Hargeysa(ANN)Xisbiga taladda haya ee Kulmiye ayaa wejigabax kusoo khatimay wareegii Afaraad Ee Ololihiisa Doorashadda Golaha Deegaanka. kadib markii Fagaarayaasha magaalooyinka

 

Hargeysa, Ceergaabo laga dareeray,iyadoo wax yar ka dib  markii kumanaan qof oo isugu soo baxay fagaarayaasha ay musharaxiintu dhamaysteen hadaladooda ay suurtagal noqonweyday inay dadku sugaan khudbadaha kooxo masuuliyiinta xukuumadda ah iyo madaxda Kulmiye  oo doonayay inay halkaa ka jeediyaan khudbado.
Fagaaraha magaalada Hargeysa ee Beerta Xoriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan qof ayaa loo faaruqiyay masuuliyiinta xukuumadda oo ahaa raxan wasiiro ah madaxda Kulmiye kadib markii ay damceen inay ka sheekeeyaan guulo ay sheegeen inay xukuumaddu qabaty.

Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka soo qaybgalay maanta isu soo baxa fagaaraha beerta xoriyada Hargeysa waxa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo uu weheliyay Gudoomiye xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf iyo Marwadda Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirdde (Aamina-waris) oo kala qaybgashay maanta fagaaraha lagu soo khatimay Ololaha doorashada golaha deegaanka
Balse markii ay damceen inay masuuliyiinta xukuumadda iyo Kulmiye la hadlaan dadka ayaa laga dareeray, taas oo wejigabaxku noqotay masuuliyiinta Kulmiye iyo wasiiradda xukuumadda.

DSC02028
Dhinaca kale fagaaraha Beerta Xoriyada ee Ceergaabo ayaa sidan oo kale laga dareeray. kadib markii masuuliyiinta doonayay inay taageerayaasha Kulmiye kala qaybgalaan Ololaha lagu soo khatimayay wareegii afraad ee tartanta golayaasha deegaanka, iyadoo marka horeba gobolka sanaag ay liidatay taageerada loo hayo xisbiga Kulmiye oo gebi ahaanba ilaabay gobolkaa dhawr sanadood ka hor markii uu ku guulaystay talada dalka, iyadoo meesha ka saartay balanqaadyadii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo samaysay ololihii doorashada Madaxtooyadda.

u_82608d_2012-11-21-10-16-55f_k9DSC02028
Magaalooyinka Awdal iyo Burco ayaa ka duwanaa Hargeysa iyo Ceergaabo, iyadoo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo kumanaan qof saaka khudbad uga jeediyay magaaladaBurco.iyadoo ay taageerayaasha Burco si fiicxan u dhegeysteen qudbada gudoomiyaha Kulmiye oo aanay ka dareerin sida Hargeysa iyo Ceergaabo, balse waxa lagu tilmaamany in aanay  taa macneheedu ahayn inuu xisbiga Kulmiye taageero weyn ku haysto Togdheer sidii uu ahaa sanado ka hor markii uu mucaaradka ahaa.
sidoo kale madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici iyo xubno ka tirsan xukuumadda ayaa taageerayaasha Kulmiye ee Boorama kala qaybaglay maanta Ololaha wareega afraad, kuwaas oo labadii maalmood ee u danbeeyay abaabulayay inay muujiyaan taageeradaay u hayaan xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa oo aan traageero buuran ku haysan gobolkaa.

 

weriyayaasha shebekada araweelonews ee Hargeysa iyo Ceergaabo

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *