Madaxweyne Obama Oo Dib Uga Gurtay Qorshihii Weerarka Suuriya Kadib Weji-gabax Uu La Kulamay Raysal Wasaaraha Britain Iyo Cabsi Ka Dhalatay Diyaargarawga Xulufada Kasoo HorjeedaWashington(Araweelo News Network) Madaxweynaha Dalka Maraykanka Brack Obama ayaa dib uga gurtay qorshihiisa weerar Milateri oo uu damacsanaa inuu ku qaado dalka Suuriya. Kadib

 

markii uu taageero ka waayay Raysal Waasaraha Britain Devid Camaroun oo aqalka Baarlamaanka Britain ku gacan saydheen weerar lagu qaado xukuumadda Bashaar Assad ee dalka Suuriya.

Obama oo ku indha adkaa inuu qaado weerar dhinaca cirka ah oo lagu naaafeeyo cududa xukuumadda dalka Suuriya ee Bashaar Asad ayaa maanta ku dhawaaqay inuu dib u dhigay weerarkaa, isagoo sabab uga dhigay inuu ogolaasho uga raadinayo aqalka Kongareeska.

Madaxweynaha Maraykanka Obama oo ka hadlayay banaanka hore ee Aqalka Cad ayaa sheegay in hawlgalka uu ahaan doono mid waqtigiisu kooban yahay, isla markaana looga hortagi doono weerar kiimiko oo hor leh. Waxa uu sheegay in hawlgalka uu bilaaban karo berri, ama toddobaadka soo socda ama bil kadib, laakiin ay diyaar yihiin ciidankiisa,  balse sida uu sheegay oggolaansho hawlgalka militeri ah uu ka raadin doono aqalka kongareeska, isagoo xusa inuu awood u leeyahay inuu qaado talaabadaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in eedeymaha Mareykanka ee ah in Suuriya ay isticmaashay hub kiimiko ah ay yihiin kuwo aan micno sameyneyn.

Mr Putin waxa uu sheegay in haddii ay Washington hasyo wax xaqiiqo ah ay caddeyso eedeymaha, isla markaana ay soo hor dhigto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Waddanka Mareykanka John Kerry uu sheegay in Mareykanku og yahay cidda qaaday, goobta uu ka dhacay iyo xilliga la qaaday weerarka la sheegay in loo isticmaalay hubka kiimikada ee dalka Suuriya. Mr Kerry waxa uu sheegay in ugu yaraan 1,429 Suuriyaan ah lagu dilay weerarkaas.

Dalka Faransiiska ayaa isagu sheegay inuu qorshaha weerarka Maraykanka ee ku wajahan Suuriya ku garab taaganyahay Maraykanka, balse Madaxweyne Obama ayaan u arka taageerada Faransiiska mid aan ahmiyad weyn u lahayn isaga, taas oo ay uga wacnaan lahayd in dawlada Britain ay garab istaagto. iyadoo  Baarlamaanka Britain diideen, isla markaana ku gacan saydheen weerarkaa oo ay ka hor istaageen Raysal Wasaaraha Britain in ay dal ahaan qayb ka noqdaan.

 

Dhinaca kale Dalalka Rashia iyo Iran oo ah xulufada dalka Suurya ee Xumuumadda Bashaar Asad ayaa ku hanjabay in aanay marnaba ogolaanayan weerar lagu qaado dalka Suuriya, iyadoo xukuumadda Bashaar Asad ku hanjabtay inay diyaar u tahay weerar kasta oo kaga yimaada Maraykanka iyo xulufadiisa, waxayna saaxiibada Suuriya dhinacooda ku doodeen in aanay arrintu ahayn rabitaanka Maraykanka oo mar marsiinyo u raadinaya weerar ka dhan ah Suuriya si ay awood u helaan mucaaradka Suuriya oo dagaal kula jiray xukuumadda Bashaar Asad mudo ka badan laba sandood, balse taageero kasta oo ay siiyaan Maraykanka iyo xulufadiisa iyo wadamada Khaliijku siiyaan awoodi waayeen in wax guul ah ka gaadhaan dagaalka la doonayo in xukunka lagaga tuuro Bashaar Asad.

Rashia iyo China oo ah wadamada xubnaha ka ah Golaha amaanka ee qaramada Midoobay codka fiitooda ku hor istaagayaan qaraar kasta oo ka dhan ah Suuriya, kaas oo ay u arkaan qorshe uu Maraykanku ku ilaalinayo danihiisa, waxayna ku doodeen in aanay Maraykanku hayn cadaymo muujinaya in dawlada Suuriya isticmaashay sunta Kiimikadda, taas oo ahayd waxa Maraykanka iyo saaxiibadiisa Britain iyo Faransiisku ku sababaynayeen weerar Milateri oo lagu qaado dalka Suuriya.

Koox khuburo ah oo ka socotay Qaramada Midoobay ayaa ka laabtay dalka Suuriya shalay kadib markii ay baadhitaan ku sameeyeen sidii cadaymo ku filan loogu heli lahaa adeegsiga suntaa,  taas oo la doonayo inay xaqiijiyaan in Suuriya hubka xanbaarsan sunta kiimikada ah u isticmaashay dadka shacabka ah, iyadoo dad ka badan 1400 qof oo u badan caruur iyo dumar la sheegay inay ku dhinteen weerarka sunta oo mucaaradka iyo xukuumadda Suuriya midba midka kale ku eedaynayay inay adeegsatay,

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Dhawaaqa Maraykanka iyo xulufadiisa oo hada u muuqda mid dhicisoobay kadib markii Maraykanku ku keliyaysatay qorshihiisa duulaanka ayaa wel-wel ka abuuray mandqada, taas oo sababtay in  cabsi weyni soo waajahdo dalalka Israil, Jirdan, Qadar, Sucuudiga iyo kuwa taageersan hawlgalka Maraykanka iyo Britain ku donayeen weerarkaa.

Dhinaca kale Iran oo iskaashi dhinaca amaanka ah uu ka dhexeeyo Suuriya ayaa balanqaaday in talaabo kasta oo Maraykanka iyo xulufadiisu ku qaadan Suuriya aanay gamcaha ka laabanayn. Sidoo kale Ruushka oo hanjabaad taas la mid ah kaga jawaaba arrintaa ayaa abuuray cabsi soo waajahday dalalka Israil iyo kuwa carbeed ee xulufada la ah Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee isbedelka ku yimi qorashaha Madaxweyne Obama ee weerar ka dhan ah Suuriya ayaa isu bedela weji gabax. Kadib markii si weyn loo dareemay in weerar Milateri oo lagu qaado xukuumadda Suuriya oo si weyn wax uga bedelayo xasiloonida Mandaqada codaaladaha hore ka taagnaayeen, taas oo dhaqaale ahaan iyo nabadgelyo ahaanba saamayn ku yeelan karta dunida kale, maadaamaa xaaladu si weyn uga duwaanaan karto hawlgalkii toban sanadood ka hor xukunka lagaga tuuray Sadaam Xuseen oo ahaa hogaamiyihii dalka Ciraaq oo Marakanka iyo xulkufadiisu ku doodayeen waqtigaa inuu haysto hubka wax gumaada, balse a waxba kama jiraan noqotay markii meesha laga saaray Sadaam Xuseen.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *