Hargeysa(ANN) Golaha wakiiladda Somaliland, ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen hoolka shirarka ee golahaa  ku meel mariyay cod qaadis golaha loo weydiiyay  Is casilaada  Guddoomiye ku-xigeenkii Koowaad  ee golahaa Sh. C/casiis Maxamed Samaale oo uu Madaxweyne Siilaanyo u magacabay

 

Wasiirka Maaliyadda.
Sidoo kale waxa golaha la keenay is casilaad kale oo uu soo gubiyay  Gudoomiye  ku-xigeenkii labaad  ee golahaa Baashe Maxamed Faarax oo  doonaya inuu isku sharaxo  jagadii uu Wasiirka Maaliyadda C/casiis  Samaale  baneeyay oo ahayd gudooniye xigeenka labaad ee golaha.
Fadhiga mudanayaasha oo ay kasoo xaadireen 52 mudane waxa ogolaaday istiqaalada Wasiir C/casiis Maxamed Samaale 50 mudane, hal mudane ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codaynin. Halka guddoomiye ku-xigeenka labaad ay istiqaaladiisa aqbaleen 51 mudane.
Wasiir Samale oo ka hadlay fadhigii Golaha wakiiladda ee maanta ayaa sheegay inuu ogyahay xilka uu hayay iyo ka loo magacaabay inuu sareeyay  xilka uu hayay ee gudoomiye xigeenka golaha wakiilada, balse  waxa uu sheegay  in maadaama Madaxweynuhu u gartay oo la magacaabay inaanay jirin sabab uu uga baaqsadaa.
Wasiirka cusub ee Maaliyadda Sh. C/casiis Maxamed  Samaale waxa uu xusay in Wasiirkii hore ee xilkaa hayay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi inuu ahaa Wasiir Mudnaa inuu xilka sii hayo, balse uu ka xun yahay in xilkiisa uu qaato, taas oo sida uu sheegay ay  duruuftaha waqtigan taagani  keeneen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *