Hargeysa(ANN)Golaha wakiiladda Somaliland ayaa meel mariyay xeerkii ugu horeeyay ee loo sameeyo Hay’adda sirdoonka qaranka, kaas oo mugdiga ka saaraya hawlaha ay qaranka u qabato Hay’addaasi iyo qaab dhismeedkeeda.
Fadhigii golaha wakiiladda Somaliland ee maanta oo ay soo xaadireen 42-Mudane, waxa gudoominayey Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiye xigeenka kowaad ee golaha, waxaana markii mudanayaasha cod loo weydiiyay xeerkaa, iyadoo ay meel marinta xeerkaa Ogolaadeen 34 mudane, 5 mudane ayaa diiday, waxaana ka aamusay 2 mudane, Gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaana waxa ku ansaxay xeerka sirdoonka Qaranka JSLand xeer No, 59/2012.
Xeerka sirdoonka Qaranka oo noqonaya xeerkii ugu horeeyay ee ay Hay’adda sirdoonka qaranku yeelato intii ay Somaliland jirtay, iyadoo marar badan su’aalo ka dhasheen qaabka ay u shaqayso hay’adda sirdoonku maadaama aanay lahayn xeer tilmaamamaya shaqadeeda iyo waxa ay qaranka u qabato, waxayna ansixinta xeerkan oo mudo golaha horyaalay meesha ka saaraysaa su’aalaha ka taagnaa dhismaha hay’adda sirdoonka qaranka Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com