Burco(Arraweelo News) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka hadlay hawlaha sahaminta shidaalka ee laga wado deegaamada gobolka Togdheer oo weli muran

ka taaganyahay, waxaanu tilmaamay in xukuumadu talaabo ka qaadi doonto cidii ka hor timaada sahaminta shidaalka.

 

Cali Maxamed Waran Cade oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan deegaanka ay ku socoto sahaminta shidaalku ay heli doonaan xuquuqdooda,  isla markaana ay tixgelinayaan wixii tabashooyina ee jira.

 

Isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi,  “labada hawlood midna imikaa la wadaa dadkii deegaanka ayaa ka shaqo galay, balooga labaadna in dhawaan la bilaabmo ayaa loo baahan yahay sida loo qaybiyay oo ahayd kolba qolada deegaanka meesha laga shaqaynayo in ay yeeshaan, markaa waxa muuqatay in labadii baloog ay is dhexgaleen oo dadkii sugayay balooga danbe ee sarfaygan hore uu imika soo galay, halkaana ay u qaateen iyaga oo shaqooyinkii wax laga siin, kii labaadna la bilaabayo arrintaa waan iska aragnay shirkadii dhinacan galbeed waday qoladii barigana waan u yeedhnay si markaa loo kala xadeeyo labada baloog oo aanay dadkii deegaanka isku qabsan labadii baloog oo la kala xadeeyo oo kala cadaadaan labada baloog oo marka deegaankii soo gaadho baanu wadnaa wixii khalada meesha ka saarno”.

 

Cali Maxamed Waran Cade waxa uu tilmaamay in xukuumadu ka masuul tahay khayraadka dalka nooc kasta oo uu yahayba, waxaanu yidhi,  “qarankaa ka masuula dalka haday khayraad yahay haduu xuduud yahay haduu cir yahay, haduu barri yahay, dhamaan masuuliyadu waxay ka saaran tahay dawlada”.

 

Wasiir Waran Cade waxa ku hanjabay  in aanay dhici doonin in la is-hortaago hawsha shidaal baadhista, wuxuuna  tilmaamay in haddii lagu guulaysto hawlaha sahaminta shiidaalka in dad badani ay shaqo ka heli doonaan, iyadoo ay dawladu ilaalinayso xuquuqda dadka muwaadiniinta ah.

 

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Ma dhici karto waad og tihiin oo dalkeena dhibaatada dhaqaale ee ka taagan dadka shidaalladu u soo baxeen halkay marayaan waa la og yahay, markaa dadka noloshooda ayaa laga shaqaynayaa cidna laga aqbali maayo nolosha in las hortaago, laakiin waxyaabaha tabashooyina ee laga gaabiyay waa la daryeelayaa, dadka dawladu way ilaalinaysaa cadaalada ayayna ilaalinaysaa, markaa in laga simo wixii awooda ee shirkaddu leedahay weeye, cidii ka hor timaada dawlada ayaa ka masuula talaabo adag ayaa laga qaadayaa” ayuu yidhi wasiir waran cade.

 

 

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *