wakiilada1Hargeysa(Arrweelo News Network)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay horkeento heshiisyada ay gashay tan iyo markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegtay sadex sanadood

 

ka hor, iyadoo mudadaa sheegtay inay gashay heshiisyo aan weli la geyn golaha sharci dejinta.

qoraal saxaafadeed kasoo baxay kadib kulan dhawr maalmood qaatay oo golaha wakiiladda Somaliland ku yeesheen xaruntooda, kaas oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa lagu sheegay qodobada golaha wakiiladdu isla qaateen oo ay ugu mihiimsan yihiin gudahsha wajibaadka shaqo ee golaha iyo la horkeeno heshiishyada ay xukuumaddu gasho.

Qoraalka kasoo baxay golaha wakiiladda ayaa u qornaa sidan:-

“Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Golaha sharci dejinta 1aad, ahna golihii ugu horeeyey ee shacbigu soo doortay waxa uu yeeshay saddex fadhi oo xidhan maalimihii Axadda , Isniinta iyo salaasada ee ku taariikheysnaa  25 ilaa 27 August 2013.

 

Fadhiga xidhan  ee mudanayaasha dodo dhaadheer  ka yeesheen

 

1. Xaalada Guud ee amni iyo nabadgelyo ee Jamhuuriyadda Somaliland .

 

• Waxay u jeediyeen baaq nabad gelyo beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex  martay degmeda oog, waxay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday  , kuwii dhaawacmayna waxay eebbe uga baryeen inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

 

• Waxay kale oo ay shacbiga  Somaliland  ugu baaqeen inay ilaashadeen nabadgelyada, wada noolaashada iyo wadajirka geesna uga soo wada jeestaan cadawga Somaliland.

 

 

2. Arrimaha dhallinyarada , shaqo la,aanta iyo tahriibta.

 

• Waxa goluhu ugu baaqay dhallinyarada Somaliland inay dalkooda hooyo aaminaan

 

• Waxa Goluhu ugu baaqay xukuumadda , shirkadaha  iyo  ganacsatada waaweyna Inay sameeyaan mashaariic shaqo loogu abuurayo dhallinyarada

 

• Waxa Goluhu u soo jeediyey xukuumadda iyo shacbiba si adag loola dhagaalamo shabakadaha dembiilayaasha  ah eek u foogan ama ku hawlan tahriibinta dhallinyarada

 

• Waxa Goluhu isla qaatay inay qayb muhiim ah ka noqdaan wacyi gelinta dhallinyarada ee tahriibta.

 

 

3. Maadaama sidaan ka war qabno khasaare badan oo naf iyo malaba lihi ka dhasho dooxyada xili roobaad kasta  gaar ahaan dooxyada kuwa u dhaxeeya Hargeysa iyo Berebera, waxa goluhu ugu baaqay deeq bixiyayaasha iyo xukuumadda in loo qorsheeyo dhismo biirjyo (bridges).

 

 

4. Waxa Goluhu xukuumadda u soo jeediyey iyada oo fulinaysa ku dhaqanka dastuurka ay Golaha Wakiilada  u soo gudbiso heshiiyada ay gasho.

 

 

5. Isaga oo fulinaya wajibkiisa dastuuriga ah, waxa Goluhu soo jeediyey in la xoojiyo dab galka Xukuumada.

 

 

6. Maciishada iyo sicir bararka.

 

• Iyada oo heerka shaqo la,aanta shacbiga Somaliland aad u sareeyo, sanadihii ugu dambeeyeyna macashiidu kor u kacaysay sicir barar joogta ahina jiray, waxa Goluhu baaqa u jeediyey xukuumadda JSL inay qaado talaabooyin lagu xakameynayo sicir bararka iyo ascaarta ama qiimaha badeecadaha

 

• Sidoo kalena waxay ganacsatada JSL u soo jeediyeen inay u naxariistaan shacbiga Somaliland ee danyarta ah  ee maciishadu ku sii adkaaneyso.

 

 

7. Waxa kale oo mudanyaashu dood adag ka yeesheen

 

Wanaajinta iyo tayeynta maamulka Golaha.

 

 

• Xoojinta  Xil gudashada mudanyaasha   iyo ilaalinta saacadaha shaqada

 

• Dardar gelinta shaqada guddi hoosaayadda Golaha

 

• Dhamaystirka shuruucda qabyada ah ee Golaha taal

 

 

8. Mudanyaasha Goluhu waxay u soo jeediyeen ciidaanmka amaanka iyo hey,adda dawladda inay dhawraan dhawrsanaanta  iyo maamuuska dastuurku siiyey mudanyaasha baarlamaanka JSL .

 

Allaa Mahad Leh” ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *