Hargeysa(ANN)Gudiga Doorashooyinka qaranka Somaliland,  ayaa sheegay  inaanay doorashooyinka golayaasha deegaanku  qabsoomayn sanadkan 2012, hadii ay  baarlamaanku marlabaad soo celiyaan xeerka doorashooyinka  ee XEER NO/20, kaas  oo ay hore usoo celiyeen

 

Goleyaasha sharci dejintu.
Sidaana  waxay ku sheegeen shir jaraa id oo ay maanta si wada jir ah  ugu qabteen xarunta komishanka doorshooyinka.

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Eng. Ciise Yuusuf  Xamari, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Saddexda qodob ee ugu waaweyni waxay ahaayeen arrimo qabyo sharci, dhaqaalaha oo qabyo naga ahaa iyo qaybta seddexaad ee doorashada ku xidhan oo ah farsamada iyo hawlgalka doorashada,  shaqaalaynta ha noqoto ama agabka doorashada, labada ugu way nee  na hortaagani waxay ahayeen dhaqaalaha iyo sharciyada qaybtii dhaqaalaha ee aanu ka codsanay xukuumada iyo deeq bixiyeyaasha labadaba xukuumadu intii kaga jirtay kharshka sanadkan 2012 way noo shubtay,  deeq bixiyaashiina balan qaadkii waanu ka haynaa ay balan qaadeen wixii kusoo kordhay  kharashkii doorasha” ayuu yidhi Xamarii.

Hase yeeshee wuxuu sheegay inay jiraan mushkilado ka dhashay xeerkaa, isagoo yidhi, “ Markii laga soo guudhay liistadii xidhnay oo ay  markii hore balan qaadeen inta uu kharash keedu noqonayo  markii danbe loo guuray tiradii namber-ka in qofka lagu doorto aanu ku qiimaynay ayey iyaguna nala qaateen wixii kharash kasoo kordhay oo ay yidhaahdeen waxaanu soo shubaynaa maka uu sharciyaad kiinu idiin dhamays tirmo.

sidaad ka war qabtaan madaxwaynuhu wuxuu ku soo celiyey Golaha Guurtida iyo wakiilada labadaba xeer no:20 qodobkii sumada aanu ku soo codsanay in lagu isticmaalo lambar,  halka ay sumad ka tahay qodobkaasuu madax waynuhu dibnoogu soo celiyey.

waxaanu leenahay komishanka doorashooyinka qaranku isagaa loo igmaday qaabka farsamo ee ay ku suurto galayso doorashadu Gole kale looma igman sharciyadbaa nagaga xidhan sharciyadii qaabkii ay ku suurto galaysay qadarka nafteena iyo waxaynu kari karno iyo waxaynaan kari karayn in maanta loo sharaxo golayaasha oo ay iyaga laftoodo fahmaan weeyaan”ayuu yidhi Gudoomyiha  gudiga doorashooyinka  qaranka  Somaliland.

sidoo  kale waxa halkaa hadalo kooban kasoo jeediyey Raabi Cabdi Maxamed oo ka mid ah xubnaha komishanka, wuxuuna sheegay in hadii ay golaha baarlamaanku mar kale soo ciliyaan xeerkan aanay  doorashada golayaasha deegaanku  sanadkan 2012,  ka qabsoomayn Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi.

“Waxaan idiin sheegayaa halkaa ay maanta taagan tahay hawshaa iyada ah waxay joogtaa maanta xeerka madaxwaynuhu dib ayuu ugu celiyey goleyaasha sharci dajinta,  waxaan filayaa inay  ka dhiidhiyaan  oo ay ka doodayaan barito(maanta) hadii markaa ay dhacdo inay goleyaasha sharci dajintu ay soo ciliyaan ama ay diidaan,  waxaanu anagu komishan ahaan idiinku  cadaynaynaa inaanay suurto galayn sanadkan in doorasho la qabto”

Mr. Raabi, wuxuu ku dooday in aanay komishan ahaan dhinaca dhaqaallaha mar kale deeqbixiyayaasha ka codsan karin, isagoo yidhi, “dhinaca dhaqaallaha dhawrjeer ayaanu ku noqonay  qolyaha inaga caawiya xagga doorashooyinka mar danbena laguma noqon karayo,  waayo tiraba laba jeer baa lagu noqday oo ay dhaqaalaha wax iska badaleen  sababaha  aynu inagu keenay awgood markaa haddii ay gole yaasha xeer dajintu  soo celiyaan xeerkaa maanta horyaala ee uu madax waynu ku celiyey doorasho qabsoomaysaa majirto sanadkan”. Ayuu yidhi.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xeerkaa kusoo celiyay golayaasha sharci dejinta, taas oo keentay in laysugu yeedho fadhi deg deg ah, si ay xeerkaa wax uga bedelaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *