Hargeysa(ANN) Badhasaabkii gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji), Agaasimihii Guud ee Dib u Dejinta, Axmed Cilmi Barre(ina Cilmi Yare) iyo La taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliiland Cismaan Siciid Jaamac, ayaa la filayaa in la horegeeyo maxkamadda gobolka Hargeysa

sabtida maanta 17 March, 2012.
Masuuliyiintaa oo lagu eedeeyay musuq-maasuq la xidhiidha raashin macaawino ah, taas oo keentay inuu  xilalkii ay hayeen ka qaado Madaxweyne siilaanyo 10 March 2012, kadibna ay ciidamada Boolisku Sadexdan masuul  xabsiga u taxaabto Kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo inay lunsadeen Raashin Macaaino ah oo loo waday dad masaakiin ah.
Hase yeeshee xadhiga masuuliyiintaa ayaa sababay inay xukuumaddu kala kulanti canbaarayn debeda iyo gudahaba, iyadoo lagu tilmaamay eedaha musuq-maasuq ee xukuumaddu ku eedaysay masuuliyiintaa, isla markaana isugu dartay xil ka qaadis iyo xabsi kuwo aan waxba ka jirin. Dada canbaareeyay xadhiga masuuliyiintaa iyo qaabka loola dhaqmay ayaa ugu baaqay xukuumadda in sharciga si deg deg ah loo horgeeyo haddii lagu hayo wax cad, ama xoriyadoodii loo soo celiyo.
Waxayna canbaaraynta dhinaca bulshada ka imanaysa ee lagu diidanyahay xadhiga masuuliyiintaasi soo  baxday. Kadib markii ay soo baxeen xoggo iyo tibaaxo sheegaya in raashinka lagu eedaynayo masuuliyiintaa ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo aan wax talaabo ah laga qaadin iyo kooxdii waday raashinka ee dalka soo gelisay, kuwaas oo aan la weydiin halka ay geeyeen raashinkaa oo tiradiisu badnayd.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *