mishiinka u baxaya1wakaaladdaHargeysa(Araweelo News Network)Wakaaladda Korontada Dawladda oo toddobaadkii u dambeeyey ku jirtay xaalad adag ayaa gebi ahaanba Albaabada loo laabay kadib markii Afar mishiin oo shaqayn jiray

 

saddex ka mid ah cillado kala duwan u fadhiisteen, iyadoo  mid keliya oo si kaltan ah dabka u siin jiray xaafadaha caasimadda dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay uu isna shalay subax is-bakhtiiyey, inkastoo gelinkii dambe ee isla shalay la sheegay in dib loo kiciyey, taasi oo keentay in waqti kooban la shiday.

Dhibaatadan dhinaca mishiinnada ee soo food saartay wershadda oo saamayn xooggan ku yeelatay dadweynaha reer Hargeysa ee wakaaladda dawladdu korantadu siiso adeeggeeda oo aan lixdii habeen ee tagay aan helin laydh joogto ah, iyadoo masuuliyadda fadeexaddaas lagu xidhiidhinayo inay ka dhalatay maamul-xumo hadhaysay hay’addaas iyo weliba dayactir la’aan dhinaca mishiinnada ah oo sida la sheegay soo taxnayd muddo 10 bilood ku siman.
xafiiska Maareeyaha Wakaaladda1
Weriyayaal ka tirsan Jamhuuriya oo booqday xarunta Wakaaladda Korontada Dawladda barqadii shalay, ayaa halkaas kula kulmay duruufo naxdin leh, kadib markii ay indhahooda ku arkeen mishiin nooca gacanta lagu qaado ah oo ka guuxaya wajahadda hore ee albaabka xafiiska Maareeyaha Guud oo waqtigaasi quful weyn ku xidhnaa, waxaanay qaar ka mid ah shaqaaluhu u sheegeen suxufiyiinta in mishiinka yar loo shiday kombiyuutarada xafiisyada lacag-qabashada oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad badan oo siday lacagihii laydhka ee lagu lahaa.

Sidoo kale, injineerrada wershadda ayaa waqtigaas ku hawlanaa baadhista cillad kedis ah oo sida la sheegay ku timi shalay subax mishiin keliya oo toddobaadkii la soo dhaafay keli ku ahaa koronto-siinta macaamiisha hay’adda, isla markaana marba saacado dabka loogu siindayn jiray xaafadaha magaalada Hargeysa ee laydhka dawladda isticmaala.

Waxa kale oo xilligaas xarunta ka maqnaa Maareeyaha iyo Ku-xigeenkiisa oo labadaba xafiisyadoodu xidhnaayeen.

Dhinaca kale, Maareeyaha hadda gacanta ku haya maamulka Wakaaladda Korontada Dawladda Mr. Axmed-yaasiin Aw Maxamed Jaamac oo shaqada ku helay imtixaan uu u galay, ayaa markii uu xilka la wareegay badhtamihii bishii June ee sannadkii 2013 inay wakaalladu lahayd afar mishiin oo shaqaynayey dhammaantood waqtigaas, sidoo kalena Madaxweyne Siilaanyo magacaabistiisa u raaciyey lacag lagu qiyaasay ilaa $200 kun doollar oo loogu talogalay dayactirka mishiinnada.

Haseyeeshee, sida ilo-wareedyo xogogaal u ah xaaladda wershadda ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in aan wax raad ah oo cad laga hayn halka ay martay lacagtii Madaxweynuhu u qoondeeyey qalabka dayactirka Afarta mishiin ee wakaaladda oo haatan wada fadhiistay, halka ilo kalena tilmaameen in maareeyuhu lacagtaas ku diray qalab tiro badan oo mishiinnada loogu talogalay, dhowaana dalka iman doonaan.

Dhinaca kale, Wakaaladda Korontada Dawladda Mr. Axmed-yaasiin Aw Maxamed Jaamac oo khadka telefoonka uu kula xidhiidhay Jamhuuriya xalay, ayaa iska fogeeyey in xaaladda Wakaaladdu ku jirto ay keentay wax maamul-xumo ahi, isagoo ku dooday in mishiinada fadhiistay tahay wax iska caadi ah oo dunida oo dhan ka dhacda.

“Laba mishiin ayaa noo shaqayn jiray, mid baa toddobaadkii hore naga jabay, kii kalena maanta (shalay) ayuu isna si kedis ah nooga jabay, laakiin galabta (shalay) intaanu kicinay ayuu haddana naga bakhtiyey. Lama odhan karo maxaa jabiyey, waayo adduunyada oo dhan waa wax ka dhaca oo Ingiriiska iyo Maraykankaba way xumaadaan, laakiin, shaqadoodii waanu wadnaa oo iminkaba injineerrada ayaa gacanta ku haya oo waanigaa dultaagan,” ayuu yidhi Mr. Axmed-yaasiin oo ka wajaabayey sababta ay ku timi xaaladda wakaaladdu ku jirto.

Mar la waydiiyey su’aal ahayd in maamul-xumo dhankiisa ka timi ay keentay inay fadhiistaan afar mishiin oo shaqaynayey markii uu xilka la wareegay, waxa uu ku jawaabay, “Afar mishiin may shaqaynayn ee waxa shaqaynayey saddex, laakiin mid markiiba hawada ayuu ka baxay, waxaanna soo hadhay labadan hadda xumaaday. Arrintaasi (maamul-xumada) waxba kama jiraan, mishiinnadu waxay ahaayeen kuwo duugoobay, wax wada xidhiidhna maaha mishiinnada iyo maamulku (management).”
Waxa kale oo la su’aalay, ‘in ay jirto lacag ilaa $200 kun dollar ah lagu siiyey markii aad xilka wakaaladda korontada la wareegtay si aad xaaladdeeda wax ugaga qabato iyo halka ay ku dambaysay?’

Haseyeeshee, isagoon maareeyuhu ka jawaabin su’aashaasi ayaa waxa ka go’ay khadka telefoonkiisa gacanta oo bakhtiyey (damay), iyadoo dhawr jeer oo markii dambe aannu ku celcelinay aanay noo suurtogelin in aannu helno.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *