Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasarada Arrimaha Debada Somaliland Dr.Maxmed  Cabdullaahi  Cumar ayaa sheegay in Dawlada Denmark Somaliland usoo Magacawday Wakiilka  u fadhiyidoona xafiiska qunsuliyada ee ay ka furanay Hargeysa. wuxuuna sidaa ka sheegay

kadib kulan uu xafiiskiisa kula qaatay maanta wakiilka Denmark  usoo magcawday Somaliland oo lagu magcaabo Mr. Soren  Skou  Rasmussen.
Wasiirka Arrimaha Debada ee Somaliland Dr. Maxmed C/llaahi Cumar oo kulankaa ka dib warbaahinta Faahfahin ka siiyey waxyaabihii ay ka wadda hadleen wakiilka cusub ee Denmark waxa uu  yidhi,  “Maanta Dalka wax yimiWakiilka Dawlada Denmark u Fadhiyidoona Somaliland Mr. Soren Skou Rasmussen oo si rasmi ah dalka u yimi, si uu hawlihiisa uu  halkan wakiilka uga noqonayo  dawladda Denmarka uu u bilaabo, Arrintaasi  waxay ka danbeysay wadda hadal dhexe maray  Dawlada Denmark iyo Dawlada Somaliland,  kadibna  lagu heshiiyey,  ama ay iyadu goáansatay in ay wakiil halkan ku yeelato.” Ayuu yidhi.

Dr. Maxamed C/llaahi oo sharaxaad ka bixinaya hawlaha uu xafiiskaasi ka qabanayo Somaliland, wuxuu yidhi, “ Hawlaha ugu waaweyn ee wakiilkaasi uu halkan ka qaban doono wax ugu badan in uu kobciyo iskaashiga labada dal Denmark iyo Somaliland, oo u badan dhinca Horumarka iyo Iskaashiga iyo Arrimo dhinca Nabadgelyada la xidhiidha, Runtii sharaf weyn ayey inoo tahay in Maanta halkan dawladii ugu horeysay ee Reer Yurub ay halkan xafiis rasmi ah oo wakiil ka noqonaya Danahooda iyo Iskaashiga ka dhexeya dalkeena iyo Dalkooda, uu halkan maanta uu ka furmo sharaf weyn ayey Xukuumada iyo Shacabka reer Somaliland u tahay.”Ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale dawladda Denmark oo ka mid ah dalalka hormoodka u ah saaxiibada Somaliland, isla markaana dhaqaallaha ugu baddan ku taageera dhinaca geedisocodka dumuqraadiyada, doorashooyinka , nabadgelyada iyo horumarka, ayaa hore u balanqaaday inay xafiis ka shaqeeya daneheeda ka furanayso Somaliland sanadka 2012, taas oo noqonay dawladii ugu horaysay ee dalalka Yurub ka tirsan oo xafiis ka furata Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *