxaan oo ka tanaasulaan musharaxnimadooda, isla markaana aanay jirin  cid dabada ka riixsaysa ee ay  iyagu iskood u qaateen go,aankaa.
Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Masuuliyiinta Xisbiga UCUD dhaliilo kulul u jeedinayeen xukuumadda, iyagoo ku canbaaraynaya inay weerar ku hayso musharixiintooda, isla markaana aanay u sinayn tartanka Ururda, balse ay la safatay qaarkood, qaarna dagaal kula jirto.
Sidoo waxa mid ka mid ah Musharixiinta golaha deegaanka Ururka Rays uga sharaxnaa golaha deegaanka Hargeysa, kaas oo sheegay inuu iskii ugu tanaasulay musharax kale oo ka sharaxan xisbul xaakimka Kulmiye, balse masuuliyiinta Ururka Rays ayaa ku tilmaamay arrintaa mid xukuumaddu kula dagaalamayso dhaqaalle.
Dhinaca  kale hore ayay musharaxiin dhawr ahi isaga casileen Ururka UMMADA ee uu hogaamiyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,isagoo ku canbaareeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay musharixiinta Ururkiisa qaarkood xabsiga dhigeen, kuwo kale ay ku khasbeen inay is casliaan, iyadoo lagu bixiyay dhaqaale ay xukuumaddu ku bur-burinayso Ururkiisa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *