Hargeysa(ANN)Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta Fadhi aan caadi ahayn Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay  in musharaxiinta u tartamaya doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada la siiyo Numbero, isla markaana meesha laga saaro waxyaabaha ay komishanku ka

cawdeen oo ay sheegeen inay caqabad ku yihiin doorashada.
Fadhigan aan caadiga ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada golaha wakiilada oo ay kasoo xaadireen 53 mudane, waxa  lagu ansixiyey Qodobadii ay Golayaashu ku sameeyeen wax ka bedelka iyo kaabista oo ah qodobada 7-aad. 9-aad. 22-aad. iyo 24-aad ee Lifaaqa Shanaad ee Xeerka No /20 oo dhigaya in Musharaxiinta la siiyo Numbero tartamada Doorashooyinka madaxtooyada iyo dawladaha Hoose.
Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo shirkaa gudoominayey ayaa mudanayaasha golaha ku wargeliyey Codsigii Madaxweynaha ee ahaa  inay  wakiiladu waajibkooda Qaran uga gutaan xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, iyadoo Codsigaa Madaxweynaha uu golaha hortiisa ka akhriyey Xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Waxayna golaha wakiiladu  ku sameeyeen wax ka bedelka iyo kaabista qodobada 7-aad. 9-aad. 22-aad. iyo 24-aad ee Lifaaqa Shanaad ee Xeerka No 20 , waxaana ogolaaday 37 Mudane , Afar Mudane ayaa diiday, waxaana ka aamusay 12 mudane, Gudoomiyahuna ma codayn, sidaana waxaa ku ansaxay Lifaaqa Shanaad ee Xeerka No/ 20 oo dhigaya in Musharaxiinta la siiyo Numberada tartamada Doorashooyinka madaxtooyada iyo dawladaha Hoose.
Dhinaca kale waxka bedelka xeerka ayaa ka danbeeyay codsi iyo soo jeedin ka timi komishanka doorashooyinka qaranka oo sheegay in haddii aan wax ka bedel lagu samayn xeerka uu sabab u noqon karo inay doorashadu dib u dhacdo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *