Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Maanta mar kale dib u dhigtay Dhagaysiga Dacwadii seddexda Masuul ee lagu eedeeyay Musuq-maamuqa Mucaawanadii Masaakiinta, kuwaas oo Xabsiga loo taxaabay Todobaadkii hore,  isla markaana Maxkamaddu dib u dhigtay

 

dhagaysiga dacwadooda iyada oo todobada cisho oo rumaan ah udirtay.

Dadwayne Tiro badan oo ay Wehelinayaa Ehelada Qoysaska Masuuliyiinta ayaa subaxnimadii  hore ee saaka soo buux dhaafiyay Barxada hore ee Maxkamadda si ay u goobjoog uga noqdaan Dhagaysiga Dawcawada lagu soo oogay Masuuliyiintan oo kala ahaa Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi jeex Axmed X.Cumar C/llaahi (Xamarji), Agaasimihii hore ee Dib udejinta Axmed Cilmi Barre iyo La taliyihii hore ee Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac.  Iyadoo ciidanka booliskuna xidheen wadooyinka soo gala Maxkadda. Balse dadkaa ayaa ku dhowaad duhurkii ka dareeray halkaa. Kadib markii la keeni waayay eedaysanayaashaa.

Lama garanayo sababta dib loogu dhigay dacwada la filayay maanta inay ka bilaabanto maxkamadadda gobolka Hargeysa, balse Madaxa xafiiska xeer ilaalinta gobolka Hargeysa Mr San-jeex oo dadwaynihii Maxkamada halkaasi kusoo ururay la hadlay ayaa sheegay in kiiska masuuliyiintan loo saaray guddi soo baadha xaqiiqada eedaymaha ay u xidhan yihiin ee xilkii ay qaranka u hayeena looga qaaday “adeer maanta iyo maalmaha soo socda midna lama keenayo ee iska kala tagga, kiiskooda guddi ayaa loo saaraye” ayuu yidhi.

Dib u dhigista Dacwada Masuuliyiinta ku Xidhan Xabsiga Hargeysa ayaa dadka qaar ku abuurtay dareeno kala duwan iyada oo Qaar ka mid ah Ehelada Masuuliyiintani sheegeen in Danbigan dusha laga saaray Masuuliyiinta aanay jirin oo aan wax cad lagu hayn,  isla markaan  ay jiraan Masuuliyiin kale oo  xilal sare  haya, kuwaas ay suurtagal tahay inay galaan baadhitaaanada musuq-maasuqa lagu lunsaday raashinkaa ee loo xidhay sadexdaa masuul.
Dhinaca kale tan iyo intii ay xidhaanayeen saraakiishaa hore uga tirsanaa xukuumadda Somalialnd oo todobaadkii hore laysu raaciyay xil ka qaadis iyo xabsi, waxa soo baxayay dhawaaqyo lagu canbaaraynayo xadhigaa, kuwaas oo lagu dalbanayo in haddii ay xukuumaddu wax cad ku hayso dhakhso loo horgeeyo sharciga, haddii kalena loo soo celiyo xoriyadoodii.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *